14
views

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Ankara: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis dhinaca ammaanka ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa heshiiska la galay dowladda Turkiga sida uu BBC u sheegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh.

Safiirku waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa uu ku saabsan yahay heshiiska oo ku tilmaamay mid militeri.

Safiirku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Madaxweyne Cabdalla Gul, maantana uu la kulmay Raiisul Wasaaraha Recep Tayyip Erdogon.

Danjire Maxamed Mursal, Waxa uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka taageerada samafal u fidiyay Soomaaliya markii abaaruhu ka dhaceen dalka sanadkii hore.

Dowladda Turkigu waxa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho ee ugu ballaaran u fidiya ardeyda Soomaaliyeed.

Ilaa 1600 ardey Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan oo wax ka barta dalka Turkiga, sida uu sheegay Safiirka.

Read full story >>

1
views
Oodweyne News ─ Birmingham(OWN)- Ciyaar aad uxiiso badan ayaa shalay gelinkii danbe waxaa lagu qabtay Garoonka Power league Stadion Aston lichfield Road ee magaalada 2aad ee Ingiriiska Birmingham UK, Hawsha tartanka loo qabtay koobka 18-ka May ayaa waxa iska kaashaday gudiga qabanqaabada 18May ee jaaliyada Birmingham iyo ururka dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha ee Birmingham , ciyaartan shalay oo Geba-gabo u ahayd Koob socday , ayaa waxaaa loogu tala-galay Munaasibada Qaran ee 18-Ka Bisha ...
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa bulshada reer Somaliland adduunka meel ay joogaanbaa munaasibadda 18th May. Waxaynu aragnay sida bulshada reer Somaliland u muujiyeen waddaninimo aan indhoweeyd lagu arag ummad Soomaaliyeed. Haddaba iyadoo qurba joogga reer Soomaaliland ay adduunka daafihiisa ku faafsanyihiin si laxaadlehna u joogaan waddanka UK, ayaad mooddaa inaynaan kaalinteena ka soo bixin bulsho qurbojoog ahaan. Waa dareen waddaninimo inaynu xaflado iyo dabaaldegyo samayno , si ay u ...
2 hours, 6 minutes ago
5
views
Nuxur ─ War-saxafadeed ka soo baxay goor dhow wasaarada warfaafinta ee xukuumada Somalia ayaa looga hadlay go’aankii dhowaan maamulka Somaliland uu ku joojiyey duulimaadyada QM ee ka degi jiray degaanada maamulkaas, kaasoo looga jawaabayey talaabadii ay QM hawada Somalia ugu soo wareejisay dowlada Somalia oo maamulka Somaliland uu ka carooday, iyagoo sheegaya in hawada maamulkaas aan laga maamuleyn maadaama ay yihiin dal dal madax banaan oo Somalia ka go’ay sida ay sheeganayaan. ...
2 hours, 6 minutes ago
3
views
Nuxur ─ Xili manta Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo hor jeeda Xukuumada Raisal wasaare saacid lagu waday in ay kulmaan. Oo kulankaas u baaqday sida ay sheegeen Xildhibaanada Ciidamada Nabadsugida ooh or istaagay ayaa waxaa arintaas ka hadlay Taliyaha Nabadsugida. Sida uu goor dhawayd saxaafada u sheegay Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamac ayaa beeniyay arintaas. Waxa uu sheegay Goobe in ...
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Nuxur ─ Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo Ciidamada amisom lala eegtay saacado ka hor. Qaraxan ayaa ka dhacay wadada labaad ee ugu saxmada Badan magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Warar kala Duwan ayaa ka sooo baxaya, waxaana la sheegay in markii uu dhacay Qaraxa Ciidamada amisom ay Rasaas Xoogan Fureen, waxaana Ciidamada amisom gaaray qasaare ...
2 hours, 6 minutes ago
3
views
Nuxur ─ Wararka ka imaanaya magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ayaa sheegaya in Duulimaadyadii halkaas ka soo dagi jiray ay Yaraadeen. Diyaaradaha UNka oo ay maalmo ka hor Mamnuucday maamulka Somaliland ayaan ka soo dagin maalmihii la soo dhaafay Garoomada Hargaysa iyo Berbera. Goobaha laga Cunteeyo ee ku yaala Gudaha Garoonka, afaafka hore ee Garoonka ayaa saacadihii la soo dhaafaya waxaa laga Dareemayaa hoos u dhac ku yimid. Sidoo kale Duulimaadyadii imaan jiray ...
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Horufadhi ─ Maamulka Galmudug ayaa Waxa u ka hadlay Markii Ugu Horeysay Mooshinka Kadhanka ah Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Kaas oo ay ku qaaden Qaar Kamid ah Baarlamanka soomaaliya Iyadoo 22 Bishan Lagu Balansan Yahay In laga Doodo Mooshinka Laga Keenay Saacid. HALKAN RIIX OO DHAGAYSO
2 hours, 7 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ Maxamed Xassan Bare Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu soo saaray wareegtada lagu bedalayo wakhtiga Doorashada oo horey loo sheegay inay qabsoomi lahayd 30 Bisha June. Doorashada oo markii labaad dib loo dhigayo ayaa horey qorshuhu u ahaa inay dhacdo bishan aan ku jirno ee May, balse bil kahor ayey dowlada [...]
2 hours, 7 minutes ago
7
views
Harowo ─ Wadamada Kenya iyo Ito0biya oo ayagu gacanta ugu weyn ka gaystay dhismaha Maamulka Jubbaland State, ayaa waxa ay markii ugu horaysay isku khilaafeen cida uu dhankeeda ka imaanayo Wasaarada ugu muhiimsan ee fulinaysa Ujeedada dhidibada loogu taagay Maamul Goboleedka Jubbaland. Haddii aan in yar horudhac idinka siiyo Sababaha Maamul Goboleedka Jubbaland lo sameeyay, ayaa waxaay tahay Dowladaha IGAD oo ayagu khasaaroyin badan ay ka so gartay Argagixisada Somalia saldhiga ka ...
2 hours, 7 minutes ago
2
views
Harowo
2 hours, 7 minutes ago