views
Qarax caawa ka dhacay Magaalada nairobi.

Waxaa caawa qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada nairobi ee dalka Kenya gaar ahaana xaafada Soomaalida ee Islii,kaasi oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay.
Qaraxa ayaan la cadeyn karin waxaa uu ahaa hase ahaatee waxaa uu ka dhacay meel u dhow Garoonka diyaaradaha ee ciidamada Militeriga dalka Kenya,halkaasi oo la sheegay xiligii qaraxa uu dhacayay ay joogeen ciidamo ka tirsan Dowlada Kenya.
Inta la xaqiijiyey qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacantey ilaa iyo 4-ruux kuwaasi oo aan la kala cadeyn iney ku jiraan dad Soomaali ah,wallow meesha qaraxa uu ka dhacay ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Qaraxa kadib ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada Dowlada Kenya howlgalo balaaran ay ka bilaabeen xaafada Soomaalida islii,hase ahaatee lama oga hadii ay dad soo qabteen iyo in kale,laakin waxaa caawa cabsi soo wajahdey dadka Soomaaliyeed.
Wixii kusoo kordha Xaalada islii kala soco wararkeena kale Insha alaah.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views