28
views

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo ka jawaabay Hadal ka so yeeray Gudomiyaha Gobolka M.ee Puntland(Warbixin)

 

GALKACYO/HOBYONET)Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug  Aweys  Cali Siciid ayaa  Shir Jaraa,id ku Qabtay Xafiiskiisa wuxuuna sheegay in ay masuuliyinta Puntland joojiyan  hadlada Colaada hurin kara oo Saxaafada ay ka sheegayan.

Aweys Cali Siciid Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka ayaa Mar uu ka hadlayay edeyn ay masuuliyinta puntland u jeediyen Galmudug oo ahayd in Dhinaca Galmudug looga Soo tuuray Madaafic  ayuu ku Jawaabay mahayn Madaafic balse waa Rasaas habow oo laga yaabo in ay gaartay xaafadaha waqooyi Maadama Maanta Ciidamada Galmudug ay Duleedka Magaalada Galkacyo ka sameeyen Howlgalo ay ku Sifaynayeen Kooxo uu Burcad ku tilmaamay oo ay Ciidamada daraawishta iyo Buliiska Galmudug ku Baacsanayeen kooxahaas taasna ay tahay wax mar kasta ka dhaca laba dhinac ee Magaalada xiliyada ay Jiraan Howlgalada  aysanan jirin wax Madaafic ah oo Puntland lagu riday Gudoomiya Kuxigeenka ayaa Intaa ku daray  in Masuuliyinta Puntland ay abuurayan Colaad Sidaa darteedna aan Xiligan Shacabka Gobolku u Baahnayn Fowdo waa in ay Raali galin buuxda Ka bixiyaan Masuuliyintii Maanta Saxaafada Ka hadashay waxyaabaha amaan darada ku keeni kara Maamulada Dariska ama Shacabka  waa Sida uu yiri Uways Cali Siciid gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug

 

  Hadalka ka soo yeeray gudoomiye kuxigeenka Gobolka M.Galmudug ayaa Imaanaya kadib kolkoo ay si wada jira shir jaraa,id u qabteen Godoomiyaha Gobolka Mudug  ee maamulka Puntland  Max’ed Yusuf Tigey iyo  Taliya kuxigeenka Ciidanka Buliiska Puntland Muxyadiin Axmed muuse oo ay kaga hadlen in ay Galmudug wado Gardaro cad isla Markaana ay madaafic ku garaacen  Xaafado dad rayid ah Dagayihiin Puntlana aysan u dulqaadanayn .

Hadalada ay saxaafasa isku Marinayaan Masuuliyinta Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayan Ahayn kuwa Farxad galin kara Dhagaca Shacabka  inkastoo Maamulka Galmudug uu Si cad u Sheegay Sababta Keentay in rasaas gaarto Xaafado ka tirsan Waqooyiga Galkacyo.

 

Hoyga Wararka Galmudug iyo Caalamka  Hobyonet.com

Tifatiraha Guud ee Www.Hobyonet.com

Cali Maalin Nur

Nagala Soo Xiriira Wixii Warar iyo Talo ah 

Cmaalin17@gmail.com

Tell:25290647333

Read full story >>

4
views
Awdal Press ─ Daawo: Munaasabada 18 May ee ka dhacday Fagaaraha banaanbaxyada ee Boorama hoos ka daawo.
6 hours, 59 minutes ago
13
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 18 May 2013: Madaxweyne Xasan waa uu sii hadalay waxa uuna tilmaamay dadka ku nool gobolada Jubbooyinka in ay yihiin dad nabadeed sidaasi darteedna aan loo baahneyn in colaad la galiyo, isaga oo sheegay in wali ay jirto fursad xal looga gaari karo arimha cakiran ee Jubbooyinka . Madaxweynha oo soo hadal qaaday arimaha gobolada waqooyi ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin ...
7 hours, 57 minutes ago
7
views
Somaliland Org ─ Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo garnaqsi ugu filan Somaliland. Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay ...
7 hours, 57 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Spain-May-18-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu manta ku iclaamineynaa ciyaartii xalay dhexmartey Real Madrid iyo Atletico Madrid. Ciyaartan oo ahayd final ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne iyo taageerayaasha labada dhinac oo kor u dhaafey 70,000. Haddaba koobkan oo aad qiimo uga leh dalka Spain ayaa lagu magacaabaa Copa Del Ray,Akhyaartay ciyaartan oo runtii aad loo wada sugayey ayaa wakhtigeedii bilaabantey ,waxaana daqiiqadii 14-aad goal aad u qurux badan Real Madrid madaxa ...
7 hours, 57 minutes ago
8
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii ...
7 hours, 57 minutes ago
10
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka Soomaaliya [...]
7 hours, 58 minutes ago
4
views
Marka Cadey Net ─ Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay goor dhaw oo caawa ah, ay Magaalada Muqdisho ku qaarajiyeen nin dhalinyaro ah, oo aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay inay dilaan. Xilli ninkaan dhalinyarada ah uu ka soo kacay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala agagaaraha Shirkadda Nation Link ee Degmada Warta Nabadda, ayaa waxaa soo weeraray [...]
7 hours, 58 minutes ago
5
views
Mareeg ─ 18/05/2013
7 hours, 58 minutes ago
13
views
Horufadhi ─ Siyaasiga weyn ee Hilowlle Aadan oo kasoojeeda Gedo, kana mid ah dadkii u tartamayey madaxtinimada dawladda Jubbaland , wuxuuna sheegay in afka Xasan CUlusow uusan ahayn mid qaranimo ee uu yahay mid qabiilnimo. HALKAN KA DHAGAYSO. Horufadhi.com@gmail.com
7 hours, 58 minutes ago
27
views
Horufadhi ─ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb galay Munaasibad balaaran oo lagu furayay Mashaariic ay dowladda Turkigu ka fulisay Magaalada Muqdisho, Ayaa intaa kadib ka hadlay arimo kala duwan waxa uuna ugu horayn madaxweynuhu ka hadalay arimha Jubbooyinka Sidoo Kale Waxaa uu kahadlay arimaha gobolada waqooyi Galbeed ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la [...]
7 hours, 58 minutes ago