16
views

CULUUMTA MAANSADA: Qeexidda Suugaanta W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)‏

Waa taxane aynu ka soo minguurinnay buugga CULUUMTA MAANSADA ee aan qorihiisa ahay oo lagu daabacay dalka Sweden sannadkan 2012-ka. Qormadan waxa aynu ku eegi doonnnaa Qeexidda Suugaanta iyo Qaybaha Afka

QEEXIDDA SUUGAANTA

Afka Soomaaliga dhuuxiisa waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:

  1. Tix iyo iyo
  2. Tiraab

Tixdu, waa hadalka leh dhawaaqa gaarka ah ama luuqda, xaraf-raaca, miisaanka, iyo habdhaca sugan.

Tiraabtuna, waa hadalka ka kooban erayada la isku fahmi karo ee aan habdhaca lahayn.

Nuxurka iyo xikmadda tixda iyo tiraabta marka la isu geeyo ayaa la isku yidhaahdaa “Suugaan”

4.1                       Farqiga u dhexeeya tixda iyo tiraabta

1.  Tixda waa la soo xigtaa, oo waxa la isticmaalaa erayadii qofka tixda sameeyay uu adeegsaday, tiraabta se erayada uu qofku doono ayuu ku tabin karaa, waxase mihiim ah in macnihii la rabay uun la sheego.

2. Tixdu waxa ay leedahay xaraf-raac, tiraabtana xaraf-raacu shardi uma aha.

3.Tixdu waxa ay leedahay hab-raac(hab-dhac) iyo cabbir sugan, tiraabtu malaha hab-raac iyo cabbir sugan

Mar kalena Afka Soomaaliga waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah :Hadal iyo Hawraar

Hadal :Hadalku waa inta caadiga ah ee lagu wada hadlo la iskuna fahmo, waa hadalka qaraxa ah ee aan suugaanta ahayn, waxa la yidhaahdaa “Hadaloow ninba in ku yidhi”, mar kale Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “Hadalna la kala odhan og, Allena la kala baryi og”, dadkana hadalkoodu waa kala soocan yahay, qaar waxa ay ku hadlaan hadal dabka bakhtiiya, dadka isu soo dhaweeya, nuxur badan xambaarsan, aadna loogu diirsado, dadka qaar waxa ay ku hadlaan hadal qallafsan oo aan faa’iido badan lahayn

Hawraar: Hawraar, ama murti ama suugaanina waa eray kasta oo xikmad leh, waxaanay hawraartu ku timaaddaa xaalado gaar ah iyo wakhtiyo gaar ah sida xilli guurka, wakhtiga  gar-naqsiga iyo xaaladaha kale ee la midka ah.

Hawraari waxa ay asal ahaan ka soo jeedaa, waayadii hore marka qof lagu yidhaahdo “Hebeloow sidaas yeel”, waxa uu qofku ku jawaabi jiray “Hawraarsan”, erayga hawraarsan waxa uu ka kooban yahay laba eray oo la isu geeyay oo kala ah “hawraar” iyo “san”, taas oo macnaheedu yahay  “waa hadal wanaagsan”.

Haddaba waxa is weydiin leh

  • Maxaa lagu qeexaa erayga suugaan?
  • Soomaalidii hore imisa siyaabood oo kala geddisan ayay u taqaannay erayga suugaan?

Soomaalidii hore siyaabo kala duwan ayay u qeexi jirtay erayga suugaan, siyaabahaas oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Suugaan, waxa loo yaqaanay “hadalka gunuuska ah” oo ah hadalka lagu yidhaahdo cod hoose  ee aan si wanaagsan dhagtu u maqli karin, waxaana jirtay Maahmaah Saddexley ah oo odhanaysa:

Hilib sooryo ma aha

Socod raaxo aha

Suugaanina hadal ma aha (Erayga Suugaan halkan waxa uu ugu jira micne u dhigma, “Gunuusku hadal ma aha”).

  1. Suugaan waxa kale oo loo yaqaanay oo ay reer guuraaga ama xoolo dhaqatadu u taqaanay madawga geedaha , waxaana la odhan jirey “Meel Heblaayo Suugaan ayay leedahay” oo uu macnaheedu yahay  meeshaasi waa dhul daaq leh.

  1. Suugaanta waxa kale oo loo yaqaanay, oo ay beeralaydu u taqaanay qaybta budada  ah ee soo hadha marka garawga (badarka) la ridqo.

  1. Suugaanta waxa kale oo meelaha qaar looga yaqaanay “Saxansaxada”, oo marka ay saxansaxo dhabanayso waxa la odhan jiray “Suugaan ayaa dhabanaysa”

Inkasta oo siyaabahaas kala duwan loo sharixi jiray erayga Suugaan, imaka waxa la odhan karaa micneyaashaas hore may hana qaadin waxaana hadda Suugaan loo yaqaanaa:

  1. Suugaani waa ta ka aloosanta marka aadmiga dhexdiisa ay ka dhashaan wada dhaqan, wada noolaansho, isbahaysi, wax is weydaarsi iyo garaad ururis si uu u daryeelo jiristiisa iyo kor u qaadka noloshiisa ugana guuleysto dabeecada aan u jixinjixayn haddii aanu karti ugu jilib dhigin.

  1. Suugaanta waxa lagu qeexaa in ay tahay mid ka kooban Maansada, riwaayadaha, halxidhaaleyaasha, halqabsiyada, maahmaahyada, murtiyaha, iwm.

  1. Suugaanta waxa kale oo lagu sharraxaa in ay tahay iidaanka dhadhanka u sameeya hadalka, si la mid ah sida ay milixdu dhadhanka ugu samayso cuntada, ama ay sonkortu u macaanayso una wanaajiso tayada shaaha. Suugaantu waa kuruska hadalka, waa qaybta ugu qiimo badan Afka.

  1. Suugaani waa eray kooxeedka kulmiya qoraal iyo odhaahba wax kasta oo la xidhiidha nolosha, dhaqanka, hiddaha, sooyaalka iyo dadnimada bulsho inta ugu qiimaha iyo qaayaha roon ee dhaxal u gasha ummad. Suugaani waa qoraal ama odhaah la qabo inuu leeyahay qiime naf ahaaneed.

Goorma ayaa erayga Suugaan uu qaatay micnahan hadda loo yaqaano? Yaase u bixiyay?

Erayga suugaan waxa uu qaatay micnahan hadda loo yaqaano, wakhti aan sii fogeyn waxaana eraygaas sidan aynu hadda u naqaano markii koowaad u adeegsaday,  Xuseen Xasan oo noolaa dhamadkii Qarnigii 19aad illaa bilawgii Qarnigii 20aad,  Xuseen Xasan ayaa beri lagu xidhay “meel doonni ah”, ama Markab dhexdiis,  kadib markii la is yidhi waxa uu carqaldayn doonaa heshiis la rabay in uu dhex maro Beeshiisa iyo Beel kale oo diriray, waayo Xuseen waxa uu ahaa Abaanduule Dagaal geliye ah , isla markaana ah Hal-Abuur curin kara Colaad.  Xuseen xidhitaankiisaas isaga oo aad uga xun ayuu tiriyay Gabaygan oo uu u adeegsaday Erayga Suugaan macnaha aynu hadda u naqaano.

Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo
Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye
Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye
Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane
Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane
An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro

Ninba sadada meel buu Ilaah, uga sameeyaaye

Anse taydu waxay saaran tahay, sud iyo geel waabe

Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha’e

Si alliyo faduul baan ku imi, sabadan xeebeede

Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo

Taariikhdaas ayay ahayd markii koowaad ee erayga suugaan loo isticmaalay micnahan aynu hadda ku sharaxnay. Waxaana si rasmi ah (caalami ah) loo qaatay erayga Suugaan 1972 markii la qorayay Af-Soomaaliga.

Qoraalkan oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaan buugga CULUUMTA MAANSADA oo ku diyaar ah maktabadda Red Sea Onlinee ku taalla Faras-magaalaha Hargeysa, gaar ahaanna Oriental Hotel.

La Soco Qaybta 2aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.co

saedmgahair@hotmail.com

FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair

FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair

Read full story >>

2
views
Somali Midnimo ─ A Saudi palace court “mufti”, Abdul-Azeez ibn Abdullaah Aal ash-Shaikh, said that the calls for Jihad in Syria are to be considered as a kind of “betrayal against the state”, according to Saudi press, in particular the leading and authoritive newspapers Al-Eqtisadiah and Al-Watan (offices in Dammam and Riyadh), cited by UmmaNews. In his Friday sermon last week, which took place in the mosque of Imam Turki bin Abd al-Aziz, ...
3 hours, 50 minutes ago
1
views
Somali Midnimo ─ Russian invaders reported that 2 blasts went off within an interval of 15 minutes in Shamilkala, the capital the Caucasus Emirate’s Province of Dagestan. The first blast occurred near the headquarters of enemy bailiffs. The bomb exploded underneath a vehicle Toyota Headliner, which was parked at the entrance to the building. Russian terrorist invaders claimed only one puppet wounded. The second bomb exploded 15 minutes later. First, the Russians said ...
3 hours, 50 minutes ago
1
views
Somali Midnimo ─ The idea of establishing an Islamic Emirate poses a challenge to the Islamic project or movement and the establishment of the Khilafah. Some may find this statement strange despite it being the true reality and that is that the idea of an Islamic Emirate as understood by the Jihaadi Salafi movement poses a danger within the Islamic project. The Islamic Emirate does not have a Shar’i basis and it is ...
3 hours, 50 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Hargeysa May 22,2013(SDN)-Somaliland waxay caalamku u aqoonsadeen inay tahay wadamada kaliya ee maanta nabad lagu sheegi karo. Caalamkuna uu ogaaday in somaliland ay tahay wadan nabadiisu tahay lama taabtaan. Cidkasta oo nabadiisa ka hor timaadana ay gacan bira ku qabtaan. Hadaba maxaa sababay in somaliland ka mid noqoto wadamada ugu nabada wanaagsan caalamka. Waxa nabada somaliland suuro galiyay inay jirto mudo dhan 22 sano dhamaaan bulshada reer somaliland oo ay ...
3 hours, 50 minutes ago
4
views
Puntland News 24 ─ Wafdi kasocda beesha caalamka gaar ahaana dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya sida Mareykanka iyo Yurub ayaa [...]
3 hours, 50 minutes ago
22
views
Puntland News 24 ─ Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku wajahan arimaha Jubooyinka halkaasi oo uu ka jiro [...]
3 hours, 50 minutes ago
4
views
Laacib Net ─ Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Man City Samir Nasri ayaa ka hadlay wararka suuqa ku jira ee sheegaya in Manuel Pellegrini yahay badelka Roberto Mancini ee Man City isaga oo tilmaamay in uu ogol yahay in macalinkaas qabto City isla markaana uu u rajeynayo in guulo horay loo keenin in City uu u soo hoyiyo. [...]
3 hours, 50 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Xiddiga Bayern Munich ee Franck Ribery ayaa u arka in kooxda ay haysato fursad ay ku qaadi karaan Champions League haddii ay u ciyaaraan habkii ay muujiyeen labadii kulan ee Barcelona ee wareegga 4-ta . ” Kulan waliba kan kale waa ka adag yahay waxaase ugu daran kulanka sabtida ee Borussia Dortmund, sidaas oo ay [...]
3 hours, 50 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Goolhayaha kooxda Fulham Mark Schwarzer ayaa u gacan haatinaya in ay u muuqaneyso in maalmihiisii Fulham ay sii dhamaaneyso maadaama maamulka ay iska indho tirayaan in hishiis cusub ay siiyaan xilli midkiisa haatan uu dhamaanayo bilaawga bisha dambe. Goolhayahaan 40-sano jirka ah ayaa shabakada Sky Sports ka yiri ” waxaan awoodaa in aan dhaho in [...]
3 hours, 50 minutes ago
3
views
Laacib Net ─ Manchester City ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo heshiis ay ku heleyso 72 milyan ginni la gashay shirkada Nike. City ayaa ku dhawaaqday sannadkii hore inay ka bedelaneyso shirkada Umbro, islamarkaana ay heshiis lix sanno ah la gashay shirkada Nike oo sannadkii ay ku heleyso 12 [...]
3 hours, 50 minutes ago