24
views

taliska Booliska oo sheegay inuu helay raadadka goobihii xalay madaafiicda laga soo tuuray

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baadigoob ku hayaan kooxihii xalay madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii madaafiicda looga soo tuuray.

Jen. Axmed xasan Maalin taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in Xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo gamay.

“Halkan aan joogno oo ah Gubta ayaa madaafiicdii xalay laga soo tuuray, waana baadigoobeynaa, waxay ahaayeen kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya, kuwaas nabad diidka ah, gacanta ayaan ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay heleen qolofkii madaafiicda xalay la tuuray, waxaana uu carabka ku adkeeyay inay ammaanka xoojin doonaan sida uu yiri.

Dhinaca kale gudoomiyaasha degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere oo ahaa goobihii ay madaafiicda ku dhaceen ayaa sheegay in ilaa shan ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo guryahooda madaafiicda ugu tageen, sidoo kale ay jiraan meelo kale oo madaafiicda ku dhaceen oo aan wax qasaare ah geysan.

Madaafiicdii xalay lagu garaacay Wardhiigley iyo Boondheere ayaa bartilmaameedkooda ahaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo weerarkaas ku soo aaday, xilli Madaxweynaha dalka ka maqan yahay.

Read full story >>

17
views
Wehel Media ─ Magaalada Kismaayo oo baryahan ka jirtay xiisad u dhexeysay xubno magaalada ku sugan oo kala sheeganaya Madaxweynenimada Maamulka Jubbooyinka, ayaa waxaa maanta shir xasaasi ah oo ay ku yeeshay hoteelka Cascaseey 4 ka tirsan xubnaha loo doortay madaxtinimadda maamul goboleedka Jubbooyinka oo uu horkacayey Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) & Guddi ka socday dowladaha IGAD oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo. Wararka naga soo gaaraya kulanka ayaa sheegaya in ...
6 hours, 39 minutes ago
6
views
Waajid ─ Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee wada mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkaan uu xambaarsan yahay micno aad u weyn, islamarkaana xukuumadda aan loo baahneen inay qal qalsho. Xildhibaankaan ayaa sheegay in xukuumada la dhihi karo markale soo weeydiiso kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya, laakiinse aysan u arag in iyada la ridaayo, isagoona tilmaamay hadii aysan xukuumada wanaagsaneen in iyana aanay wanaag ...
6 hours, 39 minutes ago
3
views
Raxanreeb ─ ____________________ Cismaan Turaabi Use Facebook to Comment on this Post
6 hours, 39 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaan u dirayaa salaan qiimo iyo qaayo leh dhamaan shacbka reer somaaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debadba. Aniga oo ugubogaadinaya sanadgurada 22aad qaranimda iyo gooni isutaaga somaaliland. Gaar ahaana anigoo ku hadlaya afka xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan gaar ahaan ugu bogaadinayaa. Shagada wanaagsan ee hogaamiyuhu, uu qabtey. Intii uu dalka dabadiisa kumaqna kuwaas oo ah. Hawlaha geesinimada leh ee uu soo qabtay gudoomiyaha. Xisbiga mucaridka ...
6 hours, 40 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─   Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa dhagaystayaasha qiimaha badanow waraysi kooban aanu ka qaadnay qaar ka mid ah fanaaniintii kasoo qayb gashay dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.
6 hours, 40 minutes ago
5
views
Oodweyne News ─ Allaw sahal umuuraha, waxaa aad mooda in weli xalka Somaliya iyo Somaliland qasaan yahay oo marba dhinac kubada loo tuurayo. Somaliland wax aay la soo noqotay midnimadeed labiyo labaatan sano ka hor, intaana waxaa ay caalamka oo ay ku jirto Somali-Itaaliya doonaysay Aqoonsigi ay hore u heeshay in loo soo celiyo. Haddaba halka ay sheekadu ka qasan tahay waxa weeye, Somaliya ama Konfurta Somaliya ama Somali-Italaaliya sida qofba u yaqaano, ...
6 hours, 40 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa dhagaystayaasha qiimaha badanow waraysi kooban aanu ka qaadnay qaar ka mid ah dadweynihii kasoo qayb galay dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.  
6 hours, 40 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa qaar kamid ah Suxufiyiin kasoo nooga waramay sida ay u arkayeen dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.
6 hours, 40 minutes ago
3
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)- Madbacadda Qaranka Somaliland ayaa xuskii maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May sannad-guuradii 22aad ayaa wacdaro ka muujisay, iyadoo ay bandhigeen carbis iyo gaado ka ciyaar, isla markaana sitay boodhadh ay ku xadhan yihiin astaamo muujinaya waxqabadka shaqo ee ay qaranka uga masuulka tahay. Hawl-wadeennada madbacadda Qaranka oo ku labisnaa direyska isku eg, isla markaana uu horkacayay Maareeyahooda Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), waxaanay socod dheer ku mareen wadada halbawlaha ...
7 hours, 41 minutes ago
1
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa si mugleh u bogaadiyay dhammaan warbaahintii ka qayb qaadatay baahinta munasibadihii 18-May. Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Axmed Silaanyo si gaara u hanbalyeeyay warbaahinta Qaranka ee kala ah, Telefeeshinka Qaranka Somaliland iyo ilaacadda Radio Hargaysa, oo iyaguna xafladii subaxnimada iyo midii Madaxtooyadaba si live ah u baahinaayay. Madaxaxweynaha Somaliland oo ka jawaabaayay su’aal uu Waydiiyay Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Tv’ga ...
7 hours, 41 minutes ago