views
War deg deg ah: 20 Askari OO PUNTLAND ayaa ku dhimatey dagaalkii XALAY dhacay
WAAJIDPRESS – 5 Dec 2012:
Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley weeraro kala duwan ay ka dhaceen kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Shabaab ee Soomaaliya,halkaasi oo lasoo sheegayo in ciidamada waxyeelo soo gaartey.
Deegaanka buuraleyda Gal gala ee Gobalka bari oo ay qeybo ka mid ah ku sugan yihiin ciidamada Puntland ayaa waxaa weerar xoogan ku qaadey dagaalyahano ka tirsan xarakada Shabaab.iyadoona shabaab deegaanka Galgala ay maamulaan qeybo ka mid ah Gobalka Bari.
Inta la xaqiijiyey weerarada kala duwan ee xaley lagu qaadey ciidamada maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhintey ilaa iyo 12-askari halka kuwo kale oo intaasi ka badana wax yeelo kasoo gaartey,waxaana sidoo kale askartan tira badan ee dhintey qaar kooda ay ku dhinteen Qaraxa loo dhigey ciidamada.
Wafiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay iney aad u canbaareynayaan weerarada kala duwan ee xaley dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ka geysteen deeganada maamulka Puntland,waxaana hada Galgala ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Puntland qasaaro intaan la eg ay kasoo gaarto weeraro kooxda Shabaab ay ka geystaan deeganadaasi,iyadoona falkan uu imaanayo xili la hadal hayey in shabaab ay ku xoogeysteen deegaanka Galgala ee Gobalka bari.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views