views
Wadanka Japan oo Lagu Soo Gabagabeeyey Shir Looga Hadlaay Burcadbadeeda Iyo Sida La Isaga Kaashan Karo Ka Hortagooda[Sawirro]
Tokyo[RBC Radio] Waxaa magaaladda Tokyo ee dalka Japan lagu soo Gabagabeeyey Shir muddo Saddex cisho ka soconaaye,kaas oo looga arrinsanayey arrimaha Burcadbadeeda iyo qawleysatadda Xeebaha.
Shirkan oo ay wadajir usoo qabanqaabiyeen Ururada ReCAAP(Regional Cooperation Agreement on Combating Piracy and Armed Robbery against ships in Asia) iyo DCoC (Djibouti Code of Conduct) ayaa waxaa martigelisay Dawladda Japan.
Mudada uu socday Shirka,waxaa kasoo qeybgalay IMO,EU iyo wadamo kale oo aan kamid ah ahayn labadda Urur(ReCAAP & DCoC),waxaana guud ay gaatayeen dawladaha kasoo qeybgalay 60-wadan.
Dawladihii kasoo qeybgalay kulanka looga hadlaayey Burcadbadeeda iyo Qawleysatada waxay badankoodu soo bandhigeen warbixino la xiriira la dagaalanka Burcadbadeeda iyo Qawleysatada,horumarka xarumaha xog-is dhaafsigu soo gudbiyeen,waxa dhiman in lagu kordhiyo ee la doonayo iyo qaababka farsamo ee la doonayo in lagu wada shaqeeyo oo la Casriyeeyo.
Agaasimaha la-dagaanka Burcadbadeeda Dawladda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir”"Ducaysane”" oo Shirka uga qeybgalaayey Soomaaliya ayaa kusoo bandhigay kulanka guusha Soomaalidu ay ka gaartay la-dagaalanka Burcadbadeeda iyadoo isku tashaneysa sababteyna in Burcadbadeednimadu ay hoos u dhacdo.
Sababaha ugu waa weyn ayuu ku sheegay in Burcadbadeedu ay hoos u dhacdo iney tahay Barnaamijyadda wacyigelinta oo ay si wadajir ah uga qeybqaateen Dawladda Puntland iyo Ururada Bulshadda iyagoo adeegsanaya Warbaahinta madax banaan.
Waxa uu sheegay oo kale in iyaguna ay qeyb ka qaateen la-dagaalanka Burcadbadeeda Ciidanka Booliska Ilaaladda Baddaha Puntland oo hawlgalo ka sameeyey isla markaana fariisimo ka sameystay magaalooyin ay Burcadbadeedu ka hawlgeli jirtay.
Waxa uu tilmaamay Agaasimuhu in ay xiriir wadashaqeyn oo wanaagsan iyo mid xog-isdhaafsi ah ay la leeyihiin Ciidamadda Caalamka ee la-dagaalanka Burcadbadeeda sida NATO,EUNAVFOR.
Mudane Ducaysane ayaa u gudbiyey baahida Isgaarsiineed ee loo baahanyahay in laga taageero si ay u Sahlanaato Xog-Isdhaafsiga la- dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Madasha Shirka gudihiisa ayaa Agaasime Ducaysane looga magacaabay inuu noqdo Madaxa lagala soo Xiriirayo dalka Soomaaliya(NFP),Marka laga hadlaayo Xog-Isdhaafsiga arrimaha la xiriira la-dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida.
ReCAAP,waxaa la aasaasay 2004,waxaana heshiis kuwadagalay 16-wadan oo kasoo Jeeda Qaaradda ASIA,waxayna maanta tiradoodu gaareysaa 17-wadan,wadamadan ayaa heshiis ku gaaray sidii ay Isga Kaashan lahaayeen wadajirna ay Isaga dhicin lahaayeen Kooxaha hubaysan ee dhaca iyo boobka u geysana Maraakiibtooda gooshta gacan Biyoodka Malaka,waxayna hadda sameysteen Ubuca ay Xogta Isku-dhaafsadaan si ay Maraakiibtooda uga badbaadiyaan dhaca iyo boobka.
DCoC,ururkan waxaa lagu aasaasay 2009 dalka Jabuuti,waxaana ku bahoobay 20- wadan oo ka kala socda Afrika iyo Khaliijka Carabta,Ujeedada ugu weyn ee loo sameeyey ayaa ahayd la-dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda dhaca iyo boobka ku haysa Maraakiibta goosheysa Gacanka Cadmeed,Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,dawladii ugu danbeysay oo kamid noqota Ururka ayaa ahayd Mosambique.
Dawladda Soomaaliya waxay kamid tahay Saxiixayaasha heshiiska loogu magacdaray Djibouti Code of Conduct (DCoC),waxayna Isku afgarteen si hawshan baaxadda leh loo dardargeliyo loogana dhabeeyo in:
01. In wadanka Jabuuti laga dhiso Xarunta Tababarka(Training Center) taasoo dhismaheedu weli socdo,Sanca (Yemen),Mombasa (Kenya), Daarasalaam
(Tansania),kuwaasoo iyagana laga hirgaliyey Xarumo Xog Isdhaafsi (Information Sharing Centers – ISC) kuwaas oo iminka Shaqeeya.
____________________________
RBC Radio
Tokyo+Bosaso
Use Facebook to Comment on this Post
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views




