12
views

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Mudane Geeljire Oo Runta Ka Sheegay Sidii Ay U Dhacday Doorashada golaha Deegaanka Degmada Lughaya

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kharyaadka Badda ee Jamhuuriyada Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedaymo loo soo jeediyay Madxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdjlaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ka mid ahaa weftigii la socday madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Lughaya ku sugnaa xilligii doorashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo loo soo jeediyay madaxweyne ku-xigeenka intuu joogay degmada Lughaya, iyadoo ay eedayntu ahayd wax isdaba marin uu ku sameeyey intuu halkaas ku sugnaa hanaankii doorashadu u socoto.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay telefishanka madaxa-banaan Horn Cable TV, ayaa isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa usbuucan xisaab ayaynu madaxa iskula jirnay labo labo koox koox xisbi xisbi urur urur, natiijaduna waxay xisaabinaysay inta cod ee soo baxday, waxa inoo hadhay uun tii kama dambaysta ee komishanku doorashooyinka qaranku soo saari lahaa dhakhso loo filayo Insha Alla, taana waxaan rajaynaynaa in iyana si wadanimo leh aynu dhamaanteen ugu qanacno oo qof waliba intii Ilaahay u qoray ee u soo baxa ee ku salaysan codadkii la bixiyay xisaabtiisii in si muwaadino leh aynu u aqbalno natiijada oo aanu ururada ku gubaabinaynaa musharxiiinta ku gubaabinaynaa guud ahaan.”

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka Madaxweyne ku-xigeenka noqoto anaa la socday waa marka u horaysee Saylac anagu maanaan gaadhin. Weftigaa madaxweyne ku-xigeenku waad ogtihiin waxa uu u baxay Lughaya gudaheeda oo sanduuq saldhig bilays inta la soo weeraray niman dhalinyarii soo weerareen bilayskii difaacayayna xabado fureen, nin dhalinyaro ah waa ku dhintay Illaahay ha u naxariistee labana way ku dhaawacantay, arrintaas ayaan u tagnay waxa kale oo jiray dareen labada beelood ee wada daga deegaanka dhexdooda galay oo odhanaya beel ka midaa laga soo raray meel kale oo lagu soo raray deegaanka oo dabadeedna waraaqihii naloogu talo galay naga boobaya oo naga buuxinaya oo dabadeedna in doorashadii halis gasho aanu uga baaqanay.

Sidaanu u tagnay sidaas ayay ahayd, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ka shaqaynayay isu soo dhawaanta labadaa beelood beesha laga cabanayay ee la lahaa meesha ay ku soo guureen in loo ogolaado codka, wuxuu ku jiifsaday beeshiisa dadkana ka waramayaa ee lay sheegay inay ka waramayaan halkaa magacyada lay sheegay deegaanka ma bay joogin markaa siday uga warameen garan maayo doorashadan imika kamay waramin doorasho kale ayay ka waramayeen, waxa igu maqaala ah madaxbaa tidhi Madaxweyne ku-xigeenkaa sanaaduuq beeshiisa u qaybinayay waar Illaahay ka baqa waxaydaan ogayn haka waramina, Madaxweyne ku-xigeenku sanaaduuq uu leeyahay uu gawaadhidiisa ku sitay may jirin qofku wuxuu leeyahay inuu ku xishoodo waxyaabaha qaar sabab alaale sabab aanu labadaa beelood ee halkaa wada daga aanu ugu kala eexano ma jirto, aniguna labadaa reerood midna kama soo jeedo, aakhirona ii raaci maayaan labadaa beelood qof waliba kaligii ayuu dhimanayaa markaa waxa weeye wanaag labaduba waa laba beelood oo reer Somaliland oo aanu jecelnahay sida meelaha kale wixii khilaaf iyo cabasho gudaheeda waxaanu jecelnahay inay dhamaystaan,”

source-cadceed

Read full story >>

1
views
Laacib Net ─ Jose Mourinho ayaa ka tagi doona Real Madrid ka dib kulankooda ugu danbeeya ee horyaalka ee 1da bisha June, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka ee kooxda Los Blancos waxa ay Santiago Bernabeu kula ciyaarayaan Osasuna, waxaana jariirada Madrid ka soo baxda ee AS ay sheeganeysaa in tababaraha reer [...]
3 hours, 12 minutes ago
3
views
Horufadhi ─ Magaalada Seatle washinton ee dalka Maraykanka ayaa si balaadhan looga xusay maalinta nadaafada deeganada SSC ee Khaatumo State of Somalia, jaaliyada iyo dhalinyarada gaashaaman ee deeganada Khaatumo ayaa si blaadhan uga xusay halkaas, ayagooo garoomada ay kubada ku cayaaraan iyo goobaha kale ee halbawlaha ah ka nadiifyey qashinka maadama ay tahay 18ka May maalinta loo [...]
3 hours, 12 minutes ago
1
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)-Daawo Daawo Suldaan Yuusuf Xiirey Oo Beeshiisa usoo jeediyey inanay Xukuumad ku Mucaaridin Mar uu Shalay Ka Hadlaayey Xaflad Lagu Qabtay Deegaanka Baba-bahal ee Degmada Sabowanaag Miyir Cali Xuseen Hargeysa Golisnews Office info@golisnews.com Tel : 00252 634046313
3 hours, 12 minutes ago
2
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)- Maanta ayaa waxa Xabsiga laga siidaayey Maxaabiistii u xidhnayd Falkii ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Xerada Warshada Kabista Hargeysa iyo Qoys ay dhul ku muransanaayeen .Dhacdadan oo ahayd mid warkeedu gaadhay dhamaan Caalamka oo dhan ayaa waxa ay saaka kusoo gabagabowday in lasoo daayo dhamaan xubnihii loo xidhay arinkaas .Xubnahan u xidhnaa Falkan oo Todoba iyo Toban kamidi xukunaayeen Inta kalena Rumaan ku jirtay ayaa waxa siidaynoodu ka danbaysay kadib ...
3 hours, 12 minutes ago
1
views
Ciyaaro ─ Arsenal ayaa ugu danbeystii heshay booska ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League kaasoo ay ka tuurtay kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham Hotspur markii kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ay 1-0 kaga badisay Newcastle United. Laurent Koscielny oo difaaca ka ciyaara ayaa Arsenal u dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 52d kaasoo u xaqiijiyay booska 4d ee horyaalka markii ay heshay 73 dhibcood, hal dhibic ayeey kaga qaaday kooxda ...
3 hours, 13 minutes ago
1
views
Bar Kulan ─ Hal qof ayaa dhintay, lix kalana way dhaawacmeen shil gaari oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Taliye ku-xigeenka saldhigga booliska Burco, Deeq Cabdi Yuusuf oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa Bar-kulan u sheegay in gaari xamuul ah uu ku dhacay gaari kale oo kuwa raaxada ah. Deeq waxa [...]
3 hours, 13 minutes ago
1
views
Bar Kulan ─ Kooxda Arsenal ayaa ku dhammeysatay kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska ka gadaal markii galabta ay 1-0 kaga badisay New Castle United kulankii u dambeeyay ee horyaalka xilligan. Goolka oo uu saxiixay Koscielny ayaa Arsenal siiyay 73 dhibic, iyadoo dhibic ka sara martay kooxda Tottenham oo ku dhammeysatay horyaalka 72 dhibic. Arsenak waxay cayaari doontaa isreeb-reebka [...]
3 hours, 13 minutes ago
4
views
VOA Somali ─ Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah madaxa ururka Somali Action Alliance ee gobalka Minnesota Xaashi Shaafi, waxa uuna ka waramayaa 9 qof oo Soomaali ah oo maxkamadda Minnesota ay xukunno argagixisanimo ku ridday.
4 hours, 10 minutes ago
5
views
Somali Midnimo ─ Kismaayo Oo Ciidamada Shisheeye Ay Ka Tirtirayaan Towxiidka!. Ma Towxiid Ayaa Sidaas Ku Tirma?. KISMAAYO:- Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudayfa Xafidahullaah ayaa ka hadlay xaaladda Magaalada Kismaayo oo kamida qaybaha Saliibiyiinta Kenya iyo Murtadiintu ay gacanta ku hayaan, waa markii ugu horaysay ee Waaliga Jubbooyinka uu ka hadlo dhowrka Madaxweyne Nimanka sheegtay ee isku haysta Caasumaddii Wilaayadda Islaamigaa ee Jubboyoonka Kismaayo. Sheekh C/raxmaan Xudayfa wuxuu sheegay in ...
4 hours, 11 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa iska fogeysay iney ku lug leedahay cabasho kasoo yeertay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo sheegay in kulan qado ah oo ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ay iska hortaageen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed. Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugidda qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir “Goobe” oo maanta shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyey tan iyo ...
4 hours, 11 minutes ago