55
views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya

Moqdisho, 05, Dec, 2012…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed.

Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu   gaaro meeshuu u scoday”.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Read full story >>

4
views
Somali Memo ─ Wararka ka imaanaya gobolka Oklahaama ee ka dhaca galbeedka dhexe ee wadanka mareykanka ayaa sheegaya in duufaanno iyo biriq ku dhacday magaalooyinka gobolakaasi ay ku dhinteen tobaneeyo qof oo american ah boqolaal kalane waa lala’yahay. Maamulayaasha gobolka Oklahama ayaa warbaahinta u sheegay in 91 qof ay ku dhinteen magaalada caasimadda u ah gobolkaa ee Oklahama city islamarkaana ay tirade dhimashada caad walba sii badan karto. saraakiisha caafimadka ayaa sheegaya in ...
2 hours, 18 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda. Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ...
2 hours, 18 minutes ago
1
views
Puntland Voice ─ Muqdisho(PV):-Ciidamada Dowlada ee nabad sugida iyo boliiska ayaa saaka howlgal dad badan lagu qabqabtay waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Warta nabada. Howlgalka saaka oo daba socda kii shalay warta nabada laga sameeyay ayaa lagu qabqabtay dad badan kuwaasoo dhalinyaro u badan islamarkaana siyaabo kala duwan loo qabqabtay. Meelaha sida gaarka ah howlgalka looga sameeyay waxaa ka mid ah xaafadaha xamarjadiib,baar ubax,gudaha suuqa bakaaraha iyo wadada ...
2 hours, 19 minutes ago
4
views
Puntland Voice ─ Kismaayo(PV):-Kadib markii saraakiisha Dowlada ee Kismaayo ay dhawaan cadeeyeen inaaney ciidamo hoos taga joogin kismaayo ayay Dowladu hada qorsheyneysaa sidii ciidamo ay kismaayo u geyn lahayd. Taliyaha cusub ee ciidamada Dowlada ee gobolada Jubooyinka Faarax Makoomba oo cadeeyay in ciidamo yar kaliya ay dowlada u joogaan Kismaayo balse inta badan ay hoos tagaan maamulka cusub ee Jubaland ayaa hadana daboolka ka qaaday in ciidamo Dowlada la geyn doono Kismaayo. Faarax ...
2 hours, 19 minutes ago
3
views
Nuxur ─ Dibadbax dad gaaraya 200- Qofood ka Qeyb qaateen ayaa saakay aroor hore ka dhacay afaafka hore ee taaladii sayidka, Golaha shacabka iyo Beerta Daraawiishta. Banaanbaxan oo uu soo abaabulay maamulka Gobolka banaadir ayaa waxaa iskugu yimid dadweyne aad u badan, kuwaas oo ka caraysnaa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada ugubka ah ee Raisal Wasaare saacid. Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay dibadbaxa ayaa sheegay in waqtigan aan loo ...
2 hours, 19 minutes ago
5
views
Nuxur ─ Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee joogay magaalada Nairobi ayaa ku Qul qulaya saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho. Xildhibaano gaaraya ilaa 25 ayaa saakay ka duulay dalka Kenya gaar ahaan Garoonka Joma Kenyata kuwaas oo ka Qeyb qaadan Doona kulanka lagu wado in 24 saac kadib ay iskugu yimaadaan baarlamaanka Soomaaliya. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa magalada Nairobi waxay u tahay bayska kaliya ay ku Nastaan marka ay maalmo ama bilo ay soo ...
2 hours, 19 minutes ago
10
views
Nuxur ─ Hadal heeynta ugu badan Shacabka magaalada Kismaayo ayaa noqotay mid ka mid ah Madaxwaynayaasha Maamul-goboleedka Jubbaland State oo xarumihiisa lagu arkay Madaaficda goobta ee inta badan ay ku dagaalamaan kooxaha Soomaalida. Lama yaqaan halka ay ka soo galeen magaalada Kismaayo Madaafiicdaan halista ah balse dad badan ayaa qabo in Madaafiicdaan ay yihiin kuwo xili hore ay dhulka hoostiisa ama bakhaaro ku qarsadeen Taageerayaasha Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) kuwaas ...
2 hours, 19 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Al Shabaab oo dagaalo culus kula jirta Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegtay inay dishay shan kamid ah Ciidamada Al Shabaab. Al Shababa ayaa waxay sheegtay in weerarkii ay ku qaaday Madaxtooyada hal habeen kahor, ay weerarkaasi ku dishay sida ay sheegtay shan kamid ah Ciidamada Amisom. Afhayeenka Ciidamada [...]
2 hours, 20 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Since the Somali central military government collapsed in early 1990, a bloody civil war exploded in South and Central regions of Somalia. This civil war caused a rift between the clans of Somalia, people lost trust each other and there were serious cases where some clans were marginalized and targeted by the so called stronger [...]
2 hours, 20 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne ayaa wuxuu soo saaray awaamiir lagu wado in maal maha soo socda sis ax ah looga dhaqan geliyo Magaalada Baladweyne. Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne Cali Dhuux (Mahad Alla) oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inay jirto khatar dhan ah ammaanka Magaalada Baladweyne. Taliyaha ayaa wuxuu sheegay [...]
2 hours, 20 minutes ago