19
views

Daraasad Qiimaynaysa Qaladaadka Sharci ee Ku Jira Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka

Hargeysa Dec 05,2012(SDN)-Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012) oo dhawaan ay ansixiyeen labada gole baarlamaan ayaa ah mid aad u murugsan isla markaana khilaafsan dastuurka iyo xeerarka kale ee uu xidhiidhka la samaynayo, haddiiba uu u dhaqan galo qaabka uu hadda yahay. Mooshinkan oo ah {saddex} Qaybood oo ka kooban 23 Qodob, waa mashruuc sharci oo ka madhan dhammaan qaababka xeer ee lagu dhaqmo muddo dheer iyo mid gaabanba, Waa mid ka arraddan Macnaha Erey-bixinerd, Waa mid aan la jaan qaadi karayn Dhammaan xeerarka Dhaqan galka ah ee horreeyay iyo Dastuurka Qaranka, Kama gayoonayno dhaliilihiisa balse waxaan is dul taagaynaa Qoddobada xeerkan ee ka hor imanaaya Dastuurka iyo xeerarka ka dheeggan ee dhaqan galka ah.

Xeerka Hay’ada Sirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012) Qodobka.7aad Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda

Faqrada 11.La socodka qalabyada warbaahinta,qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahanyihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsanyihiin iyo waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda). Intee ayuu leeg yahay xadka uu dastuurku xoriyad siiyay Saxaafadda iyo qoraalka qalinleyda waxaad sidoo kale xadka uu dastuurku muwaadiniinta u sugay sirta xogaha boosaha iyo qoraalada gaara ah. Bal eeg labadan qodob ee dastuuriga ah iyo sida aanu u waafaqin mooshin-sharcigani Xeerka Saxaafadda iyo Waxyaabaha la Daabaco xeerka No: 27/2004  xadka Saxaafadda, suxufiga, iyo qoraalada uu usugay xeerkan dhaqan galka ahi eeg  qodobada 4aad illaa 16aad Qodobkani wuxuu ku burayaa isla markaasna uu si toos ah waxba kama jiraan ugu noqonayaa qodobadan. Dastuurka somaliland Qodobkiisa 32aad  XORRIYADDA BANNAAN-BAXA, RA’YI-DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE.

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay inuu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaabkale oo xeerka waafaqsan.

2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna lee yihiin madax-bannaanidooda;  way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana.

Hadii ay dastuuri tahay lahaanshaha hanti gaar ahaaneed sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurkaidna Mooshin sharcigani wuxu jidaynayaa in lagula wareego qaab kaduwan sida dastuurku qabo hantida gaarka ah taas oo ah faro galinta uu mooshinkani ku sameynaayo Xuquuqaha Asaasiga ah  ee Dastuurku u damaanad qaadayo muwaadiniinta ee lama taaabtaanka ah laguna sameyn karin wax kabadal iyo kaabis iyo waxkabadal toona loo diiday in lagu soo qaado sida ku cad Dastuurka Qodobka 127aad QODOBKA 30aad XORRIYADDA ISGAADHSIINTA: Qofna lama fara gelin karo qoraalladiisa gaarkaah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaan kooda, daba-galkooda, ama dhegaysi gooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan. Dhanka kale bal waxaad eegtaa waxa uu ka qabo xeerkan dhaqan galka ah, ee  Xeerka Saxaafadda iyo Waxyaabaha la Daabaco xeerka No: 27/2004.

Qodobka 4aad: Saxaafaddu waxa ay ahaan doontaa mid iskeed u taagan oo xor ah, si xor ahna u gudato waajibaadkeeda.Waxa ay u adeegi doontaa bulshada, wax ku kordhin doontaa afkaarta dadweynaha, oo hawlaheeda kala duwan u gudan doontaa iyada oo aan ka bixin caqiidada Islaamiga, mabaadii’da Dastuurka iyo hadafka ah xoojinta midnimada qaran: wax carqalad ah lama hor dhigi doono saxaafadda si hawlaheeda u gudato aan ka ahayn kuwa uu tilmaamo xeerkani.

Qodobka 5aad: Saxaafaddu wax dan ula muuqata ayay daabici kartaa, ilaheeda wararkana way ka doonan kartaa oo ka urursan kartaa wixii xog ah. Sharciga hortiisa iyada ayaa mas’uul ka ah waxa ay daabacdo.

Qodobka 6aad

Sharcigu waxa uu dammaanad qaadayaa badbaadada weriyeyaasha iyo curiyeyaasha ama qorayaasha, waxana uu siinayaa dammaanadda sharciyeed ee daruuriga u ah fulinta hawlahooda; waxa uu ka dammaanad qaadayaa xorriyadda fakir-cabbirkooda, waxana uu gabbood uga yahay faragelin ku timaadda in Alla inta ay iyagu ku dhaqmayaan sifo sharciyeedka xeerkani u oggol yahay.

Qodobada 15aad,

Suxufigu waxa uu xaq u leeyahay in uu war  iyo ka raadsado ilihiisa oo uu baahiyo ama iska dhaafo. Waxa uu suxufigu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo oo xafido ilahiisa wareed, lagumana khasbi karo in uu sheego ama daaha ka faydo cidda ay tahay.

Qodobka 16aad

Suxufigu waxa uu xaq u leeyahay in uu diido in uu qoro ama diyaariyo wax ka soo horjeeda oo khilaafsan waxa  uu aaminsan yahay amase dhibaya damiirkiisa suxufi ahaan. Waxa uu xaq u leeyahay in uu uga hadlo sida uu u arko tooska ee waafaqsan Dastuurka si uu u cabbiro aragtidiisa si kastaba ha loogu kala tagganaado fikirka iyo aragtida e.

Hadii qodobkaasi aan ku ekeeyo intaas aan udhaafo ka xiga oo ka xajiin badan, sidaas ka hore ayuu isna uburayaa.

Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka  Qodobka 8aad Awooddaha Hay’adda

Faqrada 3. Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay’addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalabkasta oo loo adeegsado danbiyaadaas

qodobkani wuxuu si toos ah u faro galinayaa xuquuqaha aasasigaa ee uu dastuurku siiyay muwaadiniinta igmatay ee uu u adeego ama loogu adeego dastuurka, bal aan u eegno qodobada dastuurka ee uu ka hor imanaayo qodobkaasi

QODOBKA 25aad XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho  oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.

4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

QODOBKA 29aad XURMAYNTA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasid dooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddii aanu jirin amar garsoore oo sababaysan.

Waxa waajib ah in si toosah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga intaa an la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

QODOBKA 31aad XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AH NEED

1.Qof kastaa waxa uu xaq u Iee yahay inuu sigaarah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay inuu ku helo waddo xalaalah.

2.Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay sixeerka waafaqsan, la lama wareegikaro danguud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Iabixinayo cawil- celin munaasib ah.

3.Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha gelikara danta guud ee keeni kara la wareegidda hantigaar-ahaaneed.

Kadaran ee bal eeg iska hor imaadka iyo is burinta ka muuqata xeerkan waxaa uu qodobkan 16 aadXarfihiisa B,C&D ee xeerka sirdoonku u qoran yahay sidan.

Qodobka 16aad  Falalka Ka Reebban Xubnaha Hay’add

Xubin kasta oo ka tirsan Hay’addan waxaa ka reebban :

A. In ay si toos ah iyo si dadban toona uga qayb-qaadato dhaqdhaqaaq xisbi/urur siyaasadeed.
B. In ay si aan xeerka waafaqsanayn u gasho ama u baadho goob gaar loo leeyahay, amaba u qabato hanti hab aan waafaqsanayn xeerkan.
C. Xubinta ku gefta faqradda “a” ee qodobkan waxa abaalmarinteeda loo raacayaa Xeer-Hoosaadka Hay’adda.
D. In ay qof muwaadin ah ku xadgudbaan xorriyadiisa aasaasiga ah ee distuuriga ah iyad oo looga faa’iideysanayo dano siyaasadeed”

Markaad eegto qodobkani wuxuu xubnaha hayadan ka xakamaynayaa ficilada ka dhalanaaya fulinta awoodaha qayral dastuuriga ah iyo waxyaabaha ka reeban oo ah Natiijadda ka imanaysa hawlgaladooda, iyo awoodahooda ku qoran qodobada 5aad,6aad & 8aad ee Xeerka Hay’ada Sirdoonka Qaranka.
{Tusaale, xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurka qodobadiisa 23 illaa 33 ku qeexan, waxaa ka mid ah <Qodobka31aad Faqradiisa 2.Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay sixeerka waafaqsan, la lama wareegikaro danguud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Iabixinayo cawil- celin munaasib ah.>, Halka xeerkan Xeerka Hay’ada Sirdoonka Qaranka, Qodabkiisa 8aad Faqradiisa 3aad Qaybteda danbe ka odhanayso <waxaanay la wareegi karaan qalabkasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.>}. Waxaa halkaas inooga muuqda laba qalooc oo kala ah : *Iska hor imaad smeynaaya is burin xeerkan qodobadiisa ku jirta. *Ta labaadna in xeerkani ka hor imanaayo Dastuurka somaliland oo ah hagaha xeerarka dalka la waafajinaayo xeerkii iyo qodobkii waafaqi waayana uu yahay waxba kama jiraan sida ku cad Qodobka 128aad ee dastuurka Faqradiisa 2aad oo u qoran sidan.

QODOBKA 128aad SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA

2.Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeerkasta oo aan isaga waafaqsanaynina,

waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan.

Soo afjaridayda isbarbar dhiga Qodobada xeerkan sirdoonka is burinta dhaxdiisa iyo ka hor imaanshaha dastuurka ma leee yahay wado kale oo laga wareejiyo?. Waa maya sababtoo ah waxaa hor taagan Qodobka 127aad ee dastuurka oo fogeeyay ama laalay Dhammaan soo jeedimaha wax ka badal iyo kaabiseed ee qodobadan uu ku soo af-goay xeerkani Waana kan qodobku sida uu uqoran yahay.

QODOBKA127aad XUDUUDDA WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDA DADASTUURKA

Mabannaana in soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ ama kaabidda Dastuurku ay xambaar sanaato nuxur ka soo hor jeeda:

b.Mabaadi’da Shareecadda Islaamka.

t.Midnimada dalka (Israacsanaantadhul-ahaaneed).

j.Mabaadi’da talo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.

x.Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.

Gabagabo

Waxaan usoo jeedinayaa Dhammaan golayaasha uu mooshinkan-sharci dhaxwareegaya in ay ka fikiraan wakhti dheer oo aanay u eegin mooshinkan Muddo-xileedkiina, Inaydin fulisaan Eegtaana dhaarta Dastuuriga ah ee aad marten, Inaydin ka fogaatan musuqmaasuq qalin oo ah masuuliyadiina. Haddii xaal sidaas yahay maxaa xal ah,.
*In aan lagu degdagin dhaqan galinta mashruuc sharciga hayada sirdoonka qaranka
*In m/weynuhu mashruuc sharciga dib ugu soo caliyo golaha Wakiilada isagoo raacaya Qodobka 78 ee Dastuurka.
*In golaha wakiilada iyo guurtiduba u eegaan  mashruuc sharciga iyo qayrkiiba waafajinta dastuurka kana saaran wixii ka hor imanaya dastuurka.
*In golayaashu ka yeeshan doodo iyo fadhiyo ka fidsan kuwii hore ee duudub ku ansixida aha oo   si hufan loogu lafa-guro mashruuc sharciga. *In golahayaash barlamanku mashruuc sharcigan iyo kuwa kale ee la midka ah Kaashadaan aqoonyahanka sharci ee dalka si ay u fududaato is waafajinta mooshin-sharci, xeerarka iyo dastuurka loona helo xeerar lagu shaqayn karo oo dhaqan-gal iyo dhaxal-galba noqon kara

*In aan la siyaasadeynin durista mooshinkan sharci si aanu u lumin nuxurka durista  saxani.

Qalinkii: Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012) oo dhawaan ay ansixiyeen labada gole baarlamaan ayaa ah mid aad u murugsan isla markaana khilaafsan dastuurka iyo xeerarka kale ee uu xidhiidhka la samaynayo, haddiiba uu u dhaqan galo qaabka uu hadda yahay. Mooshinkan oo ah {saddex} Qaybood oo ka kooban 23 Qodob, waa mashruuc sharci oo ka madhan dhammaan qaababka xeer ee lagu dhaqmo muddo dheer iyo mid gaabanba, Waa mid ka arraddan Macnaha Erey-bixinerd, Waa mid aan la jaan qaadi karayn Dhammaan xeerarka Dhaqan galka ah ee horreeyay iyo Dastuurka Qaranka, Kama gayoonayno dhaliilihiisa balse waxaan is dul taagaynaa Qoddobada xeerkan ee ka hor imanaaya Dastuurka iyo xeerarka ka dheeggan ee dhaqan galka ah.

Qalinkii: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Hargeysa, Somaliland

Garyqaan2007@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Garyqaan2007@gmail.com

Read full story >>

3
views
Lughaya ─ Muqdisho(LUGHAYA.COM) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u Balansanaa iney codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay tiradii ugu badneed ee mudanayaasha baarlamaanka ee ka qaybgala fadhiyada baarlamaanka waxaana xarunta baarlamaanka maanta soo xaadiray 200 oo mudane. Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir gudoominayey kulanka baarlamaanka ee maanta ...
2 hours, 2 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Mario Gotze ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac ku seegi doona kulanka finalka Champions League ee kooxdiisa haatan ay la ciyaari doonto kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda Bayern Munich. Gotze ayaa dhaawac muruqa ah la ildarnaa taasoo keentay in kooxda Borussia Dortmund ay haatan xaqiijiso inuu seegi doono finalka Champions [...]
2 hours, 2 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Weeraryahanka kooxda Manchester United Robin Van Persie ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Golden Boot sannadkii labaad ee isku xigta ka dib markii gooldhalinta horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkii dhamaaday uu ku qaaday 26 gool. Xiddiga reer Holland ayaa ka sarre maray Luis Suarez oo 23 gool lahaa iyo Gareth Bale oo 21 gool lahaa xilli ciyaareedkiisii ugu [...]
2 hours, 2 minutes ago
1
views
Horufadhi ─ Shir Jaraaid ay si wadajir ah u qabteen Culimadda Gobolka sool iyo odayaal ka soo jeeda beesha Madhibaan ee gobolka sool ayaa waxay ka hadleen dhibaato xoogan oo soo wajahday qoys kamid ah beesha madhibaan kadib markii loo qabsaday Mag lagu yeeshay taas oo lagu qiyaasay Boqol Iyo Shan Kun Oo Dollar-ka Maraykanka ah Taasoo [...]
2 hours, 3 minutes ago
5
views
Galgala News ─ Badhan : Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Badhan ayaa maanta lagu qabtay kulan ballaadhan oo lagu taageerayey dawlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland. Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka iyo degmada . Dhammaan qaybaha bulshada iyo ciidamada kala duwan ee daraawiishta , Booliska iyo Asluubta ayaa halkaas isugu yimid. Dadweyne badan ayaa ka soo qayb galay , waxayna lulayeen calanka Jubbaland , sidoo kalena waxay dareenkooda ku cabbireen khudbado ...
2 hours, 3 minutes ago
1
views
WidhWidh ─ Waxaa isa soo taraya dhibaatada lagu hayo wariyaasha gudaha dalka ka shaqaynaya oo loola dhaqmayo si ka baxsan xuquuqada saxaafada aduunka, iyaga oo la kulmaya dil,xadhig,iyo dagaal ka dhan ah noloshooda. Waxaa labo casho ku xidhnaa jeelka magaalada Ceerigaabo Wariye Ahmed Yuusuf Taraafiko oo ah wariye si xor ah ugu shaqayn jiray gudaha magaaladaas isaga oo ka tirsan saxaafada wariyaasha maamulka khaatumo State. Warbaahinta widhwidh online waxay cambaaraysaa xidhiga iyo ...
3 hours ago
1
views
WidhWidh ─ Khatumo Journalists Association (KHAJA) strongly condemns the illegal imprisonment and torture of Journalist Ahmed Yuusuf Taraafiko on May 18th in the city of Erigavo. As part of the continued attack of the Hargaisa administration on Khatumo State citizens, dozens of Erigavo residents who held a gathering last Saturday to showcase and celebrate a spring Clean-Up day were attacked by Militia forces loyal to Somaliland; Military trucks were deployed to the ...
3 hours ago
3
views
Waaheen ─ SANADKAN WAA SANADKII MADAXWEYNE A.M.M SIILAANYO IYO GUUSHII QARANKA W/Q: Farhan Mohamed Hassan (Rakad) Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan siday cidkasta oo somaliland ah u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha . waxaan hambalyo ...
3 hours ago
7
views
Somaliland Org ─ Hargaysa (Somaliland.Org): wasiirka arrimaha dibada iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in ay dunida cashar u noqotay qaadacaadii Somaliland qaadacday shirkii todobadii bishan May lagu qabtay magaalada London ee dhaqaalaha loogu ururinayay. Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay ka dib shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah u qabteen isaga iyo safiirka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo booqasho ku ...
3 hours, 1 minute ago
5
views
Somaliland Org ─ Hargaysa (Somaliland.Org): Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada Somaliland Axmed Dalal Farax ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan hay’ada UNDP ee hawada sare u qaabilsan qaramada midoobay sababtii ku kaliftay in hawada Somaliland ay ku wareejiyaan dawlada Soomaaliya. Axmed Dalal waxa uu sidan ka sheegay waraysi uu shalay siiyay idaacada VOA waxana uu sheegay inay ka hor imanayso qodobadii ay ku heshiiyeen wada hadaladii ku dhexmaray Somaliland io Somalia ...
3 hours, 1 minute ago