17
views

FALLO:- Mudane Madaxweyne:- Safarkaaga ku saleey Danaha Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ee dhowr bilood xilkaasi lagu aaminay, ayaa waxa uu booqashadiisii 4-aad haatan kaga maqan yahay Xafiiskiisa, isagoo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga.

Safarradda Madaxweynaha Somalia, ayaa indhaha lagu hayaa si loo qiimeeyo Natiijooyinka Socdaalladiisa, inay yihiin kuwo Nooc Minan Dalxiis ah sida loogu bartay Madaxdii kaga horreysay Xilkan, waxaana Safar kasta oo uu shandadihiisa u xirxirto lagu qiimeyn doona waxa uu ku soo kordhiyey Danaha Qaranka ee baylahsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, oo Xilka Qaran loo caleemo saaray bishii September ee sannadkan, waxa uu kansal-gareeyey safarkiisii ugu horreeyey oo uu kaga qeyb geli lahaa Kulan-weynihii Golaha Guud ee QM, wuxuuna safarkiisa u wakiishay Ra’isul-wasaarihii hore, C/weli Gaas oo isaga Kulammo la qaatay Madax ka tirsan Dowladaha Caalamka,oo uu ugu horreeyey Madaxweynaha Maraykanka, Brack Hussien Obama.

Safarkan waxa uga horreeyey kuwo uu isbuucii hore ku soo kala bixiyey dalalka D’jibouti iyo Ethiopia, isagoo Madaxda dalalkaasi ugu tegay booqasho sharaf is-barasho ahayd.

Safiirkiisa waxa kaloo uu albaabadda u furay Diplomaasiyadda Cusub ee Mandiqadda Geeska Afrika, taasi oo horseedi karta in laga baxo Cahdigii Colaadaha, loona gudbo Waayo Cusub oo Wax-wada-qabsiga Ummadaha ku nool Mandiqaddan cakiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaminayo waxay shalay Madaarka Muqdisho ka raaceen Diyaarad Khaas ah oo uu Ra’isul-wasaaraha dalk Turkiga, Rajab Dayib Ordagaan oo isagu lagu xusuuto inuu ahaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Caalamka ee ku soo dhiirada inuu socdaal ku yimid magaalldda Muqdisho.

Ra’isul- wasaare 0rdagan waxa uu Wafdi ballaaran oo uu horkacayey booqasho ku yimaadeen magaalladda Muqdisho bishii August ee sannadkii hore, wuxuuna Socdaalkiisa dib dhidibada ugu aasay Xiriirka Taariikhiga ee labada dal, iyadoo la furay Safaaraddii Turkiga ee Somalia, waxayna Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Air (THY) bilowday bishii March ee sannadkan Duullimadyo Khad isku xiraya Somalia iyo dalalka kale.

Haddaba, qiimo noocee ah ayuu Safarka Madaxweynuhu ku joogo dalka Turkiga u leedahay Dowladiisa Curdanka ah?, Ma dhici kartaa inuu Safarkiisa ku ekaado Safar Shaqsi oo uu Taariikhdiisa ku xusuusto Safaradda uu Caalamka ku soo kala bixiyey, mise waxa uu noqonayaa Socdaal horumar ku soo kordhinaya Danaha Qaranka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Safarka Madaxweynuhu tijaabo u noqon doono sida uu ugu faa’ideysto Fursadda Dahabiga ee Socdaalkiisa, iyadoo uu Dalka Turkiga yahay Waddan leh Xadaarad aad u fog, isla markaana ah Dal Horumrsan oo ku miisaan ah Dalalka Reer Galbeedka.

Haddii uu Madaxweynuhu noqdo sidii Cali Mar-dhoof oo kale, , waa la arki doonaa, laakiin waxa la gudboon inuu Dowladda Turkiga hordhigo Barnaamijyo Dhaqan-Dhaqaale,Siyaasad iyo Dib-u-dhis’ ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somalia, oo isagu rumeysan inay Dowladda Turkiga tahay Dowladda keliya ee Xilligan gacan qaban karta Dadka iyo Dalka Somalia.

Aragtida Xildhibaanka waxaa la qaba Siyaasiyiin iyo Ganacsato badan oo iyagu u arko inay Dowladda Turkiga mudan tahay in kaalinta koowad laga siiyo Mashaariicda iyo Qandaraasyadda lagu dhisayo Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyadda Bulshadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa muhiim u ah inuu Dowladda Turkiga hordhigo Ajendooyin Muhiim ah oo ku salaysan Danaha Qaranka ee muddada Dhaw iyo midka Waqtiga dheer , waxaana ayaan-darro haddii uu baylihiyo fursadaasi oo uu ka door bido inuu Dhismayaasha Casriga ee Ankara iyo Istanbuul ku tamashleeyo sidii Dalxiise caadi ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hubanti ah inay Dowladda Turkiga haminyso inay Soomaalida wax-la-qabsato, isla markaana ay noqdaan Walaalo gacan ka geysta Samatabixinta Ummadda Soomaalida ee haatan ka soo kabanayso burburkii Colaadaha Sokeeye.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Magaaladda Jabouti

Email: wararka@live.se

Read full story >>

9
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 22 May 2013: Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa waxay sheegeen inaysan ka noqon doonin mooshinka. Xildhibaanadaan ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay kulan ku yeesheen Hotel City Palace, oo ku yaala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. Tirada Xildhibaanada oo ku dhaweyd ilaa 60 ayaa waxay ku adkeysteen inaysan ka laaban, mooshinka ay ka soo diyaariyeen Wasiirka 1-aad ...
3 hours, 29 minutes ago
12
views
Somalitalk ─ Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Taaba galka Dastuurka iyo dhamaystirka hawlaha Federalaasiimka ah.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay Dadka Barakacayaasha ah ee ka soo Barakacay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in halkaas ay kala kulmeen soo dhaweyn iyo walaalnimo dhab ah. Madaxweyne faroole ayaa Barakacayaasha u ballan qaaday in aysan la kulmi doonin waxyaabaha ...
4 hours, 29 minutes ago
5
views
Somali Midnimo ─ Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri. MUQDISHO:- Waatii aan Idin soo gudbinay Dhalinyaradii Magaalada Muqdisho oo sidii Awrtii la isku xiriirsaday, hadda waxaa qaylo Afka ku shubtay oo yiri Anigaa Qori Wiil yar igu fiiqay oo dariiqa mari waayey, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri, sidoo kale Shacabkii ayaa ka warbixiyey xattaa in Diintii Islaamka laga cararayo, Oday Macalin Dugsi ahaa ayey Murtadiintu gurigiisa Albaabkiisa ...
4 hours, 29 minutes ago
8
views
Somali Midnimo ─ GAROOWE:- Aqoonyahan Idiris Xassan Faarax oo kamida Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha ayaa laga waraystay Fadeexaddii Faroole iyo Wiilkiisa ee Cunto u karinta Shaqaalaha UN, ka, waatii aan horay u daabacnay Warbixintii Cabdirisaaq Maxamed ee lagu daabacay Shabakadda Horseedmedi. Warbixinta Cabdirisaaq Maxamed ee Horseed Media Halkaan Riix Ama Guji Warbixinta ayaa ahayd Fadeexad banaanka timid oo ahayd in Wiilka Faroole uu Makhaayad u furtay si uu Cuntada ugu kariyo ...
4 hours, 29 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Waxaynu ku soo jirnay sida ururkii xaqsoor uu uga biyo diiday doorashadii macmalka ayhad, ee Somaliland ku ceebowday hoosna uga dhacday meeqaamkii ay Somaliland ka taagnay cadaalada doorashada, sababtoo ah wali kamay dhicin bariga afrika ee aynu ku nool nahay in ay dad codeeyaan oo codkaas madaxweynaha lugu diido gudoomiyaha mucaaridkana lugu doorto, waxa uu ahaa rikoodh (record) ay Somaliland dhigtay oo aanay suurtagal ahayn in la jabiyo. sababtoo ah ...
4 hours, 30 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ ANIGA OO AH BDI-SHOTALY, KANA WAKIIL AH MAAMULKA OODWEYNENEWS.COM, WAXAN HALKAN UGU SOO GUDBINAYAA UMMADDA REER SOMALILAND, IN AYNU KA FAA’IIDAYSANO FURSAN QAALIGGA AH EE HOOS KU QORAN, TAAS OO HADDII AYNU GUDANO OO SIDDA IOO RABO U SAMAYNO, AY WAX WEYN KA TARI KARTO QADIYA-DEENA IYO MABDA’EENA AH GOONI ISU TAAGGA EE AYNU HALGANKA UGU JIRNO, WAA XASEEX LA INAGA RABO, HADABA AKHRISTAW TAFSIISHA XASEEXA LAGAA DOONAAYO HALKAN HOOSE ...
6 hours, 26 minutes ago
6
views
Oodweyne News ─ Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir aad u qurux badan oo ay ka muuqato Haro biyood aad u bilicsan, Sawirkan oo ah goob aad u qurux badan oo dalkeena ka mid ah ayaa ah mid ay indhuhu aad ugu diirsanayaan, Hadaba waxaad isku deydaa inaad garatid halka uu sawirkan yahay, DAAWASHO WACAN, SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS
6 hours, 26 minutes ago
6
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 21 May 2013: Degmada Buurhakaba oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimisan gobolaka Bay ee koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa waxa ay yeelatay maamul cusub oo bedelay kii hore. Maamulka cusub ayaa waxa uu kala yahay. 1. Gudoomiyaha degmada Buurhakaba: Axmed Max’ed Yuusuf 2. G/xigeenka 1aad ee xaga amniga: Xuseen Maxamed Cali 3. G/xigeenka xaga dhaqaalaha; Naasir Cismaan Hilowle Doorashadii maanta ka dhacday degmada Buur hakaba ayaa waxaa goob joog ka ...
7 hours, 11 minutes ago
1
views
Puntlandi ─ Aarhus–21 May, 2013– Pi– Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo booqasho gaara iyo Casumaad ku jooga Caasimada labaad ee Denmark magaalada Aarhus ayaa maanta Guriga Dowlada ee Gobolka Aarhus wuxuu kula kulmay Masuulka ugu sareeya Degmada iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Denmark,Intuusan imaan Aqalka looga taliyo Caasimada labaad ee Denmarka ayaa subaxnimadii hore waxaa Calanka Soomaaliya laga taagey aqalka hortiisa, taasoo caadi ahaan la sameeyo ...
7 hours, 18 minutes ago
5
views
Oodweyne News
7 hours, 21 minutes ago