39
views

Hadii layga Badiyo Doorashada Waa lagu shubtay oo ogaan Baa la iireebay!!!!!!. By: Bassim hussain

scw r  Dhamaan  akhristayaasha  sharfta Mudan,



Kadib markii  ay  soo Baxday  natiijada  hor dhaca  ah  ee  ururada tartamayaa  ay  ka soo hooyeen  Doorashadii golayaanka Degaanka ee dhowaan Dalka ka dhacday,  Markiiba  ururadii guul daraystay iyo taageerayaashoodu waxay mar marsiinyo ka dhigteen  in ku shubasho dhacday  oo  inta iyaga  laga eexday  ogaan loo reebay, hadaba  saaxiibayaal  waxa layidhi  gari laba kama wada qosliso, waxaad ubadheedheen in aad tartan  gashaan  lagu kala hadhayo , tartankaa waxaad gasheen idinka  oo  ku kalsoon  dhexdhexaad nimada gudida doorashooyinka markaa maxaad iminka  laqaylinaysaan??  maxaad  markii hore  kalsoonida usii seen gudi da doorashooyinka  oo aad u odhan waydeen maaha dhexdhexaad  oo anaka way na reebayaan   ururo kalena  way soo saarayaan???.
Doorashada Dalka ka dhacday may ahayn  wax  qarsoon  oo gudida Doorashooyinka oo qudhihi  gacanta ku hayeene umada somaliland oo dhan ayaa la socotay, muraaqibiintii axsaabta ayaa  goob walba joogtay oo codaynta iyo tirintaba talaabo talaabo ula socotay,muraaqibiintii caalamiga ahaa ayaa goobaha oo dhan joogay  oo  ka markhaati furay  sida hufan  ee doorashado udhacday,,  sida ururadu codka uga kala heleen  dhamaan gobolada iyo degmooyinka  hore ayaa loo filayey  oo  loo saadaalinayey urur  waliba meesha uu taageero ku leeyahay  iyo meesha aanu taageero kulahayn ee aan laga filayn in uu kuraas badan ka heloo… 95%  sidii la saadaalinayey ayay u dhacday…  markaa  waxaan leeyahay ururada hadhay iyo taageerayaashooda  saaxiibayaal  calafkiinii ayaad qaadeen  ee  inaga daaya  qaylada iyo cabashada oo kadaaya ceebaynta gudida doorashooyinka iyo dawlada iyo qaranka s/land  intaba.

Bassim hussain

bassimhussein@hotmail.com

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

Read full story >>

3
views
Puntlandi ─ Halkaan hoose riix si aad u daawatid: Puntlandi
4 hours, 23 minutes ago
1
views
Oodweyne News
4 hours, 24 minutes ago
1
views
Nuxur ─ Cabdixakiin Cilmi Xasan Ibraahim Geedow Cawaale Biibo C/salaam Xasan Daa’uud Maxamed Cismaan Xabiib Cumar Caaqil C/qaadir Xasan Cilmi Henery Liibaan Cali Maxamed Bashiir daahir Cabdi Xasan Cali Xasan C/llaahi Januune C/risaaq Mire kulane Muno Mahdi Bishaaro maxamed Cali Ayaan Maxamuud Cabdule Hoyo Nuuro sheikh Yuusuf Shamso Xasan Dacal Ifraax maxamed Xasan Ifraax Siciid Xaashi Fartuun Maxamuud Cabdule Nimco axmed salad Sahro abatiyeey Kowsar sheikh Xasan Sahro sheikh Xasan Faadumo sheikh ...
4 hours, 24 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa ka mid ah madaxdii ugu danbeysay ee si xun u dhaleeceeya tababaraha ka sii tagaya caasimada Spain Jose Mourinho, isagoo sheegtay in shaqada Bernabeu inay la weynaatay Mourinho. Kooxda La Liga ka dhisan ayaa xaqiijisay in Mourinho uu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib seddex [...]
4 hours, 24 minutes ago
10
views
Horufadhi ─ Getachew Reda af hayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay Dawladda Itoobiya in ammaanka Dalka Soomaaliya, Iyo Ciidamada Ka Jooga dalka Soomaaliya dalkaaasi Ethopia. Dhinaca kale Afhayeenka oo wax laga weeydiiyay in Itoobiya wax Lug ah ay ku leedahay Maamulka Jubba landayuu sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn balse [...]
4 hours, 24 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ Maalinimadii shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 15-ka May waxay magaalada Nairobi gabari ugu dhalatay tifaftiraha GoolFM.net Maxamed Xaaji Xuseen Raage & xabiibtiisa Raxma Maxamed Cabdi (Cuyuuni Qalbi) gabadhaas oo loo bixiyay magac qaali ah oo ah Soomaaliya Maxamed Xaaji waxaana u hambalyaynaya: Aabe Xaaji Xuseen Raage Aabe Maxamed Cabdi Yuusuf Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan Hooyo Suuban Maxamuud Cadoow Hooyo Xersiyo Aadan Nuur [...]
4 hours, 24 minutes ago
1
views
Harowo ─ Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis: Shirka waxqabadka & horumarka deegaanka looga hadli doono oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada (swedan ) ee ka soo jeeda gobalada Awdal , Gabilay , Salal shirkasi oo ay iskugu imaan doonan dhamaan gudida gobalada wadanka swedan . martiqaadka shirka oo ay fidiyeen ururwaynaha ( SAACID FORENING ) Shirkaasi oo dhici doona Maalinta : Sabti Saacada : 1:00 duhurnimo Tarikhta :25-05-2013 Magalada :Gotenberg Adresska : Backa folkets ...
4 hours, 24 minutes ago
1
views
Golis News ─ Cadaadley(Golisnews)-Halkan Ka Daawo Xafladii Xuska 18 May 2013 Ee Degmada Caddaadley
4 hours, 24 minutes ago
3
views
Bar Kulan ─ Dowladda Ethiopia ayaa iska fogaysay inay ku lug-leedahay qilaafka ka jira maamullada gobollada Jubbooyinka ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Ethiopi, Getachew Reda oo la hadlay raadiyaha Codka Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aanay dhinacna la jirin maamullada Kismaayo looga dhawaaqay iyo xaaladda halkaasi ka jirta. Waxaa [...]
4 hours, 25 minutes ago
8
views
WidhWidh ─ Dhacdo naxdin iyo murug badan leh ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool dalka South Africa ka dib markii 5 caruur ah oo ay dhashay ay ka qaadatey dowlada dalka South Africa. Hooyadaan oo lagu magacaabo Saciido Sheekh Ciise Ibraahim Yare oo ku nool dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay dowlada dalka South Africa ay kala wareegtay 5 caruur ah (2 gabdhood iyo 3 wiil ...
5 hours, 19 minutes ago