59
views

Doorashadii gola deeganka Somaliland oo ay xukuumadu ku shubatay iyadoo ka baqaysa ururada xaqsoor iyo umada inay soo baxaan!

tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijooyinkii hordhaca ahaa ee lagaga dhawaaqay deegaanada qaar ayaa waxaa ku gadaaman natiijooyinkaas musuq maasuq aad u weyn iyo kushubasho cadaana, hadaynu ka soo bilowno gobolka salal waxaa ka dhacday mid aan laba qarsan oo uu wakiil kaga ahaa xukuumada madaxweyne kuxigeenka c/raxmaan saylici isagoo laba arimood is dhex wada waa ta koobaade inuu xoog iyo xaaraan ku soo saaro xisbiga kulmiye oo deegankaas aan wax kalsooniya iyo shacbiyad toona ku haysan iyo isagoo ay ku waynayd inuu xildhibaano deegaan oo ka soo jeeda reerka uu ka dhashay meesha ka soo saaro arintaas oo uu si boo b ah iyo fawdo ah meesha lategay taas oo ay ka qayliyeen dhamaan bulshadii halkaas deeganka u ahayn oo qaadacay habka uu u maamulay madaxweyne kuxigeenku isagoo siqaawan ugu shubay reerkooda, ururka deegankaas uGu xooga badnaa ee taageerada laxaadka leh ku lahaa waa ururka xaqsoor oo uu hogaamiye ka yahay mujahiid; xasan ciise jaamac oo hadii uu soo bixi lahaa noqon lahaa hogaamiye wayn oo mucaarid dhab ah hogaanka u qabta oo xukuumada toosiya dhaliisheedana farta ugu fiiqa,

dhinaca deeganada bariga iyo gobolka sool iyagana sidaas iyo si ka foolxun ayay u boobeen xisbiga kulmiye iyo xukuumada siilanyo waxaanay u adeegsadeen maamuladii deeganadaas ka shaqaynayey iyo ciidanka qaranka oo ay ku fushadeen inay sanaaduuqda codka ku guraan iyagoo ka wakiila xukuumada iyo xisbiga kulmiye waana arin ka hor imanaysa sharciga dalka oo ciidamadii dalka iyo dadka u dhexda ahaa la adeegsado waana arin dastuur jabin ah, deeganada ka tirsan gobolka sool ayaa waxaa kalsooni iyo shacbiyad aad u balaadhan ka haystay ururka xaqsoor oo ay xukuumadu il gaara ku eegaysay deeganda uu ka soo bixi karo ururkaasi waxaanay xukuumadu deegaankaas culays ku saartay sidii aanu uga soo bixi lahayn ururka xaqsoor, waxay ka sameeyeen deeganada gobolka sool xaalad abuur iyo fawdo ay ugu tala galeen inay codadka uu ka helilahaa ururka xaqsoor la laalo si meesha loogu qiimeeyo deegaan aanay doorasho ka qabsoomi Karin! oo xaaladooda amaan aanay wanaag sanayn sanaaduuqdii deegankaas loogu talo galy oo 40 sanduuq ahaana waxaa kulmiye u buuxiyay ciidanka qaranka!,

deeganada gobolka sanaag ayaa iyaguna ahaa deeganada aanay xukuumadu wax rajo ah ka qabin inay ku soo baxaan waxaanay isku dayeen raxan wasiiro ah oo uu horboodayay wasiirka duulista hawada maxamuud xaashi inay boobaan sanaaduuqda gobolka iyagoo isku dayay inay ka bedelaan shaqaalihii loo gu talagalay inay iyagu qaadaan sanaaduuqda oo geeyaan deeganada loo gu talo galay waana tii rabshaduhu ka dhasheen iyo mudaharaadka rabshadaha wata ee dhaawacu ka soo gaadhay ciidamada boliska iyo dad rayd ah oo arintaas ka cadhaysan, markii ay suuroobi wayday aritaasi oo ay noqotay arin si qaawan loo maamulay ayaa waxay u bedeleen inay koox ka tirsan deeganku ay si badheedha ula baxsadaan sanaaduuq gaadhaysa 20 tan oo ay ku soo gurtaan waana ta ay xisbiga kulmiye ka helay codka faraha badan ee aanay filayn markii hore,

waxaa iyana la cadeeyay in si badheedha ay codad uu lahaa ururka umadu loogu shubto gobolka sanaag iyo magaalada ceerigaabo halkaas oo markii ay ka cawdeen xildhibaanadii sida xaqdarada ah loo reebay ee ay soo bandhigeen daliilo cad cad oo muujinaya inaanay doorasho xalaal ahi meesha ka dhicin ay go,aamisay maxkamada degmadu in dib loo tiriyo sanaa duuqdii, waxaa hada la helay warar fara badan oo muujinaya gobolka sanaag oo sanaaduuqdii iyo waraaqihii codaynta oo geed hoostii lala fadhiyo oo halkaas lagu shaxayn ayo waana arin fajiciso ku noqotay umada labaatanka sano soo tabcaysay!,

dhinaca gobolka togdheer waxaa ka muuqata natiijadii lagu dhawaaqay mad madow badan oo isna muujinaya inaanay ka madh nayn ku shubasho iyo wax isdaba marin taas oo xasiloonida gobolka halis ku ah,

gobolka maroodi jeex ayaa laga soo sheegayaa markii lays yidhi ku dhawaaqa natiijadii ay soo baxday in la waayo degmada axmed dhagax oo laga waayay computerkii lagu kaydiyay waxaanay noqotay mid umada yax yax ku reebtay welina sidii buurtii foolanaysay ayay sheegi kari la yihiin komishankii hawshaas qaabilsanaa,

markay inaast iyo inta weli qarsoon ee aanay saxaafadu helin ee kushubasho ahi jirto sidee lagu aamini karaa ama loo odhan karaa waa doorasho lagu wada qanci karo? jawaabtaasi waa mid iska cad waxaanay noqonaysa mid wixii ka dhashay ay xaaraan yihiin oo aan lagu kalsoonaan Karin ama xisbi soobaxay hanoqdo ama xildhibaan barar ha noqdee,

waxaanay noqon aysaa doorashadii ugu horaysay ee lagu tijaabiyo xukuumada siilanyo ee ay ku fashilanto iyadoo kaga aar gudatay xubnihii ay siyaasada ku coleebeen iyo deeganadii ay rabtay inay ku cadaadiso oo golayaasha deegankana ku waasiiso, waxaase iswaydiin mudan xukuumad aan cadaalad ku shaqaynayn oo nin jeclaysi iyo qaraabo kiil ku dhisan sidee ayay u ga dheshaynaysaa dalka? waxaana la odhan karaa waxa uu siilanyo ugu talo galay in layku dilo doorashan ee umuu qaban in dalka iyo dadka wax u soo kordhaan! waxaase meesha taal kaba waayen gashatee xagaad ku xidhan! waxaa layidhi karis xun iyana wax kula! yaase kaadhagaysan cadalad daradaas aad ku talisay?!

aadan axmed nuur

khuurshe11@hotmail.com

Dublin Ireland

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

Read full story >>

13
views
Wehel Media ─ Magaalada Kismaayo oo baryahan ka jirtay xiisad u dhexeysay xubno magaalada ku sugan oo kala sheeganaya Madaxweynenimada Maamulka Jubbooyinka, ayaa waxaa maanta shir xasaasi ah oo ay ku yeeshay hoteelka Cascaseey 4 ka tirsan xubnaha loo doortay madaxtinimadda maamul goboleedka Jubbooyinka oo uu horkacayey Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) & Guddi ka socday dowladaha IGAD oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo. Wararka naga soo gaaraya kulanka ayaa sheegaya in ...
6 hours, 11 minutes ago
5
views
Waajid ─ Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee wada mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkaan uu xambaarsan yahay micno aad u weyn, islamarkaana xukuumadda aan loo baahneen inay qal qalsho. Xildhibaankaan ayaa sheegay in xukuumada la dhihi karo markale soo weeydiiso kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya, laakiinse aysan u arag in iyada la ridaayo, isagoona tilmaamay hadii aysan xukuumada wanaagsaneen in iyana aanay wanaag ...
6 hours, 11 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─ ____________________ Cismaan Turaabi Use Facebook to Comment on this Post
6 hours, 11 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaan u dirayaa salaan qiimo iyo qaayo leh dhamaan shacbka reer somaaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debadba. Aniga oo ugubogaadinaya sanadgurada 22aad qaranimda iyo gooni isutaaga somaaliland. Gaar ahaana anigoo ku hadlaya afka xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan gaar ahaan ugu bogaadinayaa. Shagada wanaagsan ee hogaamiyuhu, uu qabtey. Intii uu dalka dabadiisa kumaqna kuwaas oo ah. Hawlaha geesinimada leh ee uu soo qabtay gudoomiyaha. Xisbiga mucaridka ...
6 hours, 11 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─   Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa dhagaystayaasha qiimaha badanow waraysi kooban aanu ka qaadnay qaar ka mid ah fanaaniintii kasoo qayb gashay dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.
6 hours, 11 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ Allaw sahal umuuraha, waxaa aad mooda in weli xalka Somaliya iyo Somaliland qasaan yahay oo marba dhinac kubada loo tuurayo. Somaliland wax aay la soo noqotay midnimadeed labiyo labaatan sano ka hor, intaana waxaa ay caalamka oo ay ku jirto Somali-Itaaliya doonaysay Aqoonsigi ay hore u heeshay in loo soo celiyo. Haddaba halka ay sheekadu ka qasan tahay waxa weeye, Somaliya ama Konfurta Somaliya ama Somali-Italaaliya sida qofba u yaqaano, ...
6 hours, 11 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa dhagaystayaasha qiimaha badanow waraysi kooban aanu ka qaadnay qaar ka mid ah dadweynihii kasoo qayb galay dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.  
6 hours, 11 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa qaar kamid ah Suxufiyiin kasoo nooga waramay sida ay u arkayeen dabaal-dagii 22 guuradda Xuska 18 May ee ka dhacday magaalada London, ee dhagaysi wacan.
6 hours, 11 minutes ago
2
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)- Madbacadda Qaranka Somaliland ayaa xuskii maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May sannad-guuradii 22aad ayaa wacdaro ka muujisay, iyadoo ay bandhigeen carbis iyo gaado ka ciyaar, isla markaana sitay boodhadh ay ku xadhan yihiin astaamo muujinaya waxqabadka shaqo ee ay qaranka uga masuulka tahay. Hawl-wadeennada madbacadda Qaranka oo ku labisnaa direyska isku eg, isla markaana uu horkacayay Maareeyahooda Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), waxaanay socod dheer ku mareen wadada halbawlaha ...
7 hours, 13 minutes ago
1
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa si mugleh u bogaadiyay dhammaan warbaahintii ka qayb qaadatay baahinta munasibadihii 18-May. Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Axmed Silaanyo si gaara u hanbalyeeyay warbaahinta Qaranka ee kala ah, Telefeeshinka Qaranka Somaliland iyo ilaacadda Radio Hargaysa, oo iyaguna xafladii subaxnimada iyo midii Madaxtooyadaba si live ah u baahinaayay. Madaxaxweynaha Somaliland oo ka jawaabaayay su’aal uu Waydiiyay Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Tv’ga ...
7 hours, 13 minutes ago