56
views
views
Digniin: Camerooyin Qarsoodi ah oo Lagu Xiray Misaajidka Al-Hidaya Nairobi.
Iyadoo hadalo iyo ficilo horey uga soo fulay jamaacada ictisaam aysan
muslimiinta raali galin ayaa hadana waxa isa soo taraya kashifaado badan ku
imaanaayey ururkaas cadaystay ladagaalanka diinta iyo sunnada islaamka.
Waayadan dambe dalka Kenya waxaa ka jiray arimo aysan muslimiintu ku
qanacsanayn ayna ka muujiyeen caro iyadoo caradaas loosaarayo masuuliyiin
iyo culimo sheegtay inay umadaan ilaalinayaan sababtaasna ay ugaleen
baarlamaanka iyo golaha wasiirada, culimada ictisaam ayaa sheegta in
sababta ay baarlamaanka kenya ugu darsadeen ergooyinka ay tahay inay ku
ilaalinayaan danaha islaamka iyo danaha umada soomaaliyeed ee ku dhaqan
dhulkaas.
Sheegashada iyo masuuliyada ay ictisaam dusha iska saareen kadib waxaa
seefta loola baxay muslimiinta Kenya iyadoo lagula kacay tacadiyo fara
badan oo ay ugu dambeysay labadii ficil ee ka kala dhacay Gaarisa iyo
Islii. culimada ictisaam ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan tacadiyadaas oo
lagu sheegay inaysan waligeed soomarin umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dhulkaas.
Waxaa go'ay nafaf waxaana baaba'ay aduun, maal iyo xoolo waxaa kufsi iyo
xarig la isugu daray soomaali fara badan oo ku dhaqan dhulkaas, ilaa iminka
majiro kalmad kasoo yeertay ictisaam oo ku cambaaraynayaan ficiladaas
waxaana kaliya oo laga hayaa in dadkii lagu xasuuqay gaarisa inay
samairsiiyeen oo ay usheegeen arinta ku dhacay inay ahayd qadar uqornayd.
Waxay dadku ogaayeen in culimadaas ay si caro ku dheehantahay uga jawaabeen
filic lagula kacay kiristan ku jiray kaniisad magaalada gaarisa culimada
ayaa salaadaha jimacada ku mashquulay inay radiyaan ficilkaas iyagoo oohin
ku daray waxayna sheegeen inaysan banaanayn in qofka binu aadamka dhiigiisa
ladaadiyo xaalad kasta.
Hadaba waxaa isa soo tarayey sanadaadan dambe in inbadan oo muslimiinta ah
ay uga shakisanaayeen raggan inay lashaqeeyaan jawaasiista Reer Galbeedka
iyo inay ufuliyaan danahooda qori dhigista ah, waxaana kasoo baxayey
cadaymo badan oo arintaas lagu arkay.
Misaajidka Al-hidaya waa mid kamid ah misaajida ay maamulaan ictisaamku,
misaajidkaan ayaa si gaara waxaa gacanta kuhaya Shible, misaajidkaas oo ay
dhiseen muslimiintu intii la isku jiray ee aan lakala bixin ee umadu aysan
ogaan dhagarta ictisaam ayaa waxaa maalmahan ka socday hawl ay dadwaynuhu
layaabeen oo ah in misaajidka gabi ahaantiisa gudo iyo banaan lagu xiray
Camerooyin qarsoodi ah kuwaas oo hadafkoodu yahay jaajuusida umadda
islaamka ah ee ku tukunaysa misaajidka.
Cameriyoonkaan qaroosdiaga ah ee loo yaqaan CCTV ga, kuwaas oo loogu tala
galay Bangiyada iyo goobaha kale sida Hotelada ayaa ujeedka loogu tala
galay ay tahay in lagula socdo amaanka iyo dhaqdhaqaaqa.
Camerooyinkas ayaan loogu tala galin in lagu jaajuuso adoomada ilaahay ee
uyimi misaajida inay ku cibaadaystaan iyadoo aysan jirin baqdin laga qabo
misaajida oo ah in wax lagaarsiiyo, dadwaynaha ku tukada misaajidka ayaa
layaabanaa maalamahan fiilooyinka dheeraadka ah ee lagu xirayo misaajidka
iyadoo markii hore lagu diyaarinayey fiilooyinka qaadi lahaa muuqaalada,
shalay ilaa maanta oo jimce ah ayaa waxaa si toos ah loogu xiray cameradii
dadka jaajuusi lahayd.
Cameridaan ayaa ka qaadaysa muuqaalo iyo sawiro dadka ku tukunaya
misaajidkaas waxay ugudbinaysaa xarumaha iyo laamaha sirdoonka dalka kenya
iyadoo ay suurta gal tahay inayba kasii qaataan CIA da Maraykanka.
Dad badan oo muslimiinta ku tukada misaajidka ayaa markay ogaadeen arintaas
ka wareegay misaajidka iyagoo usalaad doontay misaajidka kale ee ku yaal
xaafadda.
Cameridaan ayaa lagu xiray Conner kasta oo ka mid ah misaajidka iyadoo
misaajidku uu ka koobanyahay 3 dabaq, dhamaan dabaqdyadaasna lagu xiray
cameradaas.
Filicadaan foosha xun ayaa laga yaqaan dalka sacuudiga iyadoo ay sababtay
in inbadan oo muslimiinta ah laga kaxaysto misaajidka iyagoo salaad
tukanaya ama kadib markay ka baxaan.
Sidoo kale howsha camerooyinkaan ayaa ah in ducaada iyo culimada doonaysa
inay ka hadlaan misaajidka loogala soconayaa oo hadii lagu ogaado inuu
galay mawduuc difaacaya umaddan dhiigeeda iyo sharafkeeda laga baxayo
isagoon dhamaystiran hadalkiisa.
Hadaanu warbaahinta islaamiga ah nahay waxaan umadda uga digaynaa dhibta ay
ukeeni karto Cameridaas lagu qariyay darbiyada misaajidkaas iyadoo
wajiyadooda iyo ficiladooda laga daawanayo meelo kale.
W/D: Abu Sayaaf.Up coming
7
views
views
Mareeg ─ 19/05/2013
2
views
views
Mareeg ─ 19/05/2013
4
views
views
Laacib Net ─ Kooxda hanatay horyaalka Ingariiska ee Manchester United ayaa si lama filaan ah waxa ay taako kala kulantay kooxda West Brom kulankii ugu danbeeyay ee tababare Ferguson iyagoo ku kala baxay barbaro 5-5 ah ciyaar xiiso leh oo marti loo ahaa West Brom iyadoo Romelu Lukaku uu dhaliyay seddexleey. Daqiiqadii 6aad ayayna Man United bilowday goolasheeda [...]
4
views
views
Laacib Net ─ Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisatay booska seddexaad ee kala sareynta horyaalka islamarkaana si toos ah u aadi doonta Champions League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii kulankii ugu danbeysay ee horyaalka xilli ciyaareedkan ay 2-1 ugu awood sheegteen Everton oo marti ku aheyd Stamford Bridge. Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Chelsea iyadoo Demba [...]
4
views
views
Horufadhi ─ Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay shiikh cabdirisaaq shiikh cismaan waxaan uu ku furay aayadaha qur aanka kariimka ah iyo mucaadaro uu u jeediyay dhalin yarada intaas kadib.   Waxaa lagu soo dhaweeyay saciid xasan xirsi( saciid guray) oo ah xoghayaha ururka khaydo waxaan uu ka warbixiyay ururka iyo qaabkiisa iyo waxyaabaha ay qabteen intii [...]
5
views
views
Horseed Media ─ Marwo Fawsiya ayaa dalka ka maqneyd tan iyo markii ay ka qeybgashay hirkii Caalamiga ah ee ku qabsoomay Magaalada London 7-dii May, kuna saabsanaa Taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Fawsiya Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabatay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in ka qeybgalkeedii shirka London kadib ay ku hakatay Magaalada [...]
8
views
views
VOA Somali ─ Caydaruus Cabdulle Cali-Feer oo ka mid ah 9 qof oo maxkamadda Federaalka ee Gobalka Minnesota ay xukunno kala duwan ku ridday, ayaa VOA uga waramay danbiga lagu helay iyo sanadaha lagu xukumay.
7
views
views
Somali Memo ─ Waxaa la ogaysiinayaa Muslimiinta dagan Gobalka Minnesota in Shir kadhacayo Maantay oo Axad ah Magaalada Minneapolis, shirkaas waxaa looga hadlayaa dhibaatada Sirdoonka Maraykanka (FBI) ay ku hayaan Muslimiinta iyo sida xuquuqda ay ku leeyihiin Maraykanka loogu tunto. Shirkaan waxaa lagu difaacayaa Muslimiinta Maraykanka dagan gaar ahaan kuwo dagan Gobalka Minnesota, waxaana si gaara loo sheegay Shacabka Soomaaliyeed in lagu difaaci doono. Dhawaan ayey ahayd Boqolaal Shacabka Soomaaliyeed ah markii ay ...
17
views
views
Somali Memo ─ Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay qeybtii 2-aad ee isdaar maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dagaaladii malxamadda ahaa ee ciidanka muslimiinta Jubbada Hoose kula galeen cadawga Kenya ee dalka kusoo duulay. Muntadayaatka Jihaadiga ah ee caalamka islaamka lahadla ayaa lagu baahiyay Filimka maqalka iyo muuqaalka ah oo diiradda lagu saarayo dagaal ay bilo ka hor ciidanka muslimiintu ka galeen deegaanka Dhoobley ee xad beenaadka dhaca. {youtube}ebndIEUK8yA|500|500|{/youtube} Inta filimku socdo ...
2
views
views
Somali Memo ─ Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khalalaasaha kajira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay gumeysi ku heystaan ciidanka Kenya. Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa waaliga Jubbooyinka oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in waxa kajira Kismaayo ay muujinayaan xumaanta gumeystaha iyo dadnima xumida dabadhilifyada Soomaalida ee cadawga la shaqeysa. Waaliga ayaa sheegay in dagaal oogayaasha iyo maleeshiyaadka Mooryaanta ah ay dhibaata xoogan ku ...