views
Beesha Arab oo ku gacan saydhay doorashadii maamulka Hargeisa.
Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Qurba jooga beesha Arab ayaa laga soo saaray baaqan
1- Markii aanu aragney cadaalad darrada qaawan ee lagula kacay ururka Xaqsoor
2- Markii aanu aragnay ku shubashada doorasho ku sheega ka qabsoomay Somaliland
3- Marki aanu aragnay dagaalka qaawan ee Kulmiye iyo Koomishanku kula kaceen ururka Xaqsoor
Waxaanu soo jeedinaynaa qodabada hoos ku qoran
1- In beesha Arab iyo salaadiinteedu ay gebi ahaanba qaadacaan doorasha ku sheega ka dhacday Maamulka Somaliland
2- In ururka Xaqsoor aanu aqbalin natiijada doorasha ku sheega ka dhacday Maamulka Somaliland
3- In xildhibaanada beesha Arab ee ku soo baxa doorasha ku sheega ay gebi ahaanba is casilaan
4- In beesha Arab ay shir deg deg ah isugu timaado aanay go aansato in Maamulka S/land kalsoonida kala noqoto, wasiirada beeshana ugu baaqdo iney is casilaan hadey diidaana ay iclaamiso inaaney beesha metelin
5- In beesha Arab ay go`aansato in wax dambe oo doorasha Somaliland aaney ka qayb galeyn, wax sanaadiiq ahna aan dhulkeeda la keeni karin
6- In beesha Arab si buuxda u taageerto beesha Ciise ee qaadacday doorasha ku sheega ka dhacday Somaliland
7- In beesha Arab ay iclaamiso in ay gebi ahaanba ka baxdo maamulka Somaliland
Baaqaas waxaa Boocame.com soo Gaadhsiiyey Qurba Jooga Beesha Arab.
Boocame Online
Daalacatey :84Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views