57
views

Waxa Guuleystay Waa Dalka Soomaaliland ee Maaha Shakhsiyaad, Ururo, ama Xisbiyo, Ummada Soomaaliliina Waa Shacab U Bisil Wadaniyada, ee maatada ha laga Daayo Dibin-Daabyada:

By: Garyaqaan: Xassan Faarax Maxamed

 Waxa dhawaaqay natiijadii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Soomaaliland ka qabsoon tay bishii hore dabaqaaqadeedii. Taas oo si guul leh ku dhamaatay, ummada Jamhuuriyada Soomaalilana si fiican bay doorashooyinkan uga qayb-qaateen si xor ah oo xalaal ah baanay u codeeyeen. Ninkastaa ururkii uu jeclaa cod, taageero, arin iyo aduun ahba gali, doorashadani oo noqonasa tii shanaad ee dalka Jamhuuriyada Soomaaliland ka qabsoonta guud ahaan, isla markaana ahayd tii labaad ee Xubnaha Golayaasha Deegaanka iyo Ururada Siyaasiga ah lagu soo doorto. Doorashadani muhiimadeedu waxa ay lahayd laba ujeedo oo waaweyn tan koowaad waxa ay umada Soomaaliland soo dooranasay xubnaha golayaasha deegaanka ee gobolada iyo dagmooyinka dalka oo dhan, ujeedada labaad waxa ay ahayd in ay umada reer Soomaaliland sidoo kale ka arimiyaan soona doortaan Xisbiyada Qaran ee saaxada siyaasada ku loolami doona tobanka sanno ee soo socda

Doorashadani waxa ay ahayd mid ummada reer Soomaaliland yar-iyo waynba guuleystay, isla markaana si xor ah dareenkiisa ku muujiyey, hankiisana ku loolan galiyey, doorashadani kuwii hore ee Soomaaliland waxa ay kaga duwaneyd:

Waxa ay ahayd doorashadii kali ahayd ee qof kasta oo leh damac iyo han siyaasadeed lahaaba awoodi karayey in uu isa soo sharaxo, hadii uu buuxiyo shuruudaha si waafaqsan Xeerku, tani waxa ay fursad siisay dad badan oo dhalinyaro, dumar, haween, siyaasiyiin, odayo, in ay isa soo sharaxaan hankoodana tijaabiyaan;

Doorashadani waxa ay ahayd tii koowaad ee ilaa hada marka dhamaan gobolada Soomaaliland ka qabsoonta, Laascaanood ilaa Lughaya, Sool ilaa Salal, dalka oo dhaqan sidii miraale ayay maasheysay;

Doorashadani waxa ay ahayd tii ugu horeysay ee da’yarta Soomaaliland laga furey dabarkii sharci ee heystay, taas oo ku timid dadaal in badan ay ugu jirtey dalada danaha dhalinyarada ka shaqaysa ee SONYO oo kaashanasa dhalinyarada dalka oo dhan isla markaana ay dhinaca aqoonta iyo khibradaba ka kaalmeysay qareenada ka tirsan Watershed Legal Services oo lafo-gur sharci oo xeel-dheer iyo istaraatiijiyad dhaxal gal ah la garab taagneyd, waxa iyana mahad gaara lahaa oo dhalinyada Soomaaliland u suntan Midawga Yurub oo hawshan maalgalinayay soona marsiiyey hay’ada Terre Solidali,

Doorashadani waxa ay sidoo kale ku suntaneyd markii labaad ee la ogolaado in la furo ururada siyaasada taas oo ahayd fursad wayn oo siyaasi kasta oo ay cidhiidhi ku noqotay saddexdii xisbi qaran ee hore, loo suurto-galiyey in la furo ururada siyaasiga ah, oo ka mid ahaa waxyaabihii Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Soomaaliland iyo Xisbigiisa Kulmiye uu ku olole galay, kuna kasbaday taageerada siyaasiyiintii ciilanaa ruug cadaagana ahaa ee Dr. Gabose iyo Eng. Maxamed Xaashi oo ka dhabaynta mabda’oogaa naf iyo maalba u hurey ka midho dhalinta hamigooda siyaasadeed una soo xabsi galay. Furitaanka ururadu ma ahayn arin sahlan, waxa ay ahayd mid ka mid ah go’aanada geesinimada leh ee uu ku dhiraday Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland Mudane: Dr. Ahmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ka mid noqon doonta go’aanada taariikhda galay, ee ruug cadaaga dalka hogaamiya Ilaahey kheyr badan ha siiyee khaatumada kheyr ha ugu khatimee;

Doorashadan oo lahayd intaa oo guulood iyo qaar kale oo ka farabadaniba, guulna ku soo dhamaatay si guul iyo gobonimoba leh ayaa waxa cadawgeenii ciilku noolka ahaa rabaa in uu xajiin nafla caadifnimo leh doonayaa in uu ku kala dhantaalo, isaga oo soo dhex marinaya saxaafadeena qalin-duuraha iyo qaadaa ma dharguhu qoro ee curdinimada ka sakow aan caqliga badan wadan;

Sidoo kale waxa ay doorashadani ahayd tii ugu hadal heynta badneyd inta la ogyahey, taas oo ay sabab u ahaayeen mujaahidiinta qalinka dalka ku difaaca ee ka hawl-gala saxaafada inta damiirka iyo danta guud ka dooratay dadnimadooda iyo dawlad jacaylkooda oo ilaa caawadan aan ka seexan in ay warka saxda ah gudbiyaan;

Sideedaba saxaafada waxaa la yidhaa waa midi laba-af leh, marna way ku dumisaa, marna way ku dayacdaa, marna way kaa diir-naxdaa marna way kuu dudaa, wax kale kuuguma sheegi karee “waa macaan iyo qadhaadh” meel ku wada yaala ee uu Abwaankii dareenka fogaa ee Qaasim Ilaahay naxariistii Jano ha siiyee, saxaafadu hadii ay sidaas tahay waata kaliya oo dhismaha dalka, horumarka, ictiraafka, wanaaga dadnimo, horumarinta diinta, kor u qaadida hankeena, korinta afkeena, iibinta suncad wanaageena, bandhiga dhaqan suubanaanteena, hadii aynu rabno waa in aynu marka hore garanaa in saxaafada aynu gashano maal iyo maskax waxa aynu hayno oo dhismo mid aan ina dumin, ee ina dhista, mid aan inala dagaalamin ee inoo damqata, mid aan ina duleyn ee ina dadaysa, mid aan ina iibsan ee ina iibgeysa, mid aan….mid aan mid aan……………. Dadka hankooda hadii la dhiso, hadii aqoontooda la daryeelo, hadii damiirkooda la dhiso, hadii dantooda la dhiso, way kuu damqan, waanay daryeeli danaha umadani, saxaafad aan lahayn wax duxi, iyana dulinimo uun bay korodhsadaan dadkoodana way dilaan iyana dayac uun baa u danbeyn dunidana ka heli cid u danqata, inana dayn uun bay inagu ahaan waligeen inta aan dunida guudkeeda ku nool nahayna cid ina danaysa ka heli mayno.

Yaanan ku sii dheeraane hadeynaan helin saxaafad xor ah oo wacyi qabta, oo waayeel ah, oo wacyi-gashan oo wadaniya waa wadkeenaa galay Ilaah kama dhigee. Saxaafadu maaha uun tan qoran, maaha uun tan mareegahaha ku jirta, maaha uun tan xafiisyada leh, saxaafada qof kastaa isagaa saxafiya mar wal oo aad qof la kulantana xog baad siisaa midna waad ka qaadataa, warna waxa ugu muhiimsan kan nabada ka shaqaynaya, Ilaahay wax kasta qoray markii uu diinteena ka dhigay “Islaam” markii kulankeena ugu horeeya noqday “Asalaamu Calaykum” dhaqankeenaa hidaha sanina gartay in aynu isku salaano “Ma Barideen” ama ma “Nabad baa” nin kasta oo warka uu sheegaa fidno dhaliyo, qof bani’aadan waxyeelo ka soo gaadho ama fidno dhaliyana diinteenu waxa ay ka tidhi culumadeena Ilaahay inoo direy ee meel walba quraanka, digriga, iyo Alle caabudida ayaa habeen iyo maalinba inoo sheegoo qof aan ogayni ma jiraan u malayn dhaqankeenuna waa ka maammaah duuga inooga dhigay “Si Xun Wax U Sheeg Sixiroole Ka Daran” waana kii Abwaankii Afmaalka lahaa “Afku Wuxu La Xoog Yahey Magliga Xawda Kaa Jara” hada iyana waxa jirta “Af baa Bilaawe Baajiya” qalinkaa kolba meel ila jiidhayee wax yar dhagaha I haneee.

Saxaafadu waxa ay qoraso waxaa wanaagsan in uu ahaado mid sugan, sax ah, isla markaana dhexdhexaada waxa ayaan daro ah in nin saxafi sheeganaya waliba jooga qurbaha oo ogsoon in saxaafadu tahey muraayada laga dheehdo ama daawado wadanka sheeganaya muwaadin dalka u dhashay in uu qoro war uu ka soo xigtay ilwareed aynu cadaw nahay.

waxan joogaa Hargeysada Magaalada Hargeysi waxa ay ka kooban tahey ninkii yaqaan baa yaqaanee waa shan degmo oo kala ah gacanlibaax, 26june, Ibraahin koodbuur, Ahmed Dhagax, iyo Maxamed Heybe waxa ay shaqaaqo koobani ka dhacday Axmad dhagax qayb ka mid ah Maxamed Mooge affarta degmo ee kale dhamaantood waxa ka socda dabaal-deg farxad, niyad wanaag iyo is hanbalyeyn, kii dhacay iyo kii soo baxayba waa guuleysteen waayo qofka soo baxay waxa uu ku soo baxay kan hadhay codkiisii boqolkiiba  95% waa dadka magaaladu waa damaashaadasaa xaafad magaalada ka mid ah baa dad maato iyo caruur ahi shiid iyo rabshad ka bilaabeen waana xamaasad  kooba oo ay keento xumada doorashadu, waxaa waajib ku ah qofka saxafiga ahi inta aanu  qorin warka in uu  horta magaalada waxa ka socda hubsataan, xaafadaa ka mid ah magaalada waayeelkoodii, wax-garadkoodii, aqoon-yahan koodii, siyaasigoodii, iyo dhalinyartoodii wadaniga ahayd baa u caqli celin doona dhalinyartaa wadaniyiinta ah ee qiiro dhaqaaqay.

Dadka daga xaafadaa magaalada shaqaaqadu ka dhacday waa dad muwaadiniin ah waadaniya jacayl ku suntan oo Soomaaliland kaga jira baal dahab ah, hogaan u ahaa halgankii hubeysnaa ee dalka lagaga xoreeyay nidaamkii daaquudka ahaa ee Siyaad Bare, hubka dhigistii dalka horseed u ahaa, maaha dad lagu yaqaan wadan dumin, aqoonyakoodii culimadoodii, waayeelkoodii, mashaa’iikhdoodii kulama socdaan markaa qoladiinan saxaafada ahi ha  hubsadeyn waxad ay qorayaan. Soomaaliland ka tagtey meel ay hoos uga soo noqoto, ka kortay dagaal, nidaamka ay suurto-galsay waa mid mucjiso ah, bari bay dhici in ay gacanta intoo sidii lagu yaqaaney ay isqabsadaan ay isku hanbalyeeyaan.

Cadawgeena aynaan u hiilin, yeynaan dhantaalin dhagax-tuurkii dhalinyada dhiirani kala hortagay kaaraha, yeynaan dhag-xumo u soo jeedin dhaxalka ubadkeena.

Miyaynaan ahayn dadkii quwadii iyo cududii cadaawaha ahaa ee ciidan, cudud, intuu sheegtay kala hortagay dhagaxa ee kaga guuleystay? Miyaynaan ahayn dadkii iyada oon shilin dibada uga imaan, hal doolar aanu donor siin, shirarka ilaa maanta laga yaaban yahey suurto-galiyey? Miyeynaan aheyn dadkii dalkoodii oo la dumiyey ku dhistay wax ka yar sanad? miyeynaan ahayn dadkii doorasho madaxtooyo 81 cod intoo  lagu kala guuleystay iskugu hanbalyeeyyay? Miyaynaan ahayn dalkii xisbigii talada hayay uu ka guuleystay mucaaridkii ee Madaxweynihii talada hayay u hanbalyeeyay ninkii ka guuleystay?

Walaalayaal intiina wax qortay, intiina saxaafada ku jirtay, intiina dalkan u damqanasaa ka dhiidhiya warka qaldan ee cadawgu ku doonayo in uu ku qariyo been raqiis ah iyo buub-buunin bariba ay beeneyn doonaan walaalaheena Axmad Dhagax dagani

Wixii tabasho qaba een ku qancin natiijada soo baxday waxa aynu leenahay dariiq qofka cabanayaa ku cawdo, garsoor ka madax banaan dawlada, axsaabta, ururada, xildhibaanada, dawlada, madax-weynaha dalka, ninkii wax baa iga qaldan lihi dariiqeeda ha maro, ninka siyaasiga ah ee maanta heli waayayna yaanu ku muusanaabin maatida, yaanu durbaanada jinka tumin, yaanu dar-jiidhin, ee doodiisa andaco iyo dacwigiisa ha u maro wadada sharciga ah.

Shacabka wadaniga ahaw, ninba kuu doonayay dooray, hadii uu soo bixi waayo nabada ayaanu inaga ciyaarin, xaqna inooguma laha adoo u codeeyay hadii uu dadaalkiisu doorkan soo saari waayay intii dagaal u galno, dalkeena, nabadgalyadeena, dawladeena ayaa cid kasta ka qaalisan ee taa aynu ogaano.

Aan ku soo gunaanado maqaalkan kooban kuna soo afjaro Shahiidkii Maxkax Maalka ahaa, Wadanigii dhiirashada badnaa, ee Ahmed Muxumed Warsame “Jiiniyas” iyo laba weedhood oo ka mid ah Gabaygiisii Dhayalsi: “beeshayaduna dhaantada dhaqan bay u leedee Allow aanu soo dhicin nin kaloo dhabqinayaa” ilaahay inagama dhabciyo nolosheena wadankeena iraadadeena iyo doonisteena. Aan u duceyno awliyadii ina dhashay.

Ilaahay ha u naxariisto inta shaqaaqadaa kooban ku dhimatey, geeridu  waa xaq, noolana waa dhinte, ajashoodaana gashay ee Ilaahay samir iyo Iimaan ka ha siiyo dadkooda iyo dalkaba, inta wax ku noqotayna , iyo inta ay saameysayba waxan hubaa in ay caawaba dhamaanaso Soomaaliland sidii caadada u aheyd ee mar kale gacmaha is qabsan doonto, isku hanbalyeyn doonto……….

Dhooo, Dhagax,

Wabilaahi tawfiiq……………

Read full story >>

7
views
WidhWidh ─ Jaaliyadaha ka soo jeeda maamulka khaatumo adwal iyo maakhir ayaa si wayn u xusay maalinta nadaafada ee ay samaysteen walaalahooda reer khaatumo waxaan saaka aroortii ay soo qaateen mafiiqyada dhulka lagu xaaqo. Riix Halkan Oo Daawo Muqaalka kadib waxaa ay bilaabeen xaaqitaan ay xaaqayaan qaybo ka mid ah xaafadaha islii oo iyagu horay ay u nadaafin jireen dawlada hoose ayaa saaka waxaa ka nasiyaya jaaliyada khaatumo iyo dadka kale ee ...
3 hours, 9 minutes ago
7
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad xariga looga jarayey dayactir lagu sameeyey xarunta maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmadaas,waxaana ka qaybgalay munaasabada lagu daah furayey dayactirka lagu sameeeyey xarunta degmada X/jajab qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada,maamulka degmadaas iyo maamulka gobolka Banaadir. Gudoomiyaha degmada X/jajab Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin dib u dayactirka casriga ah ee lagu sameeyey xarunta maamulka degmada ...
3 hours, 10 minutes ago
10
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN)Wasiirada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Cadaalada ayaa kala qayb galay Shacabka Ku Nool Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd Xuska Munaasibada 18 May ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan Waxaa kale oo ka qayb galay Xidhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada,iyo Golaha Deegaanka ee Balli Gubadle iyo Caasimada Hargaysa, Salaadiin iyo dadweyne Tiro badan. Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan iyo Maayarka Magaalada ...
3 hours, 10 minutes ago
6
views
Qurbe Joog ─ Borama 18.May (SDN) Tenth of thousands gathered independence square center of Borama celebrate excitedly for independence day of 18 May, students of universities, secondary schools National army ,and community sectors , young all woman and children come to gather side by side for one purpose in order to celebrate the independence of 18 May of 2013 which concedes 22nd anniversary of Somaliland , The ministries of industry, animal husbandry, agriculture, ...
3 hours, 10 minutes ago
8
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 18 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu furayay Mashaariic dowlada Turkigu ka fulineyso Soomaaliya aya soo hadal qaaday Somaliland oo maata u dabaal dageysa 22-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kalae. Madaxweynha Soomaaliya ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda umada ayna tahay in meel la iska dhigao waxyaabihii la soo dhaafay lagana ...
3 hours, 10 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ Burco 18.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland oo ka mid ahaa Xubnihii Golaha Wasiirada ee Shacabka Magaalada Burco kala qayb galay Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay Gooni isu taaga Madax banaanida Somaliland ayaa u soo Jeediyay Bulshada ku Nool Magaaladaas inay Adkeeyaan Qaranimada Somaliland . Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxa uu u mahadnaqay Ciidamada Amaanka ee Sugida Amaanka Wadanka Ku hawlan,Waxaanu Xusay ...
3 hours, 10 minutes ago
15
views
Puntlandi ─ Guddigii kalsooni dhisida IGAD ayaa maanta soo gaadhay magaalada Kismaayo. Guddiga markii ay yimaadeen magaalada Kismaayo waxay halkaas kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, ka dibna waxaa loo gudbiyay goobtii shirweynaha ee Jaamacada Kismaayo iyagoo halkaa kulumo kala gooni gooni la yeeshay salaadiinta, saxiixayaasha qorshaha maamul usmaeynta Jubbaland iyo ergadii dooratay madaweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoowe. Odayaashii dhaqanka ayaa waxaa la weydiidyay siday u arkaan maamulka Jubaland iyadoo gudidu qoranayeen ...
3 hours, 10 minutes ago
5
views
Puntland News 24 ─ Waxaa magaalada Qardho laga furay Hoteel Embeeyey oo si weyn ugu duwan hoteelada ku yaalo Puntland.Xafladii [...]
3 hours, 10 minutes ago
1
views
Lughaya ─               Stocholm(LUGHAYA.COM) Mujaahidka weyn Ee C/raxamaan Aw Cali Faarax ayaa Tahniyad Hambalyo Ah u diray shacabka somaliland iyo madaxda dalka kana waramay Taariikhda ay soo martay somaliland.
3 hours, 10 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Ilo wareedyo wargeysyada Talyaaniga ay qorayaan dhaawanahaan ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay xiiseyneyso in ay la soo hishiiyaan weeraryahanka Man City ee Carlos Tevez. Xiddigaan oo sidoo kale magaciisa lala xariirinayay kooxda Monaco oo dhawaan heerka koowaad ee faransiiska timid laba sano ka dib ayuu wargeyska La Gazeta del sport sheegayaa in laacibka uu [...]
3 hours, 10 minutes ago