views
War deg deg ah: Gabadh lagu toogtay Galbeedka Magaalada Muqdisho
WAAJIDPRESS – 7 DEC 2012:
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay qof dumar ah ay ku dileen Galbeedka Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana aysan weli dilkaan ka hadlin Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay gabadhaan ku dileen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ka gadaal markii ay gabadhaan ka biyo diiday inay iska furto oo ay ku wareejiso dahab ay xirneyd iyo teleefanka gacanta “Mobile”, oo ay wadatay.
Raggaan oo aan wax badan la doodin gabadhaan ayaa waxay la dhaceen dhawr xabadood oo sababtay inay ugu geeriyootay goobtaasi, iyagoona markiiba ka furtay dahabkii ay xirneyd, sidoo kalana ka qaatay teleefankii gacanta.
Askartaan ayaa waxaa la sheegay inay gudaha u sii galeen Degmada Kaxda, iyadoo aysan markaasi jirin cid ku baxday si’ay gacanta ugu soo dhigaan, bacdamaa ay dambiile-yaal yihiin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maal mahaan ku soo badanaaya dilalka loogu geysanaayo hablaha reer Muqdisho, tiiyoo aysan wax muuqdo ka qabaneyn Dowladda Soomaaliya.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views