views
War deg deg: qarax gil gilay (islii)
Boocame Online- War si deg deg ah inooga soo gaaraya xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka diyaaradaha ciidamada cirka dalka Kenya.
Qaraxan oo lasoo sheegayo in loo adeegsaday Bambooyin ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka oo kuyaal xaafada ay Soomaalida kubadan tahay ee Islii gaar ahaan Section Three.
Shacabka kusugan Goobta Qaraxa Ayaa soo sheegaya in qasaaraha qaraxaas uusan ogaan karin, maadaama ay goobta isku soo gadaameen ciidamada kenya.
Hase ahaatee Wargayska Kenya kasoo baxa ee Nation ayaa dad goob joogayaal ah kasoo xigtay in qasaaraha la ogyahay uu yahay dhaawaca ilaa afar ruux.
Howlgalo balaaran ayaa ka soconaya xaafada Islii gaar ahaan Section Three oo qaraxan uu goordhow oo caawa ah uu ka dhacay.
Boocame Online
Daalacatey :79Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views