39
views

Fanaan Caan ah oo geeriyooday & Odi dhaqameed lagu toogtay Muqdisho.

Allha u naxriistee Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaan soomaaliyeed oo caan ku ah fanka Axmed Heybe Caraale, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa gaar ahaan Wiilkiisa oo lagu Magacaabo C/risaaq Axmed Heybe.

Geerida Marxuumka ayaa timid ka dib markii xanuun deg deg ah uu kusoo booday, iyadoona Marxuumkaan uu ka mid ahaa Fanaaniinta Hobolada Qaranka Waaberi, waxa uuna kaalin weyn kasoo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed.

Maalinta Barrito ayaa lagu wadaa Fanaanka in lagu Aaso Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Odiyaashii qeybta ka geystay soo xulistii Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Yuusuf.

Marxuumka ayaa lagu toogtay gudaha xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, iyadoona dilkiisa ay geysteen kooxo ku hubeysan Bastoolado kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Xilliga dilka uu dhacaayay ayaa waxa uu Marxuumka ku sugnaa Nawaaxiga Xaafadiisa, gaar ahaan Garaash ka Agdhaw hoygiisa oo ku yaal Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

Ma aha Markii ugu horeesay oo ay kooxo hubeysan gudaha Magaalada Muqdisho ku toogtaan mid ka mid ah Odiyaashii Xulista Baarlamaanka ka qeyb qaatay, iyadoona aan la ogeyn kooxaha dilkaan geystay cida ay yihiin.

Read full story >>

6
views
Somali Midnimo ─ MUQDISHO:- C/laahi Gaafow Maxamuud oo Murtadiinta Villa Soomaaliya u qaabilsan Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Shir jaraa’id oo uu qabtay ku inkiray in uu Garoonka Magaalada Muqdisho ku celiyey Diyaarad u socotay Magaalada Barbera ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee hadda isku magacaabay Somaliland. Gaafow wuxuu sheegay in ay Diyaaradda baarayeen oo ay ogaadeen Dad Baasabooro been abuur ah wata in ay Diyaaradaha u raacaan Wadanka Turkiga, balse Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa ...
6 hours, 39 minutes ago
7
views
Raxanreeb ─ Madaxwayne dalka Kenya Uhuru kenyatta Madaxwayne dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa soo dhamestiray golahisa wasiirada ee xukumadisa kadib markii uu maantey ku dhawaqey labadi wasiir ee ka dhined. Labadan wasiir ee maantay lamagacaabey ayaa kala ah Joseph ole Lenku iyo Kambi Kazungu.   Joseph ole Lenku ayaa noqonaya wasiir arimaha gudaha iyo isku duba ridka howlaha dowlada,halka Kambi Kazungu uu isna noqon doono wasiirka shaqaalaha. Wasiiradan ayaa maraya wadadii ay ...
6 hours, 39 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─ Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadnaha Amnesty international ayaa si weyn uga hadashey baahida loo qabo in Kenya ay dib u bilowdo diiwaan galinta qaxootiga soomaalida ah ee xuduudaha ka soo talaabaya. Justaas Yangaaya agaasimaha Amnesty international laanta dalka Kenya ayaa u sheegey dowladda Kenya in qaxootiga Soomaalida ay ku dhibtoodan soo galida guddaha dalka Kenya iyagoo wali ka soo cararaya xasilooni dari ka jirta qeybo kamid ah ...
6 hours, 39 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ Tahriibka da’yartu waa aafo qaran, musiibo ummadeed iyo mushkilad caalami   Illaahay baa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebigeena dushiisa.   Beryahan danbe waxa si wayn u shaac baxay erayga “TAHRIIB” oo ka tarjumaya hayaanka is miidaaminta ku dhisan ee kalahaad, boqool, caraabe, guurayn iyo guulidba loogu jiro sidii loo beegsan lahaa in rarka lagu furo deegaanada barwaaqada ah (waa sida ay socotadaasi aaminsanyihiine) ee dalalka ...
6 hours, 39 minutes ago
11
views
Qurbe Joog ─ Nairobi, 23, May (SDN) – Kenya has been asked to rethink its support for the self-declared state of Jubaland in southern Somalia as the region and the Federal governments squabble. The situation has further been compounded with warlords drawn from various declaring themselves president. A group of Kenyan businessmen warned that Kenya’s security is likely to be once again threatened if the region returns to the hands of Al Shabaab, ...
6 hours, 39 minutes ago
3
views
Puntlandi ─ Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Ptrof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan Booqasho gaara ku jooga Denmark ayaa 20 bishaan May wuxuu la kulmady Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark, Xaflada oo ka dhacdey Caasimada labaad magaalada Aarhus waxay noqotay Xafladii ugu balaateyd ee Soomaalida Denmark isugu timaado.. Hoos ka daawo Xaflada
6 hours, 40 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Waxan aad ugu bogaadinayaa Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) hadalkii geesinnimada iyo xaqaba ahaa ee uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Hargeisa,taariikhda Xaajigana waxa ka buuxa dhacdooyin badan oo ragannimadiisa caddaynaya, ina Buubaana intii Xaajigu yidhi waxba lagu dari maayo, laakiin Suldan/Maxamed Suldan Cabdilqaadir Suldan Cabdillaahi Suldan Diiriye Suldan Guuleed oo ku fadhiya kursi Somaliland ku qaali ah waxan kula talin lahaa inu u ekaado sida kursiga uu ku fadhiyaa yahay ...
6 hours, 40 minutes ago
11
views
Oodweyne News ─ Soomalidu Waxay ku maahmaahdaa Belaayo Madax laqabto ayay leedahay, ee Minjo la qabto Malahan, Nuxurka Iyo Ujeeddada waxan filaynaa in ay Mutadani inagu filan tahay, Waxaa soo if baxay Saadaal Iyo Dhayalsi, Khatar ku ah Qarrankan Iyo Dimuqraadiyadiisa, taasoo jiritaan keenii uu Maanta HALIS ugu jiro ficiltan Iyo falal farsamooyin wiiqaya kalsoonidii Iyo Wax wada lahaanshihiii qarran. Waxaa Kamida Eexda Iyo Shaqaale Qorista Ka jirta Wasaarrada Maaliyadda oo ah isha ...
6 hours, 40 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ As We Celebrate Somaliland’s 22nd Anniversary, let us also remember two other auspicious occasions we will also be celebrating this month. We speak of the 27th and 31st of May 1988. This year marks the 25th anniversary start of our war of liberation. In paying homage to all those who are no longer with us, the brave men and women who fought and gave their lives, we must offer our ...
6 hours, 40 minutes ago
5
views
Oodweyne News ─   Maansadani waxa ay ka hadlaysaa qiso ka dhacday magaalada Hargeisa, taas oo dhexmartay wiil iyo gabadh uu ka dhexeeyey jacayl guumoobay oo wakhti badan soo jiitamayey hase yeeshee danta iyo wakhtigu saamixi waayeen in la dhammeeyo oo wadadiisa la maro si looga midho dhaliyo Muxubadii uu xambaarsanaa ee mudada badan soo taxnaa.   Mudo dheer ka dib, haasaawuhu waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo midkastaaba watay dareenkiiisa ...
6 hours, 40 minutes ago