27
views

Waa la isku haystaa Aw Jamac iyo Idaajaa Taariikda ay harbiyaan.

Taariikh been ah oo la malmaluuqay oo loo sameeyo beel gaar ah guul u noqon mayso Oday Aw Jamac iyo Hadhaagii Ubaxii kacaanka, Axmed Idaajaa.

 

Sideedaba taariikda waa dhacdo hore inoosoo martay oo aan dub loo cusbooneysiin karrin ama loo badali karrin. Waxase jira dad iyagu, iyagoo ujeedooyin gara ah wata, damca in ay taariikda u dhigaan si gaar oo ay qaloociyaan. Laakiin inta badan waa la-iskaga daba  yimaadaa oo tubtii ay lahayd ee saxda aheydbaa lagu weeciyaa. Sidaasu kolka ay dhacday ceeb iyo wadhibaa ka raacda kuwii isku dayey majarohabaabinta sooyaalka taariikheed.

Taariikhaha sida weyn  beenta looga sheegay waxa ka mid ah ta Maxamed Cabddalle Xasan iyo wixii la odhan jiray Daraawiishta. Taariikhdaas waxa buug ka qorey nin la yidhaa Aw Jamac oo ay badhitaarayaan niman aan kolka horeba ehel u noqno karrin talalaxinta taariikhda dadyowga ku hadla Af-Somaliga. Dadka caynkaas ah waxa ka mid ah ninka la yidhaa Axmed Idaajaa oo ah hadhaagii ubaxii kacaankii Af-weyne ee lagu ababiyey koolkoolinta iyo sara u qaadida magaca beel gaar ah. Axmed Idaajaa ,oo isku dara abwaaniinta dadka Af-Somaliga ku hadla, aqoon yaridiisa waxa u dheer  waa nin qarsan kari waayey neceybka uu u qabo beel gaar ah. Waa nin la kowsaday kacaankii oo gar iyo gardaraba beeshiisa cimaamada halyeynimada madax ugu duuba. Waxa taa daliil u ah barnaamuj uu ka sii daayo idaacada VOA. Barnaamujkaas waxa uu aad ugu eekeysiinayaa in haddii ay Somaliyi taariikh laheyd ay tahay tu u gaar ah beeshiisa, oo aanay cid kale oo soomaaliyeed oo taariikh guuli ku jirto kula dherertami kartaa aanay jirrin. Nasiib daro, maamulka VOA waxa seegtay halkuu kaga tagay dadka intiisa kale. Mise waabay la qabaan sidatan oo Somali kale oo taariikh lihii ma jirto?

Aw Jamac iyo cid kastaa waa u xor in ay taariikhda Ina Cabdalle Xasan wax ka qoraan. Laakiin waa CEEB iyo DAMBI in ay taariikdiisa qaloocshaan oo been ka sheegaan. Waa nasiib darro Aw Jamac  oo wadaad,  sida ka muuqata magaciisa, diinta wax ka yaqaan ahii, in uu u badheedho been oo uu u si khaldan u fasiro ujeedooyinka loola jeeday gabayada Ina Cabdalla Xasan. Sida kolka uu leeyahay tuducdan(CIISAHA BAKHTIGA HIIQAYIYO HAQAY MIDGAANBAA LEH) waxa loola jeeday reerka la yidhaa Ciise Muuse ee loolama jeedin Ciise. Aw Jamac odhan kari mayno waa ka bes laakiin waa badheedhayaa kolka uu gabayada Ina Cabdalla Xasan qaarna soo qorey kuwa kalena ka tagay amaba uu wax yar ka xusay. Taariikda Aw Jamac kaga sheekeynayo  buugiisa iyo marar badan oo wareysiyo  lala yeeshayba wuxu beel gaar ah ku shaabadeynayaa in iyagu ay ahaayeen kuwo gaalka la socda oo neceb in diintu guuleysto. Aw Jamac kamuu sheekeyn afcaashii Ina Cabdalle Xasan ee ka baxsanaa dhaqanka diinteena suuban. Aw Jamac ma sheegin hagardaamadii uu Ina Cabdalla Xasan gaadhsiiyey ummadda waliba reerka uu isagu kasoo jeedo ee libinta aan jirrin ee Daraawiishi laheyd iyagu isa siiyey. Sida taariikda saxda ahii sheegeyso inta gacanta Ina Cabdalla Xasan ku dhimatay ee uu yidhi way xujoobeen, iyo inta Istimaarkii Ingiriiska iyo Talyaniga oo la isku daraa dileen waxa intay doonto ka badan inta ku nafweyday gacanta Ina Cabdalla Xasan. Waxa ka darran inta maal muslim uu dhacay ee uu xalaashaday.Waxa iyana la sheegaa dumarka uu qabay oo uu u qabay si ka baxsan sida diinteenu ina fartay.

Taariikhaha kale ee beenta ah ee la isku heysto sida loo wariyo waxa ka mid ah:

  1. Taariikhaha laga been sheego iyadoo ujeedadu tahay in beelna loo sameeyo faan iyo taariikh kuwa kalena la aaaso waxa ka mid ah halgamadii gobonimo doonka ahaa. Waxad arkeysaa sida loo buunbuuniya SYL ee aan loosoo qaadin Kheyriyadii, SNS.SNL,USP &NUF . Xisbiyadan oo qaarkood ka fac weynyihiin SYL lagama hayo soo hadalqaadkeeda kolka Idaajaa iyo qeyrkii ay ku andacoodaan taariikh iyo halgan Somaaliyeedbaanu ururinaa oo ka sheekeynaa

  2. Waxa murran ka taaganyahay oo la isku heystaa isdhex-yaacii Somaliland iyo Somalia ee 1960 ma guulbuu dhaxalsiiyey ummadda mise guuldarro? Waxa murran ka taaganyahay isdex-yaacaasi ma xaaraanbuu ahaa mise Xalaal?

  3. Tixda caanka noqotay ee ,AHN, ee Timacadde ee KAANA  SIIB KANNA SAAR ee ay ka turjumeysay wadaniyadnimadii iyo Somali jaceylkii reer Somaliland maxaa ka dambeeyey ee uu ka tiriyey gabayaagu ka dib kolkii uu arkay in lagu hungoomay? Maxaa fagaarayaasha kuwa beenta taariikhda ka sheegaa ay usoo qaadi waayaan gabayadaas?

  4. Waxa ka mid ah taariikhda loo sameeyo hororkii Af-Weyne ee isga iyo qeyrkii masuulka ka ahaayeen bur burka gaadhay gayiga geeska Africa gaar ahaan inta ay degaan dadyowga Af-Somaliga ku hadla ee ilaa maanta dhibaatadii ka dhacaday aduunkoo dhami ay furdaamin kar laayihiin. Idaajaa iyo colkiisu waxa ninkaa ay ku suntaan saciim ummadeed oon la arrag.

  5. Waxa ka mid ah taariikhaha beenta laga sheego dagaalkii 1977. Degaalkaas oo si xun loogu jabiyey askartii wadankii la isku odhan jiray Somali Repiublic ilaa imika dad badan ayaa kool kooliya oo yidhaa wuxu ahaa guul usoo hoyatay ummadda. Waxay dad badani ,oo aan anigu ka mid ahay, qabaan in ay aheyd guuldarro ciidan tii ugu weyneyd. Waxa kale oo la qariyaa dhaqan xumadii iyo baabi’ii uu ciidankaasu u geystay dadkii deganaa Ethiopia kolkii uu dagaalku socday. Waxa kale oo ogaan loo ilduufaa dhibaatadii ka dambeysay ee shacabka ay ku hayaan hadhaagii jabhad-ku-sheegii WSF ee dhaca ,boobka,dilka iyo kufsiga lahaa ee ay ku hayaan ummadda. Waxa taariikdu saxda ahi sheegeysay in dadkii degaanka xadka Ethiopia-Somaliland ay is-abaabuleen oo sameysteen ciidan iska-caabiya hagardaamada qowleystayaashaasu  ku hayeen. Ciidankaa waagaa la abaabulay waa kii bud-dhiga u noqday ciidankii jabhadii SNM ee hororkii Af-weyne ka xoreysay Somaliland

Gunaanad:

Waxa la yidhi beeni raad ma leh.

Intaas iyo qaar kale oo badanba oo ka mid ahtaariikhaha la soofdarran habaabiyey waa la isku heystaa. Waxana daliil u noqon kara buuga uu dhowaanta qorey qoraaga weyn ee reer Somaliland Cabdiraxman Guri Barwaaqo iyo afkaartii laga soo celiyey durba halka ay mareyso.Waxa durba sida fiinta fooraha ka qeylisa afka kala waaxay kuwii doonayey in ay beentoodu waarto oo  dadka ku hilaaabnaadaan.

Dadka sooyaalka taariikda majarahabaabinaya ha ogaadeen in beentoodaasi soo afjarmi doonto. Ka Socanmeyso wixii ay la kaashadeen  dawladii Af-weyne oo waa la iskaga daba iman sida imikaba ifafaalaheedu muuqdo. Madaxweynaha iyo Dawladda Djibouti oo aad xodxodotaana ,oo aad  sirtaan, oo ad kolba geed isku marisaan, isaga iyo dad ku dhow-dowiba  meel idin gaadhsiin mayso. Si kasta oo loo maal galiyo daabacaadaa taariikh tahriib ah oo bug ah waxa ay ku danbeyn BEENI RAAD MA LEH. Waxa kale oo intaa idiin dheer in aad kashifantaan oo aad ku suntanaantaan dad ehel u ah been sheega.

 

Allaa Mahad Leh

  1. Aw  Hussein

    —————————————–

    Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

     

Read full story >>

10
views
Puntland News 24 ─ Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo [...]
5 hours, 40 minutes ago
15
views
Nuxur ─ Kulan u socdaya Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaa ku soo idlaaday saacadihii la soo dhaafay is afgarad iyo is faham. Madaxweyne Xasan iyo beesha Digil iyo mirifle oo qilaaf ku kala tagay Bishaan horaanteeda kadib markii Madaxweyne Xasan ay ku kulmeen Madaxtooyada ayaa Qilaafkooda waxaa la sheegay in uu soo idlaaday. Ilo Xog ogaal ah oo Bogana Nuxur.com la hadlaya ...
5 hours, 40 minutes ago
24
views
Nuxur ─ Waxaa Bari lagu wadaa in kulan ay yeeshaan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya kulankaas Warar kala duwan. Kulankaan oo ah mid la dhowrayo ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan, Xildhibaanada baaralamaanka ayaa sheegay in mooshinkaan uu Gadaal ka Riixayo Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya shariif Xasan sheikh aadan oo ka garab haysta Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole. Wararka qaar ayaa sheegaya in shariif Xasan sheikh aadan uu haystay ...
5 hours, 40 minutes ago
19
views
Marka Cadey Net ─ Toddobaad kadib markii Sheekh Axmed Madoobe uu sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu galabta uu Maamulkiisu uu amaro ku soo rogay Magaalada Kismaayo. Taliyaha Ciidamada Booliska ee Maamulka Magaalada Kismaayo Maxamed Guule, oo la hadlay Saxaafada ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo, ay ka hawlgali karaan oo kaliya hal Ciidan. Ciidankaasi ayaa [...]
5 hours, 40 minutes ago
16
views
Horufadhi ─ Gabadh Soomaaliyeed oo Kunool Wadama Ameerika ayaa Waxay Soo Dirtay Waxqabad Rag Soomaaliyeed inbadan Qaban Waayeen islamarkaana Markaad Daawatid aad Qiiroonisd Sida Gabadh usoo bandhigtay Arintan Dadka Badan kayaabisay….halkan Hoose Riix oo Daawo HALKAN RIIX DAAWO MUUQAALKA
5 hours, 40 minutes ago
2
views
Horufadhi ─ Khatumo Journalists Association (KHAJA) strongly condemns the illegal imprisonment and torture of Journalist Ahmed Yuusuf Taraafiko on May 18th in the city of Erigavo. As part of the continued attack of the Hargaisa administration on Khatumo State citizens, dozens of Erigavo residents who held a gathering last Saturday to showcase and celebrate a spring Clean-Up day were attacked by [...]
5 hours, 40 minutes ago
30
views
Harowo ─ Muqdisho ()Waxaa caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose wafdi ka socda Maraykanka iyo Midowga Yurub, kuwaasoo maanta halkaas gaaray. Wafdiga ayaa la sheegay in markii ay ka dageen garoonka Kismaayo, waxa ay halkaas kulamo kula yeesheen madaxda maamulka Jubbland gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Sidoo kale waxa ay galabta la kulmeen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo madaxweynaha maamulka Jubbland, laakin wax ...
5 hours, 40 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Shir Jaraa’id oo uu magaalada Madrid ku qabtay madaxweynaha kooxda Real Madrid, Florentino Perez ayuu ka sheegay, in Jose Mourinho uu ka tagayo shaqada tababarnimo ee kooxda xagaagan marka uu dhammaado. “Waxaan isku afgarannay annaga iyo macallin Jose in aynu soo afjarno xiriirkeenni shaqo 3 sano kadib” ayuu yiri Perez. Perez ayaa intaas ku daray [...]
5 hours, 41 minutes ago
6
views
Awdal Press ─ Awdalpress(Hargaysa) 21 May, 13–Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Ambassador Michele Cervone d’Urso oo ah wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo kulanka uga warbixiyay saxaafadda ayaa sheegay in Siilaanyo iyo Cervone ay ka wada-hadleen xirirka ay Somaliland la yeelan karto Midowga Yurub iyo sidii loo soo gaarsiin lahaa mucaawinada uu Midowga Yurub ugu ...
5 hours, 41 minutes ago
2
views
Awdal Press ─ Cusbataalka Bukaanada Dhimirka ee Boorama oo Xaaladiisa laga shiray, Halkan ka Daawo
5 hours, 41 minutes ago