views
Isbahaysiga Siyaasadeed Ee Midnimo Oo Ku Baaqey In Wada-hadal Looga Gudbo Khilaafka Puntland Ka Taagan
Iyada oo dhawaan magaalada Bosaso looga dhawaaqey urur siyaasadeed ay ku mideysan yihiin aqoonyahan iyo waxgarad kale kaas oo loogu magac daray Midnimo ayaa maanta bayaan uu soo saarey isbahaysigaasi ku baaqey in la yeesho wada hadal looga gudbo khilaafka hadda taagan.
Dr.Axmed Maxamed Axmed Gurey (Sadiq Enow) oo guddoomiye kumeelgaar ah u ah ururkaas ayaa maanta saxaafadda u akhriyey bayaanka ururkoodu soo saaray.
Ururka Midnimo ayaa dowladda Puntland ugu baaqay inay furto wadahadal ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxgardka Puntland iyo aqoonyahanada si xal looga gaaro guuxa siyaasadeed ee ku salaysan isfahan-waaga siyaasadeed ee ka jira Puntland.
Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay in waxkasta is afgarad iyo wada hadal looga gudbi karo, taasna ay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada danta Puntland ay khuseyso.
Dhegayso bayaan ka oo dhamaystiran:
Horseed Media
Bosaso, Somaliya
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views