126
views

Natiijada Doorashada Gabiley Oo Lagu Dhawaaqay, Magacyadda 21-Ka Xildhibaan Ee Soo Baxay Iyo Axsaabta Ay Ka Kala Tirsan Yihiin

Gabiley,(Waaheen) Guddida Doorashooyinka ee Gabiley ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee  doorashada Golaha deegaanka ee Magaaladaas, taas oo si wayn loo wada sugayey, ayaa waxa kaalinta koowaad ka galay Xisbiga Kulmiye ee talada haya, halka kaalinta labaad uu galay ururka Wadani, kaalinta saddexaad ayaa waxa isaguna galay Xisbiga UCID, Ururka Rays ayaa isna galay kaalinta 4-aad,  kaalinta shanaadna waxa galay ururka Rays, halka kaalinta 6-aad uu galay urur siyaasadeedka Xaqsoor iyo Ururka Ummadda oo kaalinta 7-aad galay.

Hadaba Axsaabtii doorashadda deegaanka ee Gabiley u tartamaysay ayaa waxay Kuraasta Magaaladaas u kala qaybsadeen sidan:-

1)-KULMIYE, waxa uu helay 7 Xildhibaan.

2)-WADDANI waxa uu helay 4 Kursi.

3)-UCID waxa uu helay 4 kursi

4)-RAYS, waxa uu helay 2 Kursi.

5)- DALSAN waxa uu helay 2 kursi.

6)-XAQSOOR waxa uu helay 1 kursi

7)- UMMADDA, Waxa uu helay 1 kursi.

 

Dhinaca kale Magacyada 21-ka Xildhibaan ee Magaaladda Gabiley iyo Axsaabta ay ka kala tirsan yihiin ayaa waxay kala yihiin:-

7-da Xildhibaan ee Xisbiga Kulmiye uu ka helay Gabiley ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:-

1-            C/Qaadir Maxamed Faarax

2-            Cabdi Ciidle Cali

3-            Cibaado Maax Cilmi

4-            Shucayb Maxamed Muuse

5-            Cali Maxamed Sh,. Saleebaan

6-            Max’ed Amiin Cali ALaalle

7-            Dr. Axmed Cali Maxamed

UCID

1-            Cumar Cali Obsiiye

2-            Maxamed-amiin Cumar Cabdi

3-            Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal

4-            Mahdi Maxamed Xaashi

 

WADDANI

 

1-            Xasan Axmed Maxamed

2-            Cali Maxamuud ismaaciil

3-            Iid Xasan Cabdi

4-            C/Casiis Cabdilaahi ismaacii

 

DALSAN

1-            Cali Axmed Yuusuf

2-            Mustafe Sayid Abokor

 

RAYS

1-            C/Samad Sh. Aadan Ammiin

2-            Axmed Siciid Kibaar

 

XAQSOOR

1-            Nimco Axmed Cabdi

UMMADDA

1-            Cabdi Yuusuf Daahir

Read full story >>

1
views
Golis News ─ Muqdisho(Golisnews) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo dhallinyaro ah. Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho. “Howlgalladan ...
2 hours, 33 minutes ago
6
views
Golis News ─ Ujeedo: Warsaxaafadeed CAMBAARAYN Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, ...
2 hours, 33 minutes ago
2
views
Golis News ─ Hadal layaab leh ayaa ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maalintii la xusayay xornimada Somaliland.? ?. ?18 May Waxay Mudnayd Hambalyo iyo Hawraar San, Balse Bah-dil iyo Hawraar Xun May Gayin? Maalinta xornimada Somaliland ee 18-ka May waxa loo soo maray dhibaatooyin fara badan oo dad aad u tiro badani u god-galeen, taas oo wali ay sii taagan tahay riiqdiisii iyo raadkii uu ka tagay. Waxa xusid mudan dhacdadii naxdinta iyo ...
2 hours, 33 minutes ago
2
views
Golis News ─ Germany(Golisnews)-Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo kadhacday habeenkii axadii,xafladaas oo lagu xusayay sanadguuradii 22 ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda xafladaas oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo ka kala yimiday 16ka gobol ee uu wadankan Germany ka koobanyahay Xafladaas oo ay kala soo qayb galeen wufuud sar sare oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku ...
2 hours, 33 minutes ago
4
views
Ciyaaro ─ Kubaddii lagu ciyaarayay kulankii Bayern Munich iyo Cologne ayaa si lama filaan ah u dilaacday walow aysan garoonka ka jirin kubadd la’aan hadana waxey aheyd wax aan la fileyn in kubaddii lagu ciyaarayay ay si fudud ku dilaacdo markii Daniel van Buyten oo Bayern u ciyaara oo laaday kubadda kadibna ay dilaacday markii uu isku dhigay Ståle Solbakken oo Cologne u ciyaara. Hoos ka eeg sidii ay wax u dhaceen ...
2 hours, 33 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Ganacsatada gobolka Galgaduud ayaa billaabay in ay keydsadaan badeecooyinka kala duwan maadaama uu xilliga bad-xiranka soo dhow yahay. Ganacsatada ayaa ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho xilliga bad-xiranka, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay shirkadaha ganacsiga ay keydinayaan raashinka iyo shidaalka. Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada magaalada Dhuusamarreeb ayaa Bar-kulan u sheegay [...]
2 hours, 33 minutes ago
1
views
Bar Kulan ─ 2013-05-21-barnaamijka-haweenka
2 hours, 33 minutes ago
4
views
Bar Kulan ─ Australia ambassador to Somalia, Kenya, Tanzania, Rwanda, South Sudan, Uganda, and Burundi Geoff Tooth have on Monday visited the capital of Puntland administration Garowe, marking the first high-level visit by an Australian diplomat to Puntland. The ambassador met Puntland president Abdirahman Sheikh Mohamed Farole together with some of his cabinet ministers at the Puntland presidential [...]
2 hours, 33 minutes ago
1
views
Balanbal ─ Muqdisho: Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda. Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ka tirsan ...
2 hours, 33 minutes ago
24
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 21 May 2013: Dhangad ayaa sheegay in an lo adkaysan karin Waxyaabaha ay ku Hadlayaan Maxamed Amiin iyo Bare Hiraale waxaa unaa sheegay in Nimankaas ay Yihiin Dhuni qatayaal Dhangad ayaa sido kale sheegay In aysan mesha kajirin Habayarate Wax dowlad ah isagoo sheegay ay arimo gaar ah kadamacsantahy Kismaayo Dhinaca kale Waxa u weraar afka ah uu ku qaaday Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye isagoo sheegay in inta ...
3 hours, 31 minutes ago