14
views
views
Somaliland Waxay Samaysatay Nidaam Sharci Oo Cadaaladda Loo Maro, Siyaasiga Wax Tirsanayana Nidaamkaas Ayuu Ku Khasbanyahay
Waxaa dalka ka qabsoontay dooroshadii golaha deegaanka oo ay u tartameen murashaxiin ka tirsan shan urur oo cusub iyo Labadii xisbi ee hore KULMIYE, UCID. Waxaa imika tartankii ku soo baxay labadii xisbi ee hore iyo ururka wadani oo noqday in uu isna u gudbo heer xisbi oo ka mid ah sedexda xisbi qaran ee sii jiri doona sanadaha soo socda. Sideedaba doorasho iyo tartan marka la wada galo qofna wuu waaya qofna wuu guulaystaa. Musharaxiintii u cararay doorashadan golaha deegaanka ee ka tirsanaa ururada iyo xisbiya sooo baxay iyo kuwii ka tirsanaa ururada soo bixi waayay waxaa waajib ku ah in ay doorashadan ay u carareen ugu tala galaan markoodii horeba guul iyo guul darro labadaba. Waxaa xaqiiq ah in khalad iman karo inkastaba ha la ekaadee, waxaa dhici kara in khaladaadka dhaca ay noqon karaan qaar caydaymo leh oo ciddii masu’uulka ka ahayd ay ku caddahay khaladka ay sababeen. Waxaa kale oo lagu celceliyaa inta badanna dhacda had iyo goor khaladaad aan jirin oo la mala awaalay ahna qarjajac iska ku tidhi ku teen ah oo qofba qof warka siinayo, oo marka caddayn iyo wax la taaban karo loo is waydiiyana ay noqoto markaa wax aan jirin iyo dariiq iska soo xidhmay. Waxaa kale oo jira Khalad aan jirin oo aan dhicinba balse cidda samaysay la doonayayaan in xaalad lagu fushado oo musharax iyo xisbi guuldaraystay ay shacabka u been sheegaan uguna tala galeen in ay dadka ku kiciyaan.
Doorashadan golaha deegaanku waxay ahayd mid ka duwanayd doorashadii ugu horaysay ee golaha deegaanka ugu horaysay. Waxay kaga duwanayd doorashadii ugu horaysay ee golhii deegaanka ee hore in musharaxiinta ururadii jiray markaasi ay soo sharaxaynayeen oo soona xulanayeen qofka marka ay u arkayeen in leeyahay tayo ku soo bixi karo. Dadkii codka bixinayayna waxay codka ku siinayeen oo codaynayeen urur siyaasadeed halka imika musharaxiintii tartanka ay ay la imanayayeen beelo iyo suldaanno wada socdaa. Dadweynihii codka bixinayayna waxay u codaynayeen musharax gaar ah oo qof kastaaba wuxuu ku mitidayay in musharax beeshooda ah uu codka siiyo, arintuna waxay noqotay markaa ya ALLAA bi nafsii. Xisbiyadan iyo ururadan tartanka wada galay iyo kuwii hore ee salaanka ka siibtayba dhamaantood waxay si wadajir iyo si cad oo aan mugdi lahayn loo wada ogaa in ay u wada ogalaadeen in doorashadan lagu galo diiwaan galin la’ aan. Ururada cusub iyo xisbiyaduba waxay dhamaan is la ogolaayeen oo ay ku wada socdeen in dooraashada lagu dhakhsado iyaga oo mar walba culays saarayay toddobada xubnood ee ah Komishanka Qaranka Somaliland. Musharaxiintii Xisbiyada iyo ururadii tartankan doorashada deeganka wada galay doorashadan waxay ku eegteen il kaliya oo ahayd in mid kastaaba iska dhaadhiciyay iskana dhigay inuu isagu yahay ka kaliya ee soo baxaya ee guulaysan doona, balse marnaba doorashada waad waayi kartaa xisaabta kumay darsan. Doorasho aan diiwaan galin lahayni waxa ay leedahay dhibaato waxa kale oo xisbiyadaas iyo ururadaasba kala waynayd wax kasta in doorashada la dadajiyo oo looguu dhakhsada. Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay sideedaba ku khasban yihiin inay qaataan go’ aan kasta oo xisbiyada iyo ururada tartamayaa isku raacaan sidaasaana komishanka qaranku doorashada ku qabanayaan . Waxaa kale oo xisbiyadan jiray iyo ururadiiba wada saxeexeen inay aqbalayaan natiijada ka soo baxda doorashada deegaanka. Anigu uma jeedo xisbi ama urur xaqdarro tirsanayaa oo go’aanadan saxeexay ha la cabudhiyo oo khasab ha lagu aqbalsiiyo waxaan se ujeeda aynu kala saarno qaranimada iyo siyaasadda hana la maro dariiqa ay leedahay ee inoo qoran. Maanta go’aankii xisbiyada iyo ururada tartamay ay wada ogolaadeen inay haddana ka hor yimadaan markii xisbigiisii iyo musharaxiisii guuldaraystay waa mid khalad ah.
Waxaan maqaalkaygan aan ku soo khatimayaa, sida aniga iga dhaadhacsan in xisbiyadii iyo ururadii tartanka wada galay midna aanu ahayn ama se ku shaambadaysnayn magac beeleed. Waxaan aaminsanaa in ururada qaarkood oo soo bixi waayay in xubnaha musharaxiinta u ahaa ay ka koobnaayeen dhamaan deegaanada dalka Somaliland oo dhan. Maanta waxaa inala gudboon in nidaamka dawliga ah ee aynu samaysanay la wada ixtiraamo bal lana sugo marka maxkamad la maro wixii ay ku dambayso. Waxaa inala gudboon in wixii tabasho iyo cadaymo ah loo soo bandhigi karo oo loo maro maxkamadaha qaranka. Waxaan taageersanahay in ururada cabanaya ee wax tabanaya aan la cabudhin ee ay cadaymo wixii ay hayaan maxkamaduhu ka dhagaysto. Waxaa kale oo aan taageersanahay isla mar ahaantaasna in musharaxiintii iyo madaxda ka tirsan ururada soo bixi waayay ee cabatinka sheeganayaana aanay shacabka ku kicin caadifad beeleed oo aanay nabada khalkhal inaga galin kursi baan heli waayay darteed. Waxaa muhiim ah in la ogaado in todoba urur iyo laba xisbi in marnaba aanay soo wada bixi karin oo qaarna dabcan guulaysanayaan qaarna guul daraysanayaan balse khalad wixii cabatinii leeyahay dariiq iyo nidaam loo maro. ILLAAHAY waxaan inooga baryayaa kuwii dariiqa toosan isku raaca talooyinkana ku heshiiya.
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toroto, Canada
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
9
views
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 22 May 2013: Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa waxay sheegeen inaysan ka noqon doonin mooshinka. Xildhibaanadaan ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay kulan ku yeesheen Hotel City Palace, oo ku yaala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. Tirada Xildhibaanada oo ku dhaweyd ilaa 60 ayaa waxay ku adkeysteen inaysan ka laaban, mooshinka ay ka soo diyaariyeen Wasiirka 1-aad ...
12
views
views
Somalitalk ─ Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Taaba galka Dastuurka iyo dhamaystirka hawlaha Federalaasiimka ah.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay Dadka Barakacayaasha ah ee ka soo Barakacay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in halkaas ay kala kulmeen soo dhaweyn iyo walaalnimo dhab ah. Madaxweyne faroole ayaa Barakacayaasha u ballan qaaday in aysan la kulmi doonin waxyaabaha ...
5
views
views
Somali Midnimo ─ Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri. MUQDISHO:- Waatii aan Idin soo gudbinay Dhalinyaradii Magaalada Muqdisho oo sidii Awrtii la isku xiriirsaday, hadda waxaa qaylo Afka ku shubtay oo yiri Anigaa Qori Wiil yar igu fiiqay oo dariiqa mari waayey, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri, sidoo kale Shacabkii ayaa ka warbixiyey xattaa in Diintii Islaamka laga cararayo, Oday Macalin Dugsi ahaa ayey Murtadiintu gurigiisa Albaabkiisa ...
8
views
views
Somali Midnimo ─ GAROOWE:- Aqoonyahan Idiris Xassan Faarax oo kamida Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha ayaa laga waraystay Fadeexaddii Faroole iyo Wiilkiisa ee Cunto u karinta Shaqaalaha UN, ka, waatii aan horay u daabacnay Warbixintii Cabdirisaaq Maxamed ee lagu daabacay Shabakadda Horseedmedi. Warbixinta Cabdirisaaq Maxamed ee Horseed Media Halkaan Riix Ama Guji Warbixinta ayaa ahayd Fadeexad banaanka timid oo ahayd in Wiilka Faroole uu Makhaayad u furtay si uu Cuntada ugu kariyo ...
2
views
views
Oodweyne News ─ Waxaynu ku soo jirnay sida ururkii xaqsoor uu uga biyo diiday doorashadii macmalka ayhad, ee Somaliland ku ceebowday hoosna uga dhacday meeqaamkii ay Somaliland ka taagnay cadaalada doorashada, sababtoo ah wali kamay dhicin bariga afrika ee aynu ku nool nahay in ay dad codeeyaan oo codkaas madaxweynaha lugu diido gudoomiyaha mucaaridkana lugu doorto, waxa uu ahaa rikoodh (record) ay Somaliland dhigtay oo aanay suurtagal ahayn in la jabiyo. sababtoo ah ...
4
views
views
Oodweyne News ─ ANIGA OO AH BDI-SHOTALY, KANA WAKIIL AH MAAMULKA OODWEYNENEWS.COM, WAXAN HALKAN UGU SOO GUDBINAYAA UMMADDA REER SOMALILAND, IN AYNU KA FAA’IIDAYSANO FURSAN QAALIGGA AH EE HOOS KU QORAN, TAAS OO HADDII AYNU GUDANO OO SIDDA IOO RABO U SAMAYNO, AY WAX WEYN KA TARI KARTO QADIYA-DEENA IYO MABDA’EENA AH GOONI ISU TAAGGA EE AYNU HALGANKA UGU JIRNO, WAA XASEEX LA INAGA RABO, HADABA AKHRISTAW TAFSIISHA XASEEXA LAGAA DOONAAYO HALKAN HOOSE ...
6
views
views
Oodweyne News ─ Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir aad u qurux badan oo ay ka muuqato Haro biyood aad u bilicsan, Sawirkan oo ah goob aad u qurux badan oo dalkeena ka mid ah ayaa ah mid ay indhuhu aad ugu diirsanayaan, Hadaba waxaad isku deydaa inaad garatid halka uu sawirkan yahay, DAAWASHO WACAN, SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS
6
views
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 21 May 2013: Degmada Buurhakaba oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimisan gobolaka Bay ee koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa waxa ay yeelatay maamul cusub oo bedelay kii hore. Maamulka cusub ayaa waxa uu kala yahay. 1. Gudoomiyaha degmada Buurhakaba: Axmed Max’ed Yuusuf 2. G/xigeenka 1aad ee xaga amniga: Xuseen Maxamed Cali 3. G/xigeenka xaga dhaqaalaha; Naasir Cismaan Hilowle Doorashadii maanta ka dhacday degmada Buur hakaba ayaa waxaa goob joog ka ...
1
views
views
Puntlandi ─ Aarhus–21 May, 2013– Pi– Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo booqasho gaara iyo Casumaad ku jooga Caasimada labaad ee Denmark magaalada Aarhus ayaa maanta Guriga Dowlada ee Gobolka Aarhus wuxuu kula kulmay Masuulka ugu sareeya Degmada iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Denmark,Intuusan imaan Aqalka looga taliyo Caasimada labaad ee Denmarka ayaa subaxnimadii hore waxaa Calanka Soomaaliya laga taagey aqalka hortiisa, taasoo caadi ahaan la sameeyo ...
5
views
views
Oodweyne News ─