47
views

QUULE QUUDHSIGII DIID By: Mataan Maxamuud Cumar

Waxaa layaab leh in marka uu habaansado Libaaxa Somaliland waxay u didaan inta baqdinta ka qabta ka muuqashada masasraxyada ama fagaarayaasha siyaasada uu hadal uga jeediyo shacabka Somaliland.

Hadab maqaalkani wuxuu daaranyahay ama uu jawaab u yahay ninka yidhi Siilaanyo waa kuma? Siilaanyo ninkuu yahay si qaldan ayaad u qortay ee aan ku saxo waxaad maankaaga gelisay nin aanu ahayn oo malo awaal ah sheekhow siday shacabka Soamliland u yaqaanaan ee dhabta ahi waxa weeyaan sidan;
Siilaanyo waa hogaamiyihii ugu cimriga dheerraa hogaanka siyaasada ee Ururkii SNM. Hase yeeshee cimri dhererka wuxuu kaga daray taariikh xumaanta.Waxaa looga bartay furfurka Beelaha walaalaha ah iyo isku dhafashadood oo uu caado u leeyahay kun  raaxaysto isagoo u haysta siyaasada wanaag, dib u raac raadka sooyaalka SNM iyo wuxuu ahaa.

Siilaanyo waa nin aan ka hadhin ninka siyaasada ay isku qabtaan waa in jecel aargoosiga, waa nin cadho caqab daa’in abidkii.
Hadaan sangaabta kaaga soo qabto sannadkan inta Mj ee uu u ciil qabay miciyahiisa dhiiga lehn uu daray;
1.MJ Maxamed Xashi oo ahaa ragii dhidibada u taagay SNM ama ku dhawaaqay
2.MJ C/raxmaan Cabdiqaadir oo gurigiisa lagaga dhawaaqay SNM
3.MJ Abiib Timacad
4. MJ Boobe Yusuf Ducale (magacaabistaydii iyo xilka  qaadistaydii)
5. MJ Xasan Ciise Jaamac hal yayadii ku dhawaaqay SNM
6.MJ Xamarji Xabsigii xaaraanta ahaa ee lagu ceebeeyay
7.MJ Dr.Gaboose oo aynu maanta aragno waxa lagula kacay
8. Boqor Cusmaan (Buur-madow)
9.MJ Cabdiraxmaan Aw Cali (Laba-Tole)
10.MJ Ibraahim Dhegaweyne
Waa ragii uu bahalka hoose qaniinay

Jamaalow Dr.Gaboose sharci iyo xeer ayay wada galeen Siilaanyo kursiga i saar anigun xisbiga ayaan kuu furayaa waxa raga isku ogyahay ma xuma runtii wuu fuliya Siilaanyo kursigii ,adiguse waxad u argtaa waxtar loo galay DR Gaboose.
Marxaladaha tlaabo talaabo ul soco. Waxaynu la wada socnaa qaylo dhaanta dalkeenii ka taagan maanta dhamaan beelaha Somaliland cabshada ka soo yeedhaysa ee aanu dheg jalaq u siin madaxweynuhu kum koobna Dr Gaboose ee taas ogow haweenka dhalinyarada iyo cuqaasha  baaqayada sii jeedinya dhegahaagu ha maqaleen tan Dr, Gaboose ayaad ka damqatay malaha.
Taariikh xumaanta uu la galbaday Siilaanyo ee buug sooyaalka loogu dhegay ka damqo.Waa laga helay doorshadii hore 80 cod ayuu ku waayay sidaad sheegtay laakiin waxaa u quusgooyay nin aanu gedo, siyaasada, iyo aqoon la sinayn waa Daahir Riyaalle
Siilaayo wuxuu ku ololeeyay waa Mj tola’ay isaaqow waad i gumayseen magac ISAAQ miyaanu ahayn kii aynu ku jebinay dowladii Afrika ugu xooga weyned ee Siyaad Barre,miyay tahay in hoos loo dhigo oo reer keliya ama Beesha Gadabuursi aynu isku ISAAQSANO waa magac xumada iyo Taariikh xumida uu Siilaayo geystay
Aaan kuu soo koobo hadalka ee ila Akhrista heestan; waa Eraydii Abwaan Hadwaari, codkii Ilaahay h au nasariistee Muuse Ismaciil Qalinle

Hal la qayal;
Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalaalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
Laba waliba qaybteed
Qoraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qalalykee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa dambeeyee
Weli qaba hamuumtee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaayee

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii

Qarandidu Libaaxay
Ku qadhaabtaayoo
Soo qabo tidhaahdaa
Qaankiyo biciidkoo
Qaybtana shanlabay
Qoondeysataayoo
Isagnaa qorshaha guud
Qanjidhkiyo xumaystay
Ha qawadeni tidhaahdaa
Hadba qaran jabkiisiyo
Qiirada xasuustuu
Kolba dibin qaniinaa

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qabyo waa halkeedii

Weligay cad quudheed
Anna qaadan maayoo
Qalanjadan faraa dheer
Wax la qaybsan maayee
Bal inay qabuuruhu
Saddex-qayd ka maarmaan

Ama qoor-tal jeexaan
Lbadaas mid quudhaan
Xilka qaawan saaraan
Hadba qaylo-doon baa
Ka horow qiyaamaha
Ku qulaaminn maydkee
Aan qoofalaadee
Qarqarsiga ha iga furin.

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigay
Faras qaayihiisii
Qurx buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedi.

Mataan Maxamuud Cumar
Af- hayeenka Ururka Umadda
Sheffield

—————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

Read full story >>

11
views
Raxanreeb ─   Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladii kumeelgaarka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhexgalay hogaamiyaasha alshabaab uu fursad muhim ah u yahay dowladda Soomaaliy,wuxuuna ka codsaday madaxda dalka iney ka faa’iideystaan fursadaasi qaaliga ah sida uu tilmaamay. C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka ka dhexjira uu yahay fursadii ugu wanaagsaneed ee suurta galka ka dhigeysa in alshabaab laga cirib tiro gayiga ...
3 hours, 9 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Jowhar May 20 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan in Tuulo u dhaw Jowhar ay xalay gubatay. Tuulada gubatay oo lagu Magacaabo Mayuungaale ayaa duleedka Bari ka xigta Magaalada Jowrhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana dabkii xalay ka kacay Tulaadaasi uu qasaaro xoog leh u geystay hanti badan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabka laqabad siiyay Tuulada uu ku ...
3 hours, 9 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 20 2013 (SDN)— Xalay ayaa dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray tiro madaafiic kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlyay qeybo kamid ah degmooyinka gobolkan Banaadir. Madaafiicda lagu garaacay dhismaha Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa hoobiyayaal aan la garaneyn halka sida rasmiga ah looga soo tuuray laakiin waxaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayeen ilaa iyo 7-madfac. Dad ku sugan degmad Wardhiigley oo ay Madaxtoyada Villa ...
3 hours, 9 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Midiguri May 20 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Nigeria ayaa waxa ay hareereeyeen saldhigyo ay kooxda Boko Xaram ku leedahay Magaalada ay ku badan yihiin ee Midiguri oo ku taalla Waqooyi-Bari dalka Nigeria. Afhayeenka Ciidamada howlgaladda kawada Waqooyi-Bari Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahanada Booko Xaram ay kala firxanayaan islamarkaana ay gacanta ku dhigeen qeybo badan oo ka tirsan saldhigyadii ay ku lahaayeen Magaalada Midiguri. Gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria ...
3 hours, 9 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Johannesburg May 20,2013(SDN)-Meherado ku yaal dalka Konfur Afrika oo Soomaali leedahay ayaa dad Burcad ahi ay dhac u geysteen,ma cada khasaaraha dhabta ah ee uu falkaasi sababay. Sidoo kale waxaan cadeyn tirade meheradaha la dhacay iyo in ay jiraan khasaare soo gaaray milkiileyaasha.
3 hours, 9 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ Kismaayo May 20, 2013(SDN)-Sarkaalka dhanka gobolada Jubooyinka ugu qaabilsan Xarakada Al-shabaab Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay waqti uu la hadlaayay warbaahinta afka Shabaabka ku hadashay in haatan Kismaayo ay dagaal fooda u saran tahay. Waxa uu sarkaalkaasi uu muujiyay sida haatan kismaayo ay u yeelatay 5-ta madaxweyne ay suurta gal ay tahay in dagaal uu ka dhaco magaaladasi. Magaalada Kismaayo oo ah maagala xebeed ayaa waxa kuwada sugan 5-madaxweyne oo ...
3 hours, 9 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Muqdosho May 20, 2013(SDN)-Agaasimaha hay,ada nabad sugida Bashir Maxamed Salad ayaa sheegay in shacabka Somalia looga bahan yahay in ay taageeraan nabad kusoo dabaalida wadanka Somalia. Waqti uu la hadlaayay warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in hay,ada aan laga been abuurin kadib wixii ka daneyay wararkii lagu sheegay in nabad sugida ay is hor istaag ku sameeysay xilibaano ku kulan sanaa mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho. Waxa uu ...
3 hours, 9 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Nairobi May 20, 2013(SDN)-Saraakisha booliska wadanka Kenya ayaa sheegay in toogasho ay ku dileen labo qof oo mid ay aheyd ruux haweynee ah oo la sheegay in ay ka danbeyen weeraro qaraxyo bambaano ah oo ka dhacay wadankaasi Kenya. Booliska ayaa shegay in weerarka labadasi qof lagu doon donayay ay soo bilaabmatay maalinti sabtiada ayna suurta gashay maalinti axada in toogasho lagu dilo iyagoo isku dayay in ay dagalaman. Ogastin ...
3 hours, 9 minutes ago
7
views
Marka Cadey Net ─ Arin cajiib ah ayaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Seatle ee dalka Mareeykanka ee ay ku noolyihiin Soomaali Fara badan. Dadka Soomaalida ah ee degan magaaladaasi lama mid ah magaalooyinka kale kale oo inta badan lagu mashquulo heesaha iyo barnaamijyo la qabto gebagabada todabaadyada iyo sanadyada cusub oo lagu casuumo fannaanin. Lakiin waxaa dhacday [...]
3 hours, 10 minutes ago
4
views
Marka Cadey Net ─ Daawo muuqaalka Dagaalu dhexeeya Daanyeer iyo Mas muuqaalka oo ah mid aan caadi ahayn Related News: Daawo Muuqaalka ninka Caalamka ugu carabka dheer ugu balaaran carabka iyo qaab mucjiso ah Nin shumis raganimadii kaga biday oo naafo noqdayDaawo Muuqaalka layabka leh Daawo Gabadh guursatay nin Walaasheed dilay kuna qanacsan Tartanka ugu layaabka badanaa caalamka ayaan [...]
3 hours, 10 minutes ago