16
views

Qarax Bambaano oo Khasaare Geystay oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Dhaawaca qaraxa ka dhacay Nairobi ayaa la dhigay isbitaalka.

Nairobi (RBC) Ugu yaraan siddeed ruux ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday bambaano oo caawa fiidkii ka dhacay wadada California ee magaalada Nairobi.

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay abaare 7:00 habeenimo ee caawa xilli ay dad ka soo rawaxay shaqooyinkooda ay marayeen wadada oo ahayd mid shaqo ay ka socotay oo aaney baabuurtu adeegsanin.

Dadka dhaawacmay ayaa saddex ruux oo ka mid ah lagu soo waramayaa inay xaaladoodu culus tahay, waxaana dhammaan dhaawacyada lagu daweynayaa isbitaalka guud ee Kenyatta Hospital.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxay aad ugu dhowdahay goob bakhaar ah oo qalabka lagu xareysto inta badana dadka shaqaalaha xoogsatada ah ay fiidkii dhigtaan alaabahooda.  Waxayna aad ugu dhowdahay suuqa weyn ee Islii ee ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Nairobi.

Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in qaraxa ka dib xiidamada boolisku ay gaareen goobta qaraxa uu ka dhacay iyagoo dhowr ruux halkaasi ka soo qabtay walow aan la ogeyn in dadkaasi ay yihiin Kenyan ama Soomaali.

Taliyaha booliska Nairobi iyi agagaarkeeda Moses Ombati oo goordhow hadlay wuxuu sheegay in weli ay ku jiraan baarista sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa sababay qaraxa oo wararka kala gedisan ay ka soo baxayaan.

Lama sheegin wax saameyn ah oo qaraxa caawa iyo hawlgalka boolisku ay wadaan uu ku yeeshay dadka Soomaalida ee ku nool Nairobi- gaar ahaan xaafada Islii oo bishii hore qalalaaso ay ka dheceen markii qarax bambaano oo baabuur lala eegtay ay ku geeriyoodeen dad ka badan 20 ruux.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

4
views
Wehel Media ─ NAIROBI, Kenya — The World Health Organization says the Horn of Africa is experiencing an outbreak of polio with cases confirmed in Kenya and Somalia. WHO said Wednesday that a 4-year-old girl near the Dadaab refugee camp in Kenya and two of her contacts tested positive for polio, the first confirmed cases in Kenya since July 2011. A case in Somalia was confirmed earlier this month. In response, a vaccination ...
5 hours, 37 minutes ago
4
views
Wehel Media ─ MOGADISHU (Reuters) – Somali members of parliament shelved a vote of confidence against the prime minister on Wednesday, but warned the government it would face further parliamentary rebellions if it did not do more to improve the economy and security. Prime Minister Abdi Farah Shirdon has led a cabinet, in place since the election of President Hassan Sheikh Mohamud last year, that has been lauded for bringing Somalia back into ...
5 hours, 37 minutes ago
6
views
VOA Somali ─ Xildhibaan Cabdirixman Xoosh Jibriil oo xubin ka Guddiga Baarlamaanka ee wadatashiga iyo dib u heshiisiinta jubooyinka ayaa sheegay in Madaxweynaayaasha lagaga dhawaaqay jubooyinka ay yihiin kuwa sharci darro ah oo aan xalaal aheyn.
5 hours, 37 minutes ago
2
views
Somaliland Org ─ Hargaysa (Somaliland.Org): Xukuumada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay qabanayso shir balaadhan oo heer qaran, kaasi oo lagaga arrinsanayo shaqo abuurka gaar ahaana sidii dhalinyarada shaqooyin loogu samayn lahaa. Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saartay wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad). War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in si wax looga qabto shaqo ...
5 hours, 38 minutes ago
4
views
Somali Swiss ─ Yusuf Garabey
5 hours, 38 minutes ago
14
views
Somali Memo ─ Xaalad nafiir ah ayaa looga dhawaaqay dhammaan jabahaatka dagaalka wadanka Suuriya kadib markii ay maleeshiyaadka Ururka Shiicada Xisbullaahi iyo ciidanka Bashaar Al-asad oo iskaashanaya ay go’aan ku gaareen in ay qabsadaan magaalada Al-quseyr ee istiraatiijiga ah. Xoogaga kacdoon wadayaasha Suuriya iyo jamaacaadka jihaadiga ah ayaa kumanaan dagaalyahan ku daad gureeyay magaalada si ay uga qeyb qaataan dagaal larumeysanyahay in uu naqan doono malxamad kala bax ah. Gurmadkii ugu xooganaa ayay ...
5 hours, 38 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ Qahira May 22,2013(SDN)-Toddoba xubnood oo ka tirsanaa xoogaga amaanka ee wadanka Masar ayaa lasii daayey, kadib markii muddo toddobaad ah afduub loogu haystay dhulka jaasiirad lamoodka Siinaay. Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi iyo wasiiro ka tirsan golahiisa xukuumada ayaa askartaasi ku qaabilay saldhig milatari oo ku yaala magaalada Qaahira . Madaxweyne Mursi ayaa ugu baaqay dadka ku nool dhulka lama degaanka Siinaay in ay iskadhiibaan hubkooda, waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay in ...
5 hours, 38 minutes ago
7
views
Oodweyne News ─ H2 { margin-bottom: 0.08in; }H2.cjk { font-family: "WenQuanYi Micro Hei"; }H2.ctl { font-family: "Lohit Hindi"; }P { margin-bottom: 0.08in; } --> Hargeysa (OWN)- Suldaan Maxamed Muuse Nuur ( Abu-Sufyaan ), oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland, ayaa ku guulaystay inuu guursado afar haween ah isla markaasna uu wada dajiyo hal guri iyaga iyo carruurtoodaba. Suldaan Maxamed Muuse waxa uu si xiiso leh uga sheekeeyay xaasaskiisan badan ee uu ku guulaysay ...
5 hours, 38 minutes ago
2
views
Marka Cadey Net ─ Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay maanta weeraro kala gooni gooni ah, ay ka geysteen Deegaanada Duduma qaris iyo Saba Xume ee Gobolka Hiiraan. Kooxahaan ayaa waxay dilal ka kala geysteen Deegaanadaan, iyagoo Deegaanka Duduma qaris ku dilay Oday Dhaqameed caan ah, oo si weyn looga garanaayo Gobolka Hiiraan. Allaha u [...]
5 hours, 38 minutes ago
2
views
Marka Cadey Net ─ Waxaa soo badanaaya walaaca laga qabo inuu dagaalo sokeeye ka dilaaco Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, maadaama ay ku sugan yihiin dhinacyo kala duwan, oo iska soo horjeeda. Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee Xukuumadii hore C/raxmaan Xoosh Jabriil, oo la hadlay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, ayaa wuxuu sheegay inay goor kasta [...]
5 hours, 38 minutes ago