25
views
views
QALALAASAHA IYO FOOLXUMADA SOMALILAND KA TAAGAN HADA MAY BILAABMIN IMIKA EE WAXAY BILAABMATAY MARKII GOLAHA GUURTIDU 33 XILDHIBAAN OO KA MID AHI AY ASXIYEEN XEERKA AH IN URURADA LA FURO. By: political analyst sharmaarke abdi musse.
Marka hore waxaan salaamayaa saxaafada iyo hawlwadeenada website-ka iyo akhristaha maqaalkaygan furaba, intaa ka dib in dhawayd maqaal maan soo qorin, in aan shakhsi ama ashkhaas aan abaarana horena isku maan da yin hadana isku dayi mayo, attitude ka qof ka iyo character-ama career-ka siyaasadeed ee siyaasiga waan tix galiyaa ,walow aanay siyaasigaa vocational-kiisa ama xirfadiisa siyaasadeed aanay I qancinba hadana waa iga mudan yahay inaan ku ixtiraamo ; aan u daadago dulucda maqaalkaygan, waxa hada ka socda Somaliland wax aan la jeclaysan oo muwaadin kastaa ka murgoonayo, ceeb iyo isku nacayab iyo kala durug badanina way ka dhalatay doorashoodan golaha deegaanka oo beelo ama jifooyin hal wada ahaa ayaa isku naceen marka jifo kastaa mid keensatay ama uu murashax iska soo sharaxay, hadaba nuxurka aan u imaadee anigu maan ogalayn marnaba in la furo ururada siyaasada, oo waxaan jeclaa in saddexdaa la tayeeyo fekerkaas aniga uun maahee dad badan ayaa ila qabay, oo siyaasiyiinta damaca siyaasigu hayo lasoo dhaweeyo oo ay ku biiran ama horeba way igu jireene ay halkoodii kaga hayaan, oo siyaasiyiinta daalay ee ilaa markii aan kacaamay ee aan maqlaayo magacyadooda aqoona aan lahayn inay nastaan oo ay siyaasada ka odayeeyaan, sida odayga IRAN AYATULAH ALI KHAMADI, sidiisa inay odayaal Somaliland ah noqodaan ayaan doonayay oo ay nastaan, sharaf ayey ku leeyihiin umada dhexdeeda , sharafkaas ay ku leeyihiin in siyaasada khaldan ama aan wacnayn oo ay la imaadaan sharafkooda wax yeesho ayaa macquul ah.
Sidaynu wada ogsoonahay madaxweyne siilaanyo wuxuu ku balan qaaday in ururada uu furaayo , hadalkaasina madaxweynaha wuu kasoo dhacay qalbigana kamuu ogalayn in la furo ururda siyaasiaga ah , markii madaxweyne siilaanyo uu noqday madaxweyne, wuxuu awood u leeyahay in uu DEGRE-YTO ururada ku furo oo uu idhaahdo ururadi degree-yto madaxweyne ayaa lagu furay, hadana madaxweynhu isagoo ruuxda iyo qalbiga ka doonayn in ururada la furo balanqaadna fuliyey taas ayaa madaxweynaha ku qasbaysay ee marnaba ruuxdiisu may ogalayn in la furo, dabadeed madaxweynuhu waxa uu magacaabay gudi , gudidaas oo loo magacaabay kasoo talo bixinta furashada ururada siyaasiga ah, waxa gudoomiye looga dhigay xildhibaan DHULBAHATE AH xildhibaan KOORE, taas oo ah talaabo wacan oo uu madaxweynuhu qaaday , gudidii waxay qaadeen SERVEY, kaas uu lagu ogaanayey in shacabku furtaan ururada siyaasiga ah iyo inkale, gudidii waxay mareen gobolada Somaliland oo dhan ilaa laascaanood oo maxaa yeelay xil. KOORE ayaa gudoomiye u ahaa nin bari kasoo jeeda ayaana hawshaa gobalada oo dhan gaarsiin karaayey, ka dib wax bulshada lagala tashanaayey arintaa Ardayda jaamacadaha , aqoonyahanka, iyo culimo awdiinka, ama intellectuals, dabadeed gudidii waxay kusoo war celiyeen madaxweynaha statistics-kii ay sameeyaana waxay idhaahdeen dadku way ogal yihiin in ururada la furto, Madaxweynu isagoo DEGRE-YTO labaad haysta oo odhan karaaya Gudidii aan magaacabay servey goodii waxay ku ogaadeen in dadku ogal yahay in ururada la furto, ee DEGRE-YTO ayaan ku furay isagoo oo madaxweynuhu hadana xaq u leh oo awoodaa leh ayaa hadan qalbiga ayaanu ka ogalayn ,oo golaha wakiilada ayuu usoo gudbiyey oo uu is yidhi bal caqli ha u noqdaan oo xeerkaas ha demolish-gareeyaan, golaha wakiiladuna dee rag badan ayaaba orod ugu jiray inay ururo furtaan isla markiiba xeerkaas motion iyo kasoo baarandeg golehu umuu qaadan ee si dhakhso ah ayey u pass-gareeyaan, xeerkii furashada ururadu wuxuu u gudbay GOLAHA GUURTIDA.
Markay halkaas marayso anigu aad ayaana ula socdaa oo hargeysa ayaan jooga arimaha siyaasada ee socda aad iyo aad ayaan ugu dhuun daloolay, aniga oo ku hanwayn in GOLAHA GUURTIDU inay xeerkaas pause- garey doonaan ama ay xeerkaas halkaas dalka kaga joojin doonaan oo aan ku han waynahay in xeerkaas ay guurtidu caqli u noqon doonto , oo GOLE caqli ,dhaqan , xilkas, weeyaan GOLAHA GUURTIDU, GOLE siyaasadeed sida golaha wakiilada maaha; waxaanay GOLAHA GUURTIDU xaq u leeyihiin in saddex meelood laba meel I inay xeerkaas ay joojin karaan, ama ay GOLAHA WAKIILDA wax ka badel ku odhan doonaan oo ay dib ugu celin doonaan, GOLAHA GUURTIDU waa linkage ama pound-ka isku haya Somaliland oo dhan xukuumad , shacab, gole sharci dejin, intaba iyagaa linkage u ah GOLAHA GUURTIDU, markuu arin halkaa maraayo ayaa 4:15pm ka dhagaystay idaacada VOA qayba afka somaliga in GOLAHA GUURTIDA EE SOMALILAND AY ANSIXIYEEN xeerkii furashada ururada siyaasada, ( golaha waxa xaadir ku ahaa 47 xildhibaan, 33 xildhibaan waxay ku codeeyaan haa “ in xeerkaa la pass gareeyo oo siday golaha wakiiladu kusoo gudbiyeen loo pass- gareeyo , 11 xildhibaan way diideen, 3 xildhibaana way ka aamuuseen), dabadeed xeerkii sidaa ayuu ansax ku yahay ayuu gudoomiye ku xigeenkii GOLAHA GUURTIDA oo nin sharaf lehe ku sheik AXMED sh. Nuur .sh.furre oo shir godoominayey ayaa ku dhawaaqay sidaa.
Anigu galabnimadii ayaan maqlay dareenkaygu wuu isbadelay, hadaan ahay political analyst, waxa waan garan karaa meelna wax way iiga sawirnaan karaan, waxaan ogaa tii soomalia ka dhacday ee dhowr iyo lixdanka urur lagaadhay doorooshooyinkii baarlamaan ee 60 iyo 70 somalia ka qabsoomaayey, habeenimadii ayaan aniga oo guriga aan soo gaadhin hargeysa ayan ka hadlayaa oo aan joogaa ayaa meel sub-station ah oo aan lacagta mobile-ka kaga shubto oo inan la idhaahdo LIIBAAN haysto aan imid waa abaaro 10:00pm, aniga oo lacagtii mobile-ka laygu shubaayo ayaa warkii soo galay waa warkii 10:00PM , warka waxa ugu waaween GOLAHA GUURTIDA OO ANSIXYEY XEERKII FURASHADA URURADA SIYAASIGA AH, markii aan qodobkaa warka aha aan daawaday ayaan liibaan ku idhi hadii ( hadii ururadaa la furay ay Somaliland dhibaato iyo is nacayb u keenaan waxa ka masuul ah 33 xildhibaan ee caqli u noqon waayey xeerka golaha wakiiladu soo pass-gareeyeen. Waxaan ugu daray walaahi, magacyadooda iyo qabaa’ilka ay yihiin hala soo ogaado iyagaa ka masuul noqon doona arinka ka dhasha ansixintaa xeerkaa, maxaa yeelay iyagaa ku ansixiyey HAA). Markaan intaa liibaan ku idhi ayaa inan iimaan ah oo masjid igu dhawaa iimaan ka ahaa oo khadar la idhaahdo oo meesha joogay oo lacag kaga shubanaayey igu yidhi dee sheikh ayaan kuu haystee GUURTIDII AYAAD HAWLAHOOGII WADAA..kkkkkkkkk. ku darsoo markii bilaa diwaangalin la’aan iyo bilaa astaan la aan in lagu galo doorashooyinka markii Golaha wakiilada ay ansixiyeen ilayn, in Golaha Guurtidu ka qabtaan oo ay labadaa xeer ay is hor taagaan ayay ahayd.
GOLAHA GUURTIDU waa xildhibaano odayaal ah oo sharaf leh ixtiraamna way iga mudan yihiin, marxalado badana dalka way kasoo saareen, sharafna waan u hayaa.
Markaa waxaan kusoo gabe gabaynayaa sheekadii saddexda dibi ee midba maalin libaaxu cunaayey ee kii ugu danbeeyey yidhi ( maanta layma cunine, maalintii dabiga cad la cunay ayaa lay cunay).
By: political analyst sharmaake abdi muuse Email: Jamaal_77@hotmail.co.uk
http//www.facebook/pro sharmaake.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
1
views
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 22.May (SDN) Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta u soo Gabo gabeeyay in ka badan Sodon Suxufi oo tababar Mudo Sadex Cisho ah uga Socday Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa. Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Akaadimiga Nabada iyo Horumarka ayaa mudadii uu Socday Waxay ka qayb galayaashu ku baranayeen sidii ay u naaqishi lahaayeen Xeerka Anshaxa Saxaaafada . Xasan ...
6
views
views
Nuxur ─ Sheeko yaab leh oo qofkii maqlaa aysan ka dhaadhaceynin ayay ku dhawaaqday dowlada Bakistan oo ku taala qaarada Asia taasi oo mamnuucday in dadka kabaha Labiska ama buudka aysan ka hoos xiran karin sigisaanta loogu talagalay in lagu qaato. Go’aanka dowlada Bakistan ay ku mamnuucday in dadka Shacabka ah iyo qof walba oo dalkaasi ku nool uusan marnaba xiran karin Sigisaanta laga hoos gishto kabaha buudka oo loogu talalagay in ...
1
views
views
Nuxur ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarada ay ka sameeyeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Alshabab. Markii uu ...
2
views
views
Lughaya ─ Dhallinyarada, waxgaradka iyo dadweynaha kale ee reer Boorama waxa si lama filaan ah u dhaawacay quluubtooda, isla markaana weli dhagahooda ka sii qaylinaya qaar ka mid ah hadalladii argagaxa lahaa ee badhasaabka cusub ee G/Awdal Md. Cabdoo Axmed Aayar oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo ee G/Togdheer uu ka dhawaajiyey shirkii magaalada Boorama ee xarunta G/Awdal uu ugu qabtay 16/5/213-ka salaadiinta dhaqanka reer Awdal ee looga hadlayey u diyaargarowga ...
1
views
views
Lughaya ─ Borama lughaya .com Waxa maanta munaasibad kooban oo ay ugu mahad celinayaan maamulku dadwaynah sidii ay uga soo qaybgaleen iskusoobixii xuska 18 ka May ay ku qabteen magaalada Borama halkaasi oo ay hadalo duur xulah ugu mahad celiyeen bushada qaybaheeda kaduwa hadaba Hoos ka daawo -
3
views
views
Lughaya ─ Muqdisho(LUGHAYA.COM) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u Balansanaa iney codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay tiradii ugu badneed ee mudanayaasha baarlamaanka ee ka qaybgala fadhiyada baarlamaanka waxaana xarunta baarlamaanka maanta soo xaadiray 200 oo mudane. Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir gudoominayey kulanka baarlamaanka ee maanta ...
1
views
views
Laacib Net ─ Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Mario Gotze ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac ku seegi doona kulanka finalka Champions League ee kooxdiisa haatan ay la ciyaari doonto kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda Bayern Munich. Gotze ayaa dhaawac muruqa ah la ildarnaa taasoo keentay in kooxda Borussia Dortmund ay haatan xaqiijiso inuu seegi doono finalka Champions [...]
1
views
views
Laacib Net ─ Weeraryahanka kooxda Manchester United Robin Van Persie ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Golden Boot sannadkii labaad ee isku xigta ka dib markii gooldhalinta horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkii dhamaaday uu ku qaaday 26 gool. Xiddiga reer Holland ayaa ka sarre maray Luis Suarez oo 23 gool lahaa iyo Gareth Bale oo 21 gool lahaa xilli ciyaareedkiisii ugu [...]
1
views
views
Horufadhi ─ Shir Jaraaid ay si wadajir ah u qabteen Culimadda Gobolka sool iyo odayaal ka soo jeeda beesha Madhibaan ee gobolka sool ayaa waxay ka hadleen dhibaato xoogan oo soo wajahday qoys kamid ah beesha madhibaan kadib markii loo qabsaday Mag lagu yeeshay taas oo lagu qiyaasay Boqol Iyo Shan Kun Oo Dollar-ka Maraykanka ah Taasoo [...]
5
views
views
Galgala News ─ Badhan : Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Badhan ayaa maanta lagu qabtay kulan ballaadhan oo lagu taageerayey dawlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland. Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka iyo degmada . Dhammaan qaybaha bulshada iyo ciidamada kala duwan ee daraawiishta , Booliska iyo Asluubta ayaa halkaas isugu yimid. Dadweyne badan ayaa ka soo qayb galay , waxayna lulayeen calanka Jubbaland , sidoo kalena waxay dareenkooda ku cabbireen khudbado ...