views
Soomaaliya oo heshiis la gashay Dowladda Turkiga “Daawo Sawirada”
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shir jaraa’id wada qabtay, kadib kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Ankara, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Abadallah Gul uu balan qaaday inuu xoojinayo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay fadhiyeen Wasiirada labada dal ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh bogaadiyay taageerada Turkiga ay siiyaan Soomaaliya, isagoo balan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka kala dhaxeeya walaalaha Turkiga.
Intii uu socday shirka jaraa’id ayaa Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga ay ka saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga ammaanka iyo milateriga, waxaana uu qeyb ka yahay dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Heshiiskan oo ah kii u horeeyay noociisa ee ay labada dal gaaraan, ayaa ka duwan heshiisyadii hore ee ay labada dal u gaareen oo ahaa dhinaca horumarinta iyo hirgelinta mashaariicda dib u dhiska iyo waxbarashada.
Turkiga ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyed, iyadoo la xusuusto sida ay ugu soo gurmadeen sanadkii hore xilligii abaaraha, oo Ra’iisul Wasaare Erdogan booqasho ku yimid Caasimada Soomaaliya.





Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views