35
views

War deg deg ah: C/raxmaan Faroole oo cilaamiyay dagaal qaraar oo ka dhaca gobalka Bari

WAAJIDPRESS – 5 Dec 2012:

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) oo aad iyo aad uga careeysnaa qaraxii xooganaa ee ciidamo ka mid Puntland lagula eegtay gobalka Bari ayaa hadana waxa uu cilaamiyay dagaalo qaraar oo gobalkaasi ka dhaca.

Faroole ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan gobalka Bari islamarkaana ay la dagaalami doonaan cid walba oo ay kaga shakiyaan inay gacan saar la leedahay Al-shabaab.

“Ciidamada waan fasaxayaa waxaana ay dagaal kama dambeeys ah ku qaadi doonaan buuraha Gal-gala iyo nawaaxigeeda, Al-shabaab dhibka ay noo geeysteen wey ka shalaaynaayaan” Faroole ayaa sidaasi yiri.

Sidoo kale C/raxmaan Faroole ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan shacabka ku dhaqan nawaaxiga Buuraha Galgala ay halkaasi isaga barakacaan hadii kale laga yaabo in dhibaatooyin badan ay la kulmaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan carada ah ee kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) ayaa waxa uu imaanayaa xilli ciidamo ka mid ah maamulkaasi qarax miino oo aad u xoogan lagula eegtay duuleedka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, halkaas oo dad badan ay ku naf waayeen.


Read full story >>

2
views
Raxanreeb ─ Mogadishu, 23 May 2013 – The President of the Federal Republic os Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud attended a ceremony in Mogadishu to celebrate the 50th Anniversary of the Organization of the African Union (OAU). Dignitaries present in the event included the Special Representative of the AU to Somalia, Djiboutian Ambassador to Somalia who is also the Dean of Diplomatic corps in Mogadishu, the EU and UK Ambassadors to Somalia ...
2 hours, 26 minutes ago
5
views
Qurbe Joog ─ Borama 23.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta Kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Waxaa Deegaanka Goraya Cawl kaga hortagay Madaxda Heer Gobol iyo Mid Degmo isla markaana u Galbiyay Dhinaca Magaalada Boorama halkaas oo uu Warbaahinta ugu Sheegay Ujeedada Socdaalkiisa . Boorama SDN. Qurbejoog.com
2 hours, 26 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ London 23May13 (SDN)Habeenkii xaleey ee bishu aheed 21/5/13 kuna beegned Salaasa ayaa waxaa lagu qabtey Badhtamaha Magaalada Bristol xaflad aan nooceeda hore loogu arag Bristol oo si heer sare loo soo agaasimey ,taasi oo ay ujeedadeedu aheed Xuska Sanad Guuradii 22 ee ka soo wareegtey Gooni isku taiga Somaliland Waxaa madasha soo buux dhaafiyey dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magalada Bristol iyo nawaaxigeega kaasi oo ay dhoolatus weyn ku ...
2 hours, 26 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 23 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed,_Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. ...
2 hours, 26 minutes ago
2
views
Puntland Voice ─ Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ee ku dhaqan Magaalada London ee caasimada Dalka Britain waxaa la ogeysiinayaa magaalada uu ku soo wajahan yahay Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan. 31:05/2013 ayuu ku soo aadan yahay haddaba dhamaan jaaliyada Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay sidaa ula socdaan. Dadka qaban qaabinaya soo dhaweynta Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan ayaa ku howlan sidii wada jir loogu soo dhaweyn lahaa mas’uulkaani oo qiimo badan ku ...
2 hours, 26 minutes ago
4
views
Puntland Voice
2 hours, 26 minutes ago
2
views
Puntland News 24 ─ Wasaaradaha waxbasrahada ee dowladda Puntland ayaa maanta iclaamisay maalinta Sabtida ah ee taariiqdu ku beegantahay 25-ka bishaan inay deegaanada Puntland ay ka bilaabanayaan imtixaanka guud ee kama dambaysta fasalaada sideedaad ee dugsiga dhexe ilaa iyo dugsiga sare (Form Four).Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa maanta shirsaxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu ku sheegay maanta inay direen 70- kormeerreyaal ah oo watta boorsooyinkii iyo imtixaanaadkii dugsiga sare, ...
2 hours, 26 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Anaga oo ka kooban Salaadiinta,Cuqaasha,Aqoonyahanka,Culimo awdiinka,Siyaasiyiinta,Ganacsatada,Xildhibanada,Waxgaradka,Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha waxaanu Taageeraynaa isla markaana soo dhawayneynaa SHIRKA AW BARKHADLE iyo GUDIGA QABAN QAABADA SHIRKA AW BARKHADLE oo SULDAN MAXAMED SULDAN C/QAADIR maanta si rasmiya ugu dhawaaqey Waxaanan Beesha Cod dheer iyo cod gaabanba ugu sheegaynaa iney DEBED iyo GUDABA taageeraan SHIRKAA AW BARKHADLE ee suldaanku ku Baaqey MAGACYADDA 1. Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle ) 2. Caaqil Xuseen 3. Caaqil Biite 4. ...
2 hours, 27 minutes ago
2
views
Mareeg ─ Mogadishu, 23 May 2013
2 hours, 27 minutes ago
2
views
Mareeg ─ 23/05/2013
2 hours, 27 minutes ago