views
Yaa la yiraah Mourinho?
Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa u jawaabay Jose Mourinho isagoo ka dabaaqtamaya hadal uu yiri kadib kulankii ay Real 2-0 kaga badisay Atletico todobaadkaan kaasoo sii huriyay colaada labada kooxood ee dariska ah.
“Yaa la yiraah (German) ‘Mono’ Burgos?,” hadalkaasi wuxuu ka soo yeeray Mourinho markii wariyayaashu ay weydiiyeen hanjabaad kaga timid kaaliyaha Atletico intii uu socday kulankaasi.
Cerezo oo la weydiiyay sida uu u arko wixii dhacay ayaa markiisa ku jawaabay.
“Yaa la yiraah Mourinho?,” isagoo wajigiisa ay ka muuqato xanaaq badan. “Ma madaxweynaha Celta Vigo? ayuu ku celiyay (Madaxeynaha Celta waxaa la yiraah Carlos Mourino).
Atletico waxey ku jirtaa booska labaad ee La Liga iyadoo 5 dhibcood ka sareysa kooxda ay dariska yihiin ee Real oo kaalinta 3d ku jirta.
Sunni Said Salah
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views