18
views

Dalladda SONYO Oo Tallooyin u Jeedisay Dhalinyaradda Ku soo baxday Goleyaasha deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ka duulaysa natiijooyinka ka soo baxay inta badan gobolada iyo degmooyinka dalkeena Somaliland in badana isha ku haysay natiijada ay doorashooyinkan ka keeni doonaan murashaxiintii dhallinyarada ahayd ee faraha badnayd ee u taagnayd golayaasha deegaanka waxaanu aqoonsanay in dhalinyaro aad u tiro badani ka soo baxeen imtixaankii adkaa ee ay galeen iyaga oo kalsooni badan ka helay guud ahaan shacabka.

Aniga oo ku hadlaya magaca guud ee dhallinyarada Somaliland waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin aad u ballaadhan uga soo jeedinayaa murashaxiintii dhallinyarada ahayd ee ka soo kala baxay dhammaanba toddobaddii Urur/Xisbi ee tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka galay waxaananu sidoo kale hambalyo ballaadhan u soo jeedinaynaa shacabka Somaliland ee sida qiimaha iyo qaayaha badan u gutay waajibkoodii qaranimo ee ay doorashooyinka ugu dareereen uguna codeeyeen sida habsamida leh ee nabad gelyadu ku dheehan tahay.

Iyada oo ay muuqato natiijada ka soo baxday dadaalkii ballaadhaa ee aynu u gallay wax ka badalkii xeerka sharci ee dabar ka furista ka qayb galka siyaasadda ee dhallinyarada, ILAAHAY-na (SWT) suurta galiyay in dhallinyaro fara badani u soo baxeen golayaasha deegaanka waxaa lagama maarmaan ah haddii aynu dhallinyaro nahay in aynu fulino ballan-qaadkii aynu dadkeene iyo dalkeena u samaynay ee ahaa in aynu aqoonteena, dadaalkeena iyo tamarteena wax ugu qaban doono dalka, waa in aynu ka dhabaynaa taasi. Waxa kale oo lagama maarmaan ah si aynu guulahaasi siyaasadeed ee aynu ku doonayno in aynu dadkeena wax ugu qabanaa waa in aynu ku dadaalaa sidii ay dhallinyaradu isugu soo taagi lahaayeen maayarada degmooyinka dalka oo macnaheedu tahay in ay hammigooda wax badan halkaasi kaga badali karaan.

Xubnaha Golayaasha deegaanka ee soo baxay waxaanu ku boorinaynaa in xubnaha dhallinyarada ah lagu taageero buuxinta jagooyinka maayarada dalka, taasi oo wax weyn ka tari doonta dhammays tirka hayaanka dhallinyaradu u soo gashay in ay dadaalkooda iyo waxqabadkooda u gudbiyaan dadkooda iyo dalkooda.

Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ogsoon muhiimadda golayaasha deegaanku u leeyihiin dalka waxa ay xubnaha la doortay u soo jeedinaysaa in ay shacabka soo doortay ee u han weyn sida ugu wanaagsan ugu shaqeeyaan danta caamka ahna wax walba ka hor mariyaan iyaga oo awoodda saaraya horumarinta adeegyada shacab ee degmooyinka dalka.

Ugu dambayn, waxa ay dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO si gaar ah ula dardaarmaysaa murashaxiinta dhallinyarada ah ee soo baxay oo ay ku waaninayso in ay xaqiijin karaan ballan qaadkii dhallinyaradu ku doonaysay in talada dalka wax laga siiyo taasoo haddii ay ku fashilmaan Ilaahay kama yeelee keeni doonta in shacabkeena intiisa kale ka aamin baxaan ballan qaadkii aynu hore u samayn jirnay. “Barbarkay Ka Baxdaa Waa Bakaylo Qaleen”. Aan u midawno deegaamada dalkeena oo horumar sameeya.

Guddoomiyaha Dalladda SONYO
Md. Axmed Cabdi Wacays

Read full story >>

1
views
Oodweyne News ─ TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM CABDILAAHI SUUFI ABOKOR (AW BIIXI) Oo ka mid ahaa odayaashii waa weyna ee ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo hub ka dhigistii ciidamada lagu sameeyey. ...
7 hours, 58 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Dooc Tixdan Gabayga ah Waxa magaceeda la yidhaahdaa, waxaanay soo baxday 14-kii Bishii May ee sanadkan aynu ku jirno. waxay daba socotaa amase ay Jawaab u tahay Gabay uu Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji xasan Bishii April badhtamaheedii soo saaray iyo Maanso kale oo uu ugu jawaabay Nin Magaciisa la yidhaacdo Guuleed Axmed oo mudo ka dib tiriyay Tix la yidhaahdo Difaac. Markaa gabaygan Dooc oo labadaa gabay ee ...
7 hours, 58 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaa sidii bishan May u bilaabatay hadal iyo iswaydiin ii ahayd inaan is waydiiyo door kaaleemedkii aan ku darsan lahaa 18kan may iyo in aan is waydiiyo tani waxay kaga duwan tahay kuwii hore ee i soo dhaafay een intaba meel dheer ka jirin, se maxay tahay waxan dheeradka ah ee maanta i galay ama igu soo kordhay ee i leh wax wax ku darso oo markaad ugu yar tahay ...
7 hours, 58 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaynu Hore Uga Soo Hadalnay Dibin Daabyada , Dib U Dhaca Iyo Deegaan Wareejinta Uu Badhasaabka Gobolka Saaxil Ka Waddo Gobolkan Deegaan Ahaan iyo Dhaqaale Ahaanba Muhiimka U Ah Guud Ahaan Geeska Afrika Gaar Ahaan Somaliland Waa Gobolka Saaxil’e , Qorshahan Isiraysan Ee Dhul Boobka Deegaamaysan Iyo Gacan Ku Qabashada Ilaha Dhaqaalaha Ee Uu Waddo Badhasaabka Gobolka Saaxil CALI GADH-DHEER , Waxaa Adeegsanaaya Oo Ka Danbeeya Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka ...
7 hours, 58 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Tanzania(OWN) Xafladii Tanzania ee sanad guuradii 22aad ee dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland oo xaflad aad u heersaraysa oo loogu dabaal dagayo lagu qabtay xarunta dalka Tanzania ee daresalam   Xafladan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo aan look ala harin isla markaana laysaga yimid gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalkani Tanzania.     Xafladan lagu xusayay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 ...
7 hours, 58 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ aniga oo ah aqoon yahan jaamac cilmi jiir waxaan reer saaxil xaal ka siinayaa weerarka deegaamaysan ee beesha aan ka soo jeeda ku soo qaadeen,iyada oo la og yahay in xitaa masaajidkii dekeda loo bixiyey siilaanyo taasi oo meel ka dhac ku ah dadka reer saaxil waayo taai waxay muujinaysaa in siilaanyo doonayo in uu beesha ka soo raro deegaankoodii oo uu u soo raro gobolka saaxil gaar ahaan magaalada ...
7 hours, 58 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─   wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur)ayaa todobaadkan shaaca ka qaaday inay xukuumadu masuul ak ahayd dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,iyada oo dhacdaasi foosha xun ay fuliyeen ciidamada RRU oo halkaasi ku dilay muwaadin aan waxba galabsan isla markaana hanti badani ku burburtay weerarkaasi ay qaadeen ciidmada RRU-du ,oo hoos taga wasiirka arimaha gudaha somaliland. hadaba akhrsitayaal waxaad waxa og tihiin ...
7 hours, 58 minutes ago
1
views
Awdal Press ─ Waxaan si xushmad leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu marti qaadeynaa inaad ka soo qayb gashaan kulan baroor diiq ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Marxuum Dr Cumar Cisman Raabi, oo aahaa aqoonyahan, qoraa, wax badanna ka qorey arrimaha Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa. Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ku takhasusay ee fogaal arragga u ah arrimaha Soomaalida (Somali Expert and Analyst). Hadaba ...
8 hours, 3 minutes ago
14
views
Waajid ─ Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa waxay sheegeen inaysan ka noqon doonin mooshinka. Xildhibaanadaan ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay kulan ku yeesheen Hotel City Palace, oo ku yaala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. Tirada Xildhibaanada oo ku dhaweyd ilaa 60 ayaa waxay ku adkeysteen inaysan ka laaban, mooshinka ay ka soo diyaariyeen Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon. ...
9 hours ago
3
views
Somaliland Org ─ Oslo (Somaliland.Org): Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul iyo guddoomiyaha wargeysyada Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) ayaa dabaal degii xuska 18-ka May kala qayb galay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul iyo guddoomiyaha wargeysyada Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) ayaa dalka Norway u tegay sidii jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi ...
9 hours ago