35
views

Maxakamadda Gobolka Sanaag oo Go’aamisay In Dib Loo tiriyo Codka Degmadda Ceerigaabo

CeerigaaboDec05, 2012 (SDN/Hubaal)-Alla ha u naxariistee Marxuum Bashiir Jaamac Yare ayaa la sheegay in Makhribkii xalay lagu dilay magaalada Ceerigaabo ee kadib markii nin rayid ahi toogtay. Marxuumka  oo gacan ku dhiiglahani toogtay salaadii makhrib ee shalay ka dib waxa la sheegay in isla goobtiiba uu ku geeriyooday iyada oo meydkiisa la geeyey  cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo. Gacan ku dhiiglaha Marxuumkan dilay ayaan ilaa hadda gacanta lagu haynin, balse ciidammada ammaanka ayaa ku raad jooga  soo qabashadiisa si  sharciga loo horkeeno. Dilkan ayaa la sheegay inuu xaaladda Magaaladda Ceerigaabo wax ka beddelay isla-markaana ay kacsan tahay, iyadda oo la tilmaamay in ninkan loo dilay aanno hore oo ka dhaxaysay labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan ka dilay iyo wax ka dilay.

Dhinaca kale Tan iyo  markii dorraad galab lagu dhawaaqay  natiijada hor dhaca ah ee  codbixintii doorashada ee degmadda Ceerigaabo waxa isasoo tarayey kacdoonnada bulshadu arrintaas ka samaynayeen iyo saluugga caddaaladeed ee murashaxiintii tartanku ka dhexeeyey iyo taageerayaashooduba ka muujinayaan Natiijaddan. Waxa xusid mudan natiijada xilligii lagu dhawaaqay oo ahayd goor gaaban oo gabbal-dhac ah ayaa waxa si deg deg ah gudaha magaalada Ceerigaabo uga bilawday kacdoon dadweynaha Ceerigaabo ku tageen Xarunta Komishanka, halkaasoo Rasaas ay isu adeegsadeen dadweynahaas iyo ciidanka ammaanku. Waxa kaloo subaxnimadii shalay iyaguna Badhasaabka gobolka Sanaag kula kulmay xarunta maamulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo xubno tiro badan oo murrashaxiintii ururro dhawr ah oo ka cabanaya Natiijadda doorashadan oo ay sheegeen inaanay caddaalad ku salaysnayn.

Kuwaas oo kulanka badhasaabka kadib maxkamadda gobolka u gudbiyey dacwado goonni-goonni ah oo ay kaga dalbanayaan in dib loogu tiriyo codka sanaadduuqdaas gudaha ugu jira, Taasoo duhurnimadii shalay  sida  ku cad qoraal kasoo baxay maxkamadda gobolka Sanaag go’aan ku gaadhay codka gudaha ugu jira sanaaddiiqdaas in dib loo tiriyo si dhinacyada cabanaya loo qanciyo. Waxa kaloo murrashaxiintan iyo mas’uuliyiinta urur-siyaasadeedyada qaarkood saxaafadda ugu soo bandhigeen suuqa Ceerigaabo qaar ka mid ah bugaagtii waraaqaha dadweynuhu ku codaynayeen oo iyagoo aan wax calaamad ah lahayn dusha lagu sito,  taasoo sida ay sheegeenna sanaadduuqda bugaagtani ku jirtay cod aan jirin oo la sheegay inuu gudahooda ku jiro lagu kala tirsaday komishanka oo ururrada siyaasadana loo kala qoray.

Taasoo ay markhaati uga dhigayaan Natiijaddani inay tahay mid aan caddaalad ku salaysnayn. Halkaasoo murrashaxiintii iyo mas’uuliyiintii goobtaas ku sugnayd qaarkood farriimo cad cad u gudbiyeen saxaafadda uguna baaqeen hay’adaha sharciga iyo komishanku in ay wax ka qabtaan Natiijaddaas xaaraanta ah. Waxa sidoo kale iyaguna jira shakhsiyaad gacanta ku haya bugaagta xaashiyaha codayntu ka dhammaadaan qaybtooda danbe oo ay tahay marka sanduuqa la xidhayo in gudaha loogu rido si loo ogaado tirada xaashiyaha iyo bugaagta goobtaas lagu isticmaalay.

SDN-Ceerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Read full story >>

3
views
Ciyaaro ─ Beri oo ku beegan 19-ka May waxaa la qaban doonaa doorashada xiriirka kubadda gacanta, waxaana xilkaasi u taagan oo doonaya in 4ta sano ee soo socota uu sii hogaamiyo Maxamed Xuurshe Eenow kaasoo xilkaasi soo hayay tan iyo 1999. Ilaa iyo hadda la sheegin cid kale oo xilkaasi isku soo sharaxday Mar Eenow wuxuu xiriirka kubadda gacanta ka soo noqday xoghaye sanadihii 1997/98 isagoo markii danbe gudoomiye ka noqday xiriirkaasi ...
7 hours, 5 minutes ago
3
views
Ciyaaro ─ Sir Alex Ferguson ayaa canbaareeyay maamulka Manchester City isagoo sheegay in ay ku qaldanaayeen in ay shaqada ka raacdeeyaan Roberto Mancini kaasoo kooxda laga eryay Isniintii kadib markii uu mudo 3 sano iyo bar ah oo uu kursigaasi ku fadhiyay uu 3 koob u qaaday. Ferguson, oo garoomadda ka tagi doona marka uu ciyaaro kulanka Axada oo ay la ciyaari doonaan West Brom, ayaa taageeradiisa si naxariis leh ugu muujiyay ...
7 hours, 5 minutes ago
3
views
Bar Kulan ─ Kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka boqortoyada ee Copa Del Rey, markii finalka ay 2-1 kaga adkaatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid. Cristiano Ronaldo ayaa madaxa ugu dhaliyay Los Blancos goolka koowaad ee ciyaarta, hase yeeshee laba gool oo ay kala dhaliyeen Diego Costa iyo Miranda ayaa [...]
7 hours, 5 minutes ago
7
views
Badweyn ─ Number of View :178Waxa rabaygaan Yuhuudka ah cadaynayaa arintaas xaqiiqda ah oo muslin badan shaki kaga jirta. Waxaa kaloo madaxda Kirishtaanka shirkoodii Rome ee sanadkii 1978 ayna ka doodeen arintaas HALKAAN KADAAWOMUUQAAL CAJIIB AH
7 hours, 6 minutes ago
4
views
Awdal Press ─ Daawo: Munaasabada 18 May ee ka dhacday Fagaaraha banaanbaxyada ee Boorama hoos ka daawo.
7 hours, 6 minutes ago
13
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 18 May 2013: Madaxweyne Xasan waa uu sii hadalay waxa uuna tilmaamay dadka ku nool gobolada Jubbooyinka in ay yihiin dad nabadeed sidaasi darteedna aan loo baahneyn in colaad la galiyo, isaga oo sheegay in wali ay jirto fursad xal looga gaari karo arimha cakiran ee Jubbooyinka . Madaxweynha oo soo hadal qaaday arimaha gobolada waqooyi ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin ...
8 hours, 4 minutes ago
7
views
Somaliland Org ─ Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo garnaqsi ugu filan Somaliland. Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay ...
8 hours, 4 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Spain-May-18-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu manta ku iclaamineynaa ciyaartii xalay dhexmartey Real Madrid iyo Atletico Madrid. Ciyaartan oo ahayd final ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne iyo taageerayaasha labada dhinac oo kor u dhaafey 70,000. Haddaba koobkan oo aad qiimo uga leh dalka Spain ayaa lagu magacaabaa Copa Del Ray,Akhyaartay ciyaartan oo runtii aad loo wada sugayey ayaa wakhtigeedii bilaabantey ,waxaana daqiiqadii 14-aad goal aad u qurux badan Real Madrid madaxa ...
8 hours, 4 minutes ago
8
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii ...
8 hours, 4 minutes ago
10
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka Soomaaliya [...]
8 hours, 5 minutes ago