39
views

DOOD FURAN: Puntland, Kadib 8-da Janaayo 2013 Ma U Baahan Tahay Doorasho Madaxtinimada?

Dood ayaa ka taagan aqtiga uu rasmi ahaan dhammaanayo mudada xilka xukuumadda hadda jirta ee Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne C/raxmaan Faroole.  Doodaasi waxa ay hadda mareysaa meel adag.

Xukuumadda hadda jirta ee madaxweyne Faroole waxay ku adkeysaneysaa in mudo 12 bilood ah ay uga hartay waqtigii loo igmaday inay xafiiska heyso taasoo ku eh sanadka 2014 (siday qabto xukuumadda).  Dooda madaxtooyada iyo xukuumadda Puntland ayaa ah in ay lala ansaxiyey dastuurka Puntland kolkii ay ergooyinkii lala kala keenay deegaanada Puntland ay ansinayeen sidaas darteedna ay la  jaanqaadeyso dastuurka cusub ee la sameeyayn lana meelmariyey kolkaas.

Hase yeeshee dood kale oo aad u adag ayaa hortaalla- Dad mucaaradsan waxay qabaan in mudada xilka madaxweyne Faroole uu ku eg yahay 8-da Janaayo 2013 oo hadda ay naga xigto qiyaastii bil iyo malmo (33 cisho kaliya). Dadka aragtidaas qaba waxay sheegayaan in dastuurka Puntland iyo kan dawladii 1960-kii ee Soomaaliya (oo ah asalka dastuurada dalka) ay qabaan in haddii wax ka bedel ku yimaado dastuurka inaaney saameyneyn xukuumadda iyo baarlamaanka markaasi jira“.

Mucaaradka waxey kaloo ku doodayaan in Golaha wakiilada ee hadda jooga ay iyaguna jiritaankooda sharciyadeed ku ekaa 31/10/2012 marka loo eego nidaamkii hore ee afarta sano ee ay ku dhaqmi jirtay Puntland.

Xisbiyada siyaasadda

Maalmo yar kadib markii uu madaxweyne Faroole Garowe kaga dhawaaqay xisbigiisa HORSEED wuxuu bilaabay safar dhulka ah oo uu gobollada ku marayo, isagoo ka bilaabay magaalada Qardho iyo Boosaaso oo uu haddaba ku sugan yahay, walow Qardho mudaaharaad caro wata dadna ku waxyeeloobeen uu kala kulmay haddana reer Bariga Boosaaso si weyn ayey u  soo dhoweeyeen madaxweynaha.

Dadka ka faalooda siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in ujeedka booqashada madaxweyne Faroole ay tahay raadinta taageero iyo kalsoonida beelaha ee uu waa-hore lumiyey isagoo hadda isku dayaya inuu hadda ka helo taageero qabiilada ay mar hore kala fogaadeen.

Dhanka kale marka arrimahan halkan oo kale soo gaaraan waxaa la isweydiiyaa kaalinta odayaasha dhaqanka oo markasta ahaa marjiciyada ugu weyn ee maamulka iyo dhismaha nabadda deegaanka taasoo iyaguna hadda si weyn loo tebey.

Haddaba marka la gaaro 08/01/2012 Puntland ma u baahan tahay doorasho madaxtinimo? mise waxaa loo deyn doonaa sanadka dheeraadka ee madaxweyne Faroole doonayo?

Haddiise ay dhacayso doorasho ma loo diyaarsan yahay?

Maxase tahay kaalinta odayaasha dhaqanka  furan waqtigan la joogo?…Waa dood furan!

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

11
views
Oodweyne News ─ Soomalidu Waxay ku maahmaahdaa Belaayo Madax laqabto ayay leedahay, ee Minjo la qabto Malahan, Nuxurka Iyo Ujeeddada waxan filaynaa in ay Mutadani inagu filan tahay, Waxaa soo if baxay Saadaal Iyo Dhayalsi, Khatar ku ah Qarrankan Iyo Dimuqraadiyadiisa, taasoo jiritaan keenii uu Maanta HALIS ugu jiro ficiltan Iyo falal farsamooyin wiiqaya kalsoonidii Iyo Wax wada lahaanshihiii qarran. Waxaa Kamida Eexda Iyo Shaqaale Qorista Ka jirta Wasaarrada Maaliyadda oo ah isha ...
5 hours, 36 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ As We Celebrate Somaliland’s 22nd Anniversary, let us also remember two other auspicious occasions we will also be celebrating this month. We speak of the 27th and 31st of May 1988. This year marks the 25th anniversary start of our war of liberation. In paying homage to all those who are no longer with us, the brave men and women who fought and gave their lives, we must offer our ...
5 hours, 36 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─   Maansadani waxa ay ka hadlaysaa qiso ka dhacday magaalada Hargeisa, taas oo dhexmartay wiil iyo gabadh uu ka dhexeeyey jacayl guumoobay oo wakhti badan soo jiitamayey hase yeeshee danta iyo wakhtigu saamixi waayeen in la dhammeeyo oo wadadiisa la maro si looga midho dhaliyo Muxubadii uu xambaarsanaa ee mudada badan soo taxnaa.   Mudo dheer ka dib, haasaawuhu waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo midkastaaba watay dareenkiiisa ...
5 hours, 36 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Around the Horn of Africa, companies must calculate whether political and security risks will put too heavy a burden on their production costs. This is hazardous territory in which to operate. A chunk of Somalia is still under the control of al-Shabaab, jihadi militants allied with al-Qaeda. Its waters are the hunting ground of pirates, who since 2005 have earned close to $400m by ransoming 149 vessels. while Somaliland is ...
5 hours, 36 minutes ago
2
views
Horseed Media ─ Maxkamada darajada 1-aad ee Puntland ee qeybteeda gobolky Nugaal, ayaa maanta xukuno dil toogasho ah ku riday 7 qof ah oo loo haystay dilkii Alle u Naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax. Xukunkan oo Saxaafada dibad joog ay ka eheed balse wararka na soo gaarayay ayaa inoo xaqiijiyay in uu ka dhacay Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal Magaalada Garoowe Maxkamada [...]
5 hours, 36 minutes ago
6
views
Bar Kulan ─ Koox hubaysan ayaa galabta xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacyo, dhinaca maamulka Puntland ku toogatay mid ka mid ahaa odayaasha deegaanka. Dilka odayga, oo magacii la oran jiray lagu soo koobay Faaruukha, ayaa lugu warramayaa inuu ka dhashay is qabqabsi la xariira lahaanshaha dhul iyo guryo oo in-dhawaalaba ka jiray halkaasi. Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska [...]
5 hours, 37 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya si uu uga qayb galo xuska 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Africa. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu madaxda Africa ee ka qayb galaya kulanka xuska 50 guuradaka [...]
5 hours, 37 minutes ago
9
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 23 May 2013: Axmed Cabdalla Cusmaan “Axmed Inji” ayaa wuxuu si kulul uu u cambaareeyay fal Arbacadii lagu gawracay nin adeer u ah iyo wiil uu dhalay, oo ka dhacday Deegaanka Duduma qaris ee Gobolka Hiiraan. Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhinaca ammaanka Axmed Cabdalla Cusmaan, oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqisho, ayaa wuxuu ka hadlay nin Nabadoon ah oo ...
6 hours, 35 minutes ago
4
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 23 May 2013: Iyadoo Maalmihii ugu danbeeyay Cidamadda Puntland ka cabanayeen Mushaar La’aan lasoo darista ayaa hadana Maamulka Puntland wuxu wadaa da’daalo lagu doonayo in lagu xaliyo Mushaar la’aanta Ciidamadda Dowladda. Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaamo ayaa Ka warbixiyeey Ciidamo Gadood sameyeey kuwaas oo ka tirsana Ciidamada Daraawishta ee Maamulka Puntland kuwaas oo la Wareegay sida wararku Nagusoo gaarayaan qaybo kamid ah Magaalada Qardho Duqa ayaa sheegay ...
6 hours, 35 minutes ago
7
views
Somaliland Org ─ Boorame (Somaliland.Org)-Munaasabadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xanuunka ISKU FURANKA ee afka qalaad loogu yeesho FISTULA oo ay ku lamaanayd xuka 10 Guurada cisbitaalka caalamiga ah ee FISTULAHA ee magaalada Boorama ayaa la qabtay. Munaasabadan oo ay soo agaasimeen masuuliyiinta CisbitaalkaCaalamiga Ah Ee Fistulaha Ee Boorama ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka gobolka, Madaxda Caafimaadka, Saraakiil ka socotay ...
6 hours, 35 minutes ago