45
views

Somalia & Turkiya oo saxaafada la hadlay iyo Heshiis dhex maray Wasaaradaha Gaashaandhiga [Sawirro]

Labada Madaxweyne ee dalalka Turkiya iyo Soomaaliya ayaa shir jiraa’id ku wada qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiya ka dib Kulan Saacado qaatay oo labada Madaxweyne ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada dalkaasi.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abdalla Guul ayaa Saxaafada u sheegay in ay ka wada hadleen Xiriirka Labada dal, Arrimaha Siyaasada iyo Amaanka, iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu warfidiyeenada u sheegay in dhigiisa dalka Turkiya Abdalla Guul uu balan qaaday in ay xoojin doonaan Taageerada.

Dhinaca kale Wasiirada Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Turkiya ayaa Heshiis ku saxiixday Magaalada Ankra ee dalka Turkiya Heshiiskaas oo ka gedisan heshiisyo hore oo dhex maray labada dal, iyadoona kani uu qeyb ka yahay Hindisaha ee Dowlada Soomaaliya ku hormarineeso Ciidamada Qalabka sida iyo Wasaarada Gaashaandhiga.

Saxiixa Heshiiskaan ayaa Waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Dowlada Turkiya, Soomaaliya, Madaxweynaha yaasha labada dal, Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliya, Kan Turkiya, Agaasimaha Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya iyo Madax kale oo ka tirsan Dowlada Turkiya.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqasho ugu tagay Ardey Soomaaliyeed oo dalka Turkiya wax ka barata gaar ahaan kuwo wax ka barta Magaalada Ankara, iyadoona Booqashadaas ay ku wehliyeen Madax ka tirsan Dowlada Turkiya, Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya, Gaashaandhiga, Maaliyada, Taliyaha Ciidamada Xooga iyo dhamaan Wafdiga Soomaaliya ee booqashada ku jooga Turkiya.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu booqasho ku tagay Xarumo kala gedisan oo ay ka mid tahay Xarunta Gaashaandhiga dalka Turkiya.

Maalinta Barrito ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiya halkaasi uu ku qaabili doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiya Mr. Erdogan.

Kulanka dhex mari doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiya ayaa waxaa wehlin doona kulamo ay Istanbuul ku yeelan Doonaan Wasiirada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Turkiya, Wasiirada Maaliyada Soomaaliya iyo Turkiya.iyadoona Wafdiga Soomaaliya ay booqasho ku tagi doonaan Xarumo caan ah.

Read full story >>

3
views
Horufadhi ─ Booliska Britain ayaa toogasho ku dhaawacay labo nin isbitaal ayayna ku xiran yihiin iyadoo midkood ay xaaladdiisu aad u liidato kaddib markii ay raggaasi weerarka ku qaadeen askariga milateriga ka tirsanaa. Mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay waxaa magaciisa lagu sheegay Michael Adebolajo. Waqti yar kaddib markii uu dilku ka dhacay degmada Woolwich, [...]
2 hours, 49 minutes ago
2
views
Horseed Media ─ Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa todobaadkan booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Ghana halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha wadanka Ghana John Dramani Mahama. Kulankaasi ayaa si khaas ah looga hadlay xaalada dalka Soomaaliya. Dowlada Kenya ayaa ka codsatay John Dramani Mahama Madaxweynaha Ghana inuu hormuud u noqdo dadaalka cusub ee lagu xasilinayo Soomaaliya marka ay Madaxweynayaasha Afrika [...]
2 hours, 49 minutes ago
6
views
BBC Somali
2 hours, 50 minutes ago
6
views
BBC Somali
2 hours, 50 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Laba askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo maanta ka dhacay isgoyska Irid-Aamin oo kala bara xaafadaha Kooshin iyo Xaawo-taako ee magaalada Baladweyne. Taliyaha saldhigga booliska Baladweyne Gaashaanle dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad-alle ayaa Radio Bar-kulan u xaqiijiyay qaraxa, isagoo tilmaamay in uu dhacay xilli ay ciidamada Itoobiya biyo ka [...]
2 hours, 50 minutes ago
5
views
Bar Kulan ─ 12 ka tirsaneyd maleeshiyada al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay deegaanka Ceel-cadde oo 40 KM u jira deegaanka Dudumoqaris ee gobolka Hiiraan oo maalintii AQrbacada aheyd ay al Shabaab ku dileen dad shacab ahaa oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdi ayaa Bar-kulan [...]
2 hours, 50 minutes ago
2
views
Awdal Press ─ Mjournal : — Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo hadal u jeediyay shacabkiisa iyo dunidaba ayaa sheegay in la wiiqay guud ahaan marka la eego awoodii kooxaha argagixisada ka dagaallada ka wadda waddammo badan oo dunida ah, waxaana ka mid ah kooxaha uu tilmaamay Obama kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka iyo AMISOM. Madaxweynaha dowladda Mareykanka oo qudbad ka jeediyay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo hadal ...
2 hours, 50 minutes ago
5
views
VOA Somali ─ Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa maanta oo Jimce ah booqanaya dalka Ethiopia.
3 hours, 48 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Ma Muuqato Sabab Loo Sii Eegto Hogaanka Qaloocday Ee Golaha Deegaanka Ee Gabiley Bishii Kowaad ee Sanadka 2013ka Ayaa ay ahayd Markii Hogaanka Gudoomineed Ee Golaha Deegaanka Gabiley La Gudoonsiiyey Gadhwadeeka Golaha Degaanka Gabiley Gudoomiye Shacayb Maxamed Muuse . Iyadoo Marka Horeba Qaabkii Loo Maray Doorashadii Xilka Gudoomiye nimada Mid aan qurux badanayn isla markaana ahayd mid laga faramaroojiyey labaatanka xildhibaan(20 xildhibaan ) ee sharcigu siinayey Inay gole ahaan cida ...
3 hours, 49 minutes ago
5
views
Oodweyne News ─      
3 hours, 49 minutes ago