35
views
views
Beesha Madaxweyne Siilanyo Oo 5 Xildhibaan Awoodiisa Kaga Heshay Gobolka Saaxil Qormaddi 2-aad.
Sida la ogyahay waxaa todobaadkan lagu dhawaaqay natiijadii gobolka saaxil iyada oo la sheegay in xisbiga talada dalka hayaa uu degmada saaxil ka helay 9 xildhibaan, arintaasi oo markii ay soo baxday ka yaabisay shacabka reer somaliland guud ahaan gaar ahaana reer saaxil waayo dadka ku dhaqan gobolka saaxil waa la ogyahay inay xukuumada siilaanyo ay u hayso cadaawad aan la garanay ilaa hada meesha ay salka ku hayso arintaasi oo soo ifbaxday markii xukuumada uu hogaamiyo siilanyo ay talada dalka la wareegtay oo siilaanyo uu siiyay reer saaxil cad quudheed oo ah in la siiyo hal wasiir oo aan ahayn wasaaradaha miisaanka culus sida maaliyada iyo arimaha gudaha waxaa taasi u sii dheerayd siilaanyo oo aan siin beesha gobolka saaxil agaaimayaashii ay xaqa ugu lahaayeen inay ka helaan xukuumada uu madaxda ka yahay isaga oo siilaanyo siiyay laba agaasime oo kaliya labadaasi oo loo dhiibay wasaaradaha aan awoodaha lahayn sida wasaarada deegaanka oo aan wax shaqo ah oo la taaban karo aan qaban, waxa kale oo madaxweyne siilaanyo carqalad ku noqday shirkii beesha gobolka saaxil ku qabsanaysan deegaanka Dubur ee ay kaga tashanaysay danaheeda siyaasadeed iyo kan gobolkaba waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay madaxweyne siilaanyo sidii uu u burburin lahaa shirkaasi inkasta oo uu ku guul daraystay shirkaasi isaga ah, waxa kale oo iyada aysan ilaabay shacabka gobolka saaxil sida uu wasiirka wasaarada Duulista oo uu siilaanyo adeer u yahay ula dhaqmay shaqaalihii madaarka Berbera oo uu shaqadii ka eryay wixii reer saaxil ahaa ee uu u arkayay inay yihiin dadka deegaanka iyada oo fashilka iyo qabyaalada ku dheehan ee wasiirka iyo shaqalaha uu adeerka u yahay ee uu ka shaqaalaysiiyay madaarka ay ku kacaan qabyaalad fool xun oo ka baxsan dhaqanka dadka reer somaliland tusaale marka dadka rakaabka ahi ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee berbera waxaa la weydiyaa qolooyinka ay ka soo kala jeedaan kuwa ka soo jeeda beesha madaxweynaha waxaa loo fududeeyaa adeega ay u baahan yihiin iyada oo aan wax baadhis ah lagu samyan halka kuwa loo arko inaysan ahayn beesha madaxweyne siilanyo gaar loo faquuqo iyada oo ay ugu sii daran yihiin kuwa ka soo jeeda gobolka saaxil oo shaqaalaha haysta madaarka iyo wasiirkuba si gaar ah u cadaadiyaan, hadaba akhristow ma laga soo eeg madaxda ugu saraysa madaarka berbera waxa inama yar yar oo uu wasiirka duulsitu adeer u yahay oo isla weyni badani ku jirto , hadaba iyada oo ay jirto cadaawad aan la garanayn meel ay kaga timid beesha gobolka saaxil ayaa waxaa dhacday cadaaladaradii ugu weynayd ee xukuumada siilanyo ku kacdo intii lagu guda jiray doorashadii golayaasha deegaanka iyada oo hore loo ogaa in hal xildhibaan ay hore u lahaayeen beesha uu ka soo jeedo madaxweyne siilanyo ayaa waxaa la soo saaray oo codad xaqdaro ah lagu soo saaray 5 xildhibaan oo madaxweynaha ay isku beel yihiin iyada oo la sheegay in siyaabo kale duwan lagu soo saaray 5 xildhibaan ee ay madaxweynaha isku beesha yihiin halka la sheegay in qaar ka mid ah si sharci daro ah loogu shuban codad si gaar ah loogu diyaariyay sanaaduuq suuqa madaw lala maray iyada oo kuwa kalena lagu soo saaray lacagtii dekeda iyo madaarka berbera oo sifo sharciga maal barsan loogu taageeray xildhibaanadaasi ay madaxweynaha isku beesha yihiin, hadaba akhristow dib u baadhan dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay taageerayaashii xisbiga UCID maalintii codayta ee safafka dhaadheer ku jiray kuwaasi oo ay xukuumadu il gaar ah ay ku eegaysay iyada oo markasta hadii aad joogtay magaalada berbera aad maqlasay dhawaqa rasaasta oo si sharciga maal barsan loogu kala eryayay taageerayaashii xisbiyada ay xukuumadu u malaynaysay inay yihiin kuwa codadka ugu badan ka helaya gobolka saaxil, iyada oo la ogyahay in shacabka gobolka saaxil uusan wax taageero ah u haynin xukuumada uu madaxda ka yahay siilaanyo oo siisay beesha gobola saaxil cad quudheed hadana ugu dartay inay sifo sharciga maal barsan oo ku salaysan deegaamaysi qotodheer iyo dhul balaadhsi————————-
La soco cadadka danbe ee qormooyinkan—————————————–
Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/somaliland
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
6
views
views
Somali Swiss ─ Yusuf Garabey
4
views
views
Somali Swiss ─ Yusuf Garabey
21
views
views
Somali Memo ─ Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Madaxweyne ku xigeenka u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan. Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland. “Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen laba guuto oo kala Raaskanbooni iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen ...
3
views
views
Raxanreeb ─ Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay xornaanshaha wadooyinka qaar oo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka mamnuuceen adeegsiga gaadiidka dadweynaha arintaas oo saamayn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga xawliga ku socday ee wadada Makka Al-Mukarama oo loo diiday isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Gudoomiye tarsan ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu arki doono ciidan gaara oo sugi doona amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in ...
3
views
views
Raxanreeb ─ Wajeer(RBC Radio) Shacabka ku dhaqan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyiga barri ee dalka Kenya ayaa dhigay Mudaharaad ballaaran kaasoo ay kaga cabanayaan falalka amni xumo ee kusoo batay magaaladaas,boqolaal ruux oo u badnaa haween iyo Carruur ayaa iskugu soo baxay magaalada Wajeer kuwaas oo ka cabanayey amni xumada ka taagan magaalada Wajeer. Shacabka ayaa ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah dowladda dalka Kenya gaar ahaan ciidamada nabadgalyada ee booliska ...
7
views
views
Puntlandi ─ Garowe(Puntlandi.com):- Waxaa manta si rasmi ah dil toogasho ah loogu xukumay ragii dilay eebe ha u raxmadee Sheikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa Culimada ugu waaweyn ee Soomaaliya. Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee dawlada Puntland ee gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn ayaa manta dil toogaso ah ku riday ilaa todobo dhalinyaro ah oo lagu soo oogay dambi la xiriira in ay ahaayeen ragii ka ...
3
views
views
Marka Cadey Net ─ Hishiiskan oo ay kasoo shaqeyeen Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa Soomaaliya u saxiixay Ganaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, Halka Dhanka Sudan uu u saxiixay Ganaraal Axmed Jumca oo isagana ah Gudoomiyaha Garsoorayaasha Ciidanka Qalabka sida ee Sudan. Hishiiskan oo ag Goobjoog ka ahaayeen Saxiixistiisa [...]
3
views
views
Marka Cadey Net ─ Mid kamid ah Ciidamada Militariga ee Dowladda Britain ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Xaafada Woolwich ee Magaalada London ee dalka Britain. Askarigaan ayaa waxaa dishay laba nin oo loo maleynaayo inay asal ahaan ka soo jeedaan Qaaradda Afrika, iyadoo mid kamid ah raggii dilay uu ku qaylinaayay “Maalin kasta Ciidamada Britain waxay [...]
5
views
views
Marka Cadey Net ─ Waxaa soo badanaaya banaan baxayaasha maal mahaan ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxyadu ay lee yihiin ujeedooyin kala duwan. Banaanbaxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeraayay laba arrimood oo kala ah, 50 sano guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ururka Midowga Afrika iyo fashilka ku yimid mooshinkii laga keenay Xukuumada Raa’isal [...]
4
views
views
Marka Cadey Net ─ Waxaa sii xumaanaaya khilaafaadka xoogan ee u dhaxeeya Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaalo ka dilaacaan Magaalada Ceelbuur. Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu xilligaan u kala jabay laga garab, garab taageersan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo garab kaloo taageersan Amiirka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaano [...]