22
views
views
Jiiftada: “Magan!”
Dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, dalka iyo dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ahaa ee soo marey, maaha mid laga sheekayn karayo, qalin lagu koobi karayo kana dadan dunida iyo dadka garashada leh, burburka, barakaca, dilka iyo dayowga soo wajahay ummadda Soomaaliyeed, waxaa u dheer inaysan jirin is-cafin iyo ififaalo nabadeed, iskaba daa in Gar sooran a isugu yimaadee! Halkaa oo ay xaajadu u egtahey: “Waxaad barato waa baaskaa ee bohosha yaan laga bixin!” taa oo isku rogtay xasaradda, xisqiga, dhibaatada, dirirta iyo nabad la’aanta, waxaan ka soo gaarney sinjigeennii hore ee Soomaaliyeed, noqon doontana midka ka saarta samaantii iyo sifihii wanaagsanaa ee Soomaalidii kale ee hore, maadaama qarnigaani ku socdo qarrib, qalaase, qaxooti, iyo qurba-jaceyl.
Waa tii la yiri: “Kud ka guur ee Qanja u guure!” dirirtii lama mahadin, qurbihii lama mahadin, gobolaysi lama mahadin, fara-gelin shisheeye lama mahadin taa oo weliba keentey in maamulkii dalku uu noqdey maamul la maamulo, madax iyo manjo qaxootiya ee aan is-aaminin! Haddii aan u soo daadego dulucda qoraalka ee ah maansadaan “Magan” ka sokow inay iyadu is-sharraxayso, waa duco iyo Alle bari, waxa ayna taabanaysaa marxaladda madaxda, maamulka, iyo muwaaddinka Soomaaliyeed soo wajahdey. Haddaba, akhris wanaagsan.
Jiiftada: “Magan!”
1. Gabay moxogga kaa galo
2. Oo maanka kaa mudo
3. Maahmaah madow iyo,
4. Murti aana reebtaa
5. Mirir iyo dhibaataa
6. Malax iyo masuug badan
7. Mindi iyo maliiddaa
8. Maal iyo maroodiya
9. Mardabiyo khiyaanaa
10. Miishaar afaysana
11. Shar mutaxan shug iyo shalaw
12. Duul macangagiiniyo
13. Majnuun iyo majaaniin
14. Mowlaan ka magan nahay!
15. Madaxwayne qaa’ina
16. Xildhibaan la maamulo
17. Wasiir maqane joogaa
18. Gaashaanle mustacmira
19. Malaakh reer mustaawaa
20. Odayaal maroortiya
21. Sekratari macriifaa
22. Aqoonyahan ma-naaxaa
23. Dallaal iyo mallaal iyo
24. Daba-dhilif ma quustaa!
25. General ma diidaa!
26. Saraakiil ma-dhaantaa!
27. Wadaad diinta maanica
28. Maan-gaab ma garataa!
29. Muslim maanka laga xadey
30. Oo masiixi maamulo
31. Mujrim iyo munaafaqo
32. Mooryaan la magansado
33. Marwo meherka laga sugo
34. Masdar go’ay mushkilo baas
35. Maxas iyo masaakiin
36. Mashaqiyo mashaariic
37. Muddul dumey masiir ba’ay
38. Madal lagu garramayoo
39. Shisheeyuhu ka madaxyahey
40. Soomaali magan iyo,
41. Isma-dhaanto marras iyo
42. Ay tahey maqaar saar!
43. Duul maabka laga tirey
44. Muruqooda lala harey
45. Maankooda la nasaqey
46. Maalkooda lala baxo
47. Adduunyadu mamnuucdoo
48. Muwaaddinkii qaxootiya
49. Uu yahey musaafuris
50. Macaluulya maataa!
51. Mugdi galey iftiin dumey
52. Macdan qubatey miir baxey
53. Magalooti nolol adag
54. Maadaysya meertaa
55. Millad iyo shareeciyo,
56. Mabda’aan la meel marin
57. Maayado is-daba jara
58. Maaweelo sheekaa
59. Shanya toban jir maafaa
60. Manqo marasha diiddaa
61. Majinow majiir badan
62. Madfac iyo marduufley
63. Iyo mayd la furanaa
64. Murigiyo musiibiyo
65. Maraaxiil is-dabayaal
66. Mixnadiyo masuug badan
67. Mahadhooyin lagu dhaco
68. Mowlaan ka magan nahey!
Dhammaad.
Maxamed Cilmi Dhicisow
elmi_0@hotmail.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
3
views
views
Raxanreeb ─ Mudanayaasha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xarunta golaha shacabka kula qaatay waftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Carabta Axmed Maxamed Jarwaan oo Muqdisho booqasho ku jooga,kuwaas oo shalay dalka soo gaaray. Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waftiga kusoo dhaweeyey xarunta golaha shacabka wuxuuna sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshahooda magaalada Muqdisho oo ay tahay markii ugu horeysay ee ay yimaadaan wafti uu hogaaminayo gudoonka baarlamaanka Carbeed. ...
4
views
views
Raxanreeb ─ Hargaysa[RBC Radio]Waxaa ay maantey ku beegned 18ka May oo ah maalin si weyn looga xuso goballada iyo degmoyinka Somaliland. Sanadkaan ayaa sidda ay sheegen madaxda maamulka Soomaaliland waxaa uu ka duwanyahay xusaskii hore ee loqabanjirey 18ka,waxana wali maamulka Soomaaliland uu wada daadal dher oo ay ugu jiraan madaxbanaani ay ka helen Soomaalida inteda kale,inkasto xiligaan Soomaaliya ay ka dhisantahay dowladd buuxda oo KMGka ka baxdey. Waxaa saaka guud ahanba ay ...
1
views
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Arrinta golaha Shacbiga Magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi ugu yimid Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, kaasi oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, isgaoo sheegay in ay wax weyn tahay in madax sidan oo kale ah ay soo booqdaan Magaalada Muqdisho. Axmed Maxamed Jarwaani ...
2
views
views
Qurbe Joog ─ Hargeisa 18.May (SDN) -The Horn of Africa has been ravaged by war and famine for decades, and now one of Somalia’s regions, hopes to become an independent state. Somaliland sits on the Gulf of Aden and is officially regarded as an autonomous region of Somalia. The two were, however, separate until 1960. During the civil war in the 1980s, 40,000 people from Somaliland were killed, and nearly half a million ...
11
views
views
Puntlandi ─ Wafdigii Xaqiiqo raadiska IGAD ayaa wali waxay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha Halkasoo kulan balaaran uga socdo iyaga iyo Masuuliyiinta Dowlada Jubaland. Isimada iyo qaybaha Ururada Bulshada ayaa hada si habeysan u fadhiya Hoolka Jamacada, Waxayna sugayaan Wafdiga Xaqiiqa raadiska IGAD. wixii soo kordha kala soco Puntlandi
2
views
views
Oodweyne News ─ Wada Jirkeenu waxa uu keenayaa inaynu hagaajisano Mustaqbalka Dalkeena aynu u han weyn nahay” HARGEYSA (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan oo weyneeyaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay farriin gaaban oo uu ugu tallo galay inuu shacbiga hawadda u mariyo munaasibadan beri oo Sabti ah dalka laga xusayo ...
1
views
views
Oodweyne News ─
3
views
views
Marka Cadey Net ─ Wararka ka imaanaaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Raaskambooni, ay maanta dil iyo dhaawacba kula kaceyn ganacsatada ku sugan Suuqa Xoolaha ee Magaalada Kismaayo. Ganacsatada ayaa waxay ka soo horjeesteen inay lacago canshuuraad ah ay siiyaan Ciidamada Raaskambooni, kadib markii ay ku amreyn inay bixiyaan lacagaha canshuuraadka. Ganacsatada ayaa waxay sheegeen inaysan garaneyn [...]
4
views
views
Lughaya ─ Hergeisa(LUGHAYA.COM) Xuska 18 may ayaa sida la sheegayo waxa si weyn looga dabaal degay magaaalooyinka Hergeisa iyo Burco oo wafuud miisan sare leh ay ka qayb galeen musanabada ka dhacday labadaa magaalo.iyadoon ila ahada la hayn magaalooyinka kale ee somaliland sida ay ugu dhacday munaasabada 18 may.
7
views
views
Horufadhi ─ Magaalada Kismayo ee caasimada maamulka Jubaland ayaa waxa maanta 18 May,2013 gaaray wafdi ka socda urur goboleedka IGAD uuna hogaaminayey xoghayaha guud Maxbuub Macalin. HALKAN KA DHAGAYSO