49
views

War deg deg ah: Sirdoonka Somaliland iyo Puntland oo sheegay in Diyaaradii Taleex hub waday

SONY DSC

WAAJIDPRESS – 7 DEC 2012:

Qaar ka mida Saraakiisha Sirdoonka Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa tibaaxay in Diyaaradii ka degtay Garoonka Sayid Mohamed ee Magaaladda Taleex ay waday Hub iyo Dawo laga saaray Muqdisho.

Diyaaradda ay la socdeen madax dhaqameed iyo siyaasiyiinta Khaatuma State ayaa muujinaya in Diyaarado ku rarnaayeen kaartoono iyo Sanaadiiq waaweyn oo Jawaano lagu dul tolay.

Sirdoonka Faroole iyo Siilaanyo waxay ku xog warameen in hubka iyo Dawada laga raray Muqdisho ay baaris ku sameeynayaan cidda bixisay laakiin dhinaca kale waxay tilmaameen in Maamulka Khaatuma qorsheeynayo dagaalo uu ku qaado Somaliland.

Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in hubka Diyaarada qaaday ay Saraakiisha Ciidamadda Dowladda ugu deeqeen Khaatuma State,iyagoo si sharciya garoonka uga daabushay.

Maamulka Khaatuma State of Somalia ayaa sagaal bilood diyaar garoow ugu jiray sidii degaanadooda uga saari lahaayeen Ciidamada Somaliland iyo Puntland hasse yeeshee lama oga qorshahooda dagaal xilliga uu ku beegan yahay.

Colaadii 22 sano ka oogneed Koofurta Somalia ayaa hada u guurtay Goboladda Berri iyo Waqooyi iyadoo Somaliland iyo Puntland ay xiisado dagaal hareeyeen maadama loolanka doorashooyinka iyo damaca siyaasiyiinta yahay mid sii kordhahaya .

Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ee ku jabay dagaaladii Koofurta Somalia ayaa fariisimo waaweyn ka sameeystay Somaliland iyo Puntland.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Ciidamadda Bosaso halka daqiiqado gudahoodna qarax lala beegsaday askarta Puntland.

Rabshado ka dhashay musuqmaasuqa gudigga doorashooyinka Somaliland ayaa horseeday in Ciidamadda Boliiska Hargeysa dilaan inta la og yahay afar qof oo rayida halka ay dhaawaceen 17 kale kadib markii ay rasaas huwiyaan dibadbaxayaal taageersan Ururka Xaqsoor kuwaas oo Dumar iyo Caruur badnaa.

Xaalada Hargeysa oo kacsan ayaa Isgaarsiinta Somaliland hawada laga saaray xalay saqdii dhexe ,iyadoo dadka la xasuuqayna dhamaantood ka soo jeedaan Beesha Arab ee Isaaq.

Beesha Arab waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dagaalyahano aan gardarada qaadan waloow inta badan Saami qeybsiga Maamulka Somaliland laga siiyo xilal u dhigma xaqiraad.


Read full story >>

6
views
Awdal Press ─ Daawo: Xasan Sh Maxamuud oo ka hadlaya Somaliland iyo Jubaland…
4 hours, 10 minutes ago
1
views
Awdal Press ─ Awdalpress(Boosaaso) 19 May, 13–Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno kala duwan ku ridey 92 qof oo 81 ka mid ah ay u dhasheen Wadanka Iiraan kuwaas oo si sharcidaro ah uga kalumeysanayay xeebaha Soomaaliya. Dadka ka la xukumay oo 81 ay ahayeen ajaanib u dhalatay dalka Iiraan halka 11 kalane ay ahayeen Soomaali la socotay doomaha ay wataan dadka u dhashay dalka Iiraan ee sida sharcidarada ah uga ...
4 hours, 10 minutes ago
3
views
Awdal Press ─ Awdalpress(Sydney) 19 May 13–Dowlada Australia ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadaneyso hormarka iyo caawinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha Saameynta ku yeeshay. Dowlada Austaralia ayaa Golaha amaanka ee Qaramada u sheegtay inay u istaageyso sidii Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd heykalkeedii dowladnimo iyo nidaamkii iyo kala danbeytii dalka ka jiray. Wargeyska The Australian ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in xukuumada Australia ay u bisishahay ...
4 hours, 10 minutes ago
1
views
Awdal Press ─ Awdalpress(Muqdisho) 19 May, 13–Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta lagu qabtey Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay kasoo qeybgaleen dhamaan kooxaha hoos taga xiriirka,madax ka socota GOS,bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale. Shirweynaha oo lagu dooranayey gudoonka cusub ee Xiriirka kubadda Gacanta ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigey waxqabadkii xiriirkaasi mudadadii 4-ta sano ee lasoo dhaafay,waxaana warbixin ka aqriyey Maxamed Xuurshe Eenow oo ahaa gudoomiyihii xiriirkaasi isla markaana ...
4 hours, 10 minutes ago
4
views
Somaliland Org ─ Faallo: Qalinkii Xassan Cumar Hoorri 18kii May 2013 oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland waxaa si weyn looga xusay dalka gudahiis iyo jaaliyadaha shanta qaaradood. Yididiilada iyo farxadda waxaa Somaaliland la wadaagay inta badan qoomiyadaha Somaaliyeed meel kasta oo ay joogeen iyadoo dawladaha qaarkoodna u soo direen madax ka qayb gasha munaasibadda. Hase ahaatee, waxaa ayaan-daroo weyn ah Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya in uu warbaahinta ...
5 hours, 9 minutes ago
4
views
Puntlandi ─ Halkaan hoose riix si aad u daawatid: Puntlandi
5 hours, 9 minutes ago
4
views
Laacib Net ─ Agaasimaha kooxda PSG Leonardo ayaa xaqiijiyay wararkii xanta ahaa ee sheegayay in tababare Carlo Ancelotti uu doonayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid, inkastoo uu sheegay in kooxda Paris ka dhisan ay dooneyso inuu sii joogo. Warar ka soo baxayay France ayaa sheegayay in tababaraha Talyaaniga uu la kulmay milkiilaha kooxda Nasser Al-Khelaifi, waxaana Leonardo uu [...]
5 hours, 10 minutes ago
8
views
Horufadhi ─ Tanyo halgankii hubaysnaa ee ka jiray Gobolada Khaatumo Waxaa jiray dad Badan oo lafdhabar u ahaa ama hormuud u ahaa horu Marinta Iyo dhiirigalinta shacabka Khaatumo Waxaana Laga Xusikaraa oo Kow ka ah warbaahinta Khaatumo,oo ay ka mid yihiin , idaacado,Wabsetyo Iyo waliba mida Maqal iyo muuqaalka ah, oo ay shakhsiyaad dhalinyaro ah oo fir [...]
5 hours, 10 minutes ago
8
views
Horufadhi ─ Hooyo dhashay Wariye Somalia lagu dilay oo cadaalad dalbatay+Dukuminti Fadeexo Hooyo dhashay Wariye Muqdisho lagu dilay sanadkii hore ayaa Dowladda Federalka Somalia ku eedeeysay Cadaalad daro iyo laaluush qaadasho. Hooyadaan oo lagu magacaabo Khadija Mohamed waxay tilmaamtay inay Laamaha amaanka Dowladda Somalia u gudbisay dacwad ka dhana shaqsiyaadkii dilay Wiilkeeda si cadaalada la horgeeyo hasse [...]
5 hours, 10 minutes ago
5
views
Ciyaaro ─ Carlo Ancelotti ayaa sheegay inuu ka tagayo shaqada Paris St-Germain isla markaana uu xilka kala wareego doono Jose Mourinho kaasoo boorsooyinkiisa ka qaadan doona Real Madrid, sidaasi waxaa ku soo waramay agaasimaha ciyaaraha PSG Leonardo. Mourinho wali isaga ayaa ka taliya Bernabeu laakiin waxaa lala xariirinayaa inuu ku laaban doono Chelsea. “Carlo wuxuu codsaday inuu ka tago PSG isla markaana uu aadayo Real Madrid laakiin waxaan rabnaa inuu joogo,” Leonardo ...
5 hours, 10 minutes ago