56
views

Xisbi Siyaasadeed Mucaarad ah oo Looga Dhawaaqay Magaaladda Boosaaso

Xisbi Siyaasadeed la magac baxay HOR-CAD ayaa si rasmi loogaga dhawaaqay gudaha magaaladda Boosaaso,wuxuuna noqonayaa Xisbigii Saddexdaan oo Puntland Doorashadda soo socota u tartami doona.

Xafladda ballaaran oo lagu qabtay Hotel Juba ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro Xukuumadda ka tirsan,Siyaasiyiin,Ganacsato,Culuma’udii n,Isimo,Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Afhayeenka Ururka HOR-CAD Axmed Yaasiin oo ugu horeyn ka hadlay Xafladda daahfurka ayaa sheegay in Ururkan yahay mid bulshadda Puntland u horseedaya Cadaalad iyo horumar.

Waxa uu sheegay in Astaanka Ururku yahay Kitaabka Quraanka Kariimka ah,Miisaanka Cadaaladda iyo Neef Geel ah,taasina ay tahay buu yiri mid ka turjumaysa Cadaaladda iyo Horumarka.

Shiikh Axmed Daahir oo kamid ah Culuma’udiinka ugu muga weyn Puntland ayaa isna sheegay in Ururkan HOR-CAD si weyn usoo dhaweynayaan isla markaana uga fadhiyaan in wax weyn uu ka qabto Xaaladda Puntland.

Guddoomiyaha Ururka HOR-CAD Cabdiqaadir Axmed Ducaale oo ku sugan magaalada Qaahir isla markaana khadka Taleefanka uga qeybqaatay daagfurka Ururka ayaa sheegay in Ururku yahay mid Mucaarad ah balse ah Mucaarad ka shaqeynaya danaha bulshadda.

Mudane Cabdiqaadir ayaa sheegay in Ujeedada Ururkan HOR-CAD uu yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen Hoggaamiyaasha berito ee Puntland,wuxuuna amaanay Hannaanka Dimuqraadiyadda oo la’aanteed ku suurtagasheen in Ururkan ku dhawaaqaan.

Wasiir Kuxigeenka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Cabdishakuur Mire Adam oo ku hadlay afka Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in Talaaban ay tahay mid muujinaysa Hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee ay kar wadeenka ka yihiin.

Waxa uu kula kaftamay in haddii ka Dawlad ahaan doonayaan in Xukunka ay sii dheereystaan isla markaana Xafiiska joogaan aysanba sameeyeen in Axsaab la furto lalana tartamo Xisbigooda Horseed.taasina ay muujinayso iney diyaar u yihiin in lala tartamo.

Qaar kamid ah Waxgaradka,Isimadda,Puntland ee ku sugnaa madasha lagaga dhawaaqay Ururka cusub ayaa si wadajir usoo dhaweeyey,waxayna kula dardaarmeen inuu noqdo mid danta bulshada ka shaqeeya. 43640x480x0489.jpg.pagespeed.ic.Q31Iunz5kh640x480x0571.jpg.pagespeed.ic.oadj2fJki_640x480x0665.jpg.pagespeed.ic.r5HEFYzhIp640x480x0755.jpg.pagespeed.ic.NWOF7lPEtb640x480x0854.jpg.pagespeed.ic.5M7r9sGwpZ640x480x0957.jpg.pagespeed.ic.O3eAwvRM3c640x480x01172.jpg.pagespeed.ic.3X5ygpFz0H

 

Read full story >>

3
views
Qurbe Joog ─ Karachi May 19 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in Rag Hubeysan ay Toogteen Zahra Shahid Hussain oo aheyd Siyaasi ka tirsanaa Xisibiga Dhaq-dhaqaaqa Cadaalada ee uu hogaamiyo Xidigii Kirikitka ee Imran Khan. Dilka Haweyneydan ayaa ka dhacay Magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan waxaana lasheegay in xilliga la dilayay ay ku sugneed banaanka hore ee gurigeeda iyadoo la tilmaamay in Raga dilka geystay ay Mooto wateen. ...
3 hours, 16 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Duekoue May 19 2013 (SDN)— Ciidamada Milatariga dowladda Ivory Coast ayaa xiray hogaamiye Maleeshiyo, kaasi oo lagu tuhunsanyahay in uu dowr ka qaatay xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii. Ninkan laxiray ayaa lagu Magacaabaa Amade Oueremi waxaana la sheegay in uu Amar ku bixiyay in maleeshiyaadiisa ay dilaan dad badan intii lagu gudaha jiray Rabshadii ka dhashay doorashadii ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii. Hay’addaha Xuquuqul Insaanka ayaa ...
3 hours, 16 minutes ago
10
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Daawo Sawirrada Xarun Waxbarasho oo dowlada Turkigu ka hirgalisay Magaalada Muqdisho.   Xarun Waxbarasho Oo Turkiga Uu Ka Hirgeliyay Magaalada Muqdisho Awr Lagu Soo Bandhigay Xafladii Furintaanka Ee Xarunta Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Fadhiya Afaafka Hore Xarunta Cusub Ee Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Ciyaaraya Madaxweynaha Oo Lagu Soo Dhaweynayo Xarunta Cusub Ee Waxbarasho Turkiga Uu Ka Hirgeliyay Muqdisho Axmed Daaci Gudoomiyaha Degmada Wada Jir Oo ...
3 hours, 16 minutes ago
2
views
Laacib Net ─ Gael Clichy ayaa heshiis cusub oo afar sanno ah u saxiixay Manchester City. Daafaca bidix oo ka soo dhaqaaqay Arsenal ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay City ilaa 2017. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ogolaaday heshiis cusub, waxaana indhaha ku haayaa xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Clichy u sheegay website-ka kooxda. “Sidii aan wax u dooneynay inooma [...]
3 hours, 17 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Beppe Marotta ayaa xaqiijiyay in wakiilka Carlos Tevez inuu u soo dhawaaday Juventus islamarkaana ay heshiis la gaari karaan. Agaasimaha guud ee kooxda Juventus ayaa la hadlayay Sky Sport Italia ka hor kulankoodii xalay ee guuldarada ay ka soo gaartay Sampdoria. “Tevez? marka laga hadlaayo tayadiisa iyo qibradiisa, ma nihin kuwii ugu horeeyay ee ogaada.” [...]
3 hours, 17 minutes ago
3
views
Laacib Net ─ Iyadoo xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska uu soo xirmayo maanta, waxa kaliya ee miiska saaran ayaa ah booska Champions League, madaama xilli hore la xaqiijiyay cida hanatay horyaalka iyo kooxaha u laabanaya heerka labaad. Manchester United oo hanatay horyaalka Ingariiska markii 20aad xilli ciyaareedkan ayaa maanta u safri doonta kooxda West Brom kulankaasoo ah kulankii ugu [...]
3 hours, 17 minutes ago
5
views
Somalitalk ─ Booliiska dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu magcaabo Magne Andreas Meier, waxana ninkaas maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed. Sida ay qortay Jariidada wax ka qorta arrimaha Ganacsiga Norway oo magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv oo kusoo baxda Afka Noorwijiyaanka [Dagens Næringsliv], ninkan lagu magcaabo Meier waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid tahay ...
4 hours, 17 minutes ago
9
views
Somalitalk ─ Talo bixin muhiim u ah jiritaanka Qaranimada iyo ilaalinta xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya By: Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka MIDNIMO Somali United party (SUP) Eng: Ali Hersi Karshe (Ali Kabayare) KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA MUDANE XASSAN SH. MAXAMUUD
4 hours, 17 minutes ago
2
views
Somalitalk ─ Waxaa Xarunta Midowga Daladaha Waxbarashada Dalka lagu qabtey Munaasbad si heer sare loo soo Agaasimey taasoo ku beegneyd Sannad Guuradii 3aad oo ah markii ay Midoobeen Daladaha Waxbarashada Dalka , waxaana Munaasbadaas ka qaybgaley Masuuliyiin ka socotey Wasaaradda Adeega Guud ee Dowladda Federaalka Qaybeteda Waxbarashada, Madaxda Daladaha Waxbarashada , Hayadaha Samafalka , Jaamacadaha, Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.
4 hours, 17 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Dareenka Dadweynaha Magaalada Hargeysa Xuska 18 May iyo siday u dabaal-degeen , Iyo Dareenka Majaajilayste Boon Xirsi oo ugu horayn ka waramaya siduu u arko maalintan qiimaha badan, ee dhagaysi wacan.  
4 hours, 18 minutes ago