views
War deg deg ah: War Deg Deg Ah: Qarax Miino oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo lala Beegsaday Ciidamada Puntland
WAAJIDPRESS – 5 Dec 2012:
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goordhow qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan Maamaulka Puntland, isla markaana khasaaro badan uu soo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagula eegtay ciidamadaan wadada isku xirta magaalada Boosaaso iyo waliba deegaanka Galgala ee gobalka Bari.
Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gawaari ay wateen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.
Inta la ogyahay waxaa ku dhintay kudhowaad 10-askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, sidoo kale waxaa jira askar kale oo halkaasi ku dhaawacmay oo la dhigay isbitalka magaalada Boosaaso sida ay wararku nagau soo gaarayaan.
Lama Xaqiijin karo dhimashada iyo dhaawaca in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Puntland, inkastoo la xaqiijiyay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views