13
views

Urur Siyaasadeedka RAYS Oo Dalka Iyo Dadkaba U Tanaasulay +Warsaxaafadeed

raysHergeisa(Lughaya)Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa  markii u horeysay ka hadlay natiijada muranka dhalisay doorashada dawladaha hoose, waxaanu uu sheegay in  ururkiisu ku qanci doono natiijada ay soo saarto maxakamadu.

War-saxaafadeed: uu shalay ka soo saaray Magaaladda Hargeysa ayaa u dhignaa Sidan: “Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka Somaliland ,Waxaan Si Gaara Ugu Mahad Naqayaa Tageerayaasha Ururka Rays Meelkasta Oo Ay joogan, Taageeradii ay na siiyeen.

Waxaan Tacsi U dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyaraii Ku Geeryootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa, ay kaga Cabanayeen Khaladaad ku Yimid Codokii Ay Dhiibteen,Waxaan ilaahay Ka baryayaa Inuu Intii Dhimatayna u naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Caafimaad Dag-daga Siiyo.

Intaas Kadib Doorashadii Ka dhacday Wadanka Sida La wada Ogyahay Waa Mid Guud ahaan Dhalisay Muran Iyo Shaki Fara badan, Koomishanka Qaranku Marnaba Ma buuxin Kaalintii Laga Sugaayay Waxaana Si Cad U Muujijyeen Inaanay Danba Ka lahayn Khaladaadka Iyo Wax Isdaba Marinta Baahsan Ee Ku Suntanayd Maalintii Codbixinta Iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay.

Waxaa Gudida Doorashooyinaka Qaranku Natiijadii Hordhaca ahayd e Dagmada Hargaisa Ku Dhawaaqeen Bisha 6deedi,Waxay Bisha 8dedeedi Ku Dhawaaqeen Inay Khalad ahayd Dibna Loo Tirinayo Codadkii iyo Sanaaduuqda Codbixinta Ee Dagmada Hargaisa,

Waxay Hadana Bisha 10keedi Ku Dhawaaqeen inay Tirinta codadka Hargaisa dib uga nodeen, intaas  ayaa cid walba ku filnayd in gudidii loo xil saaray doorashada horseed ka yahiin masiibadii ka dhalatay doorashdii gacanta ku hayeen taas oo dhalin karta amaan daro mug-leh.

Waxaa Xaqiiqo ah Waxaa Hargisa ka dhacay wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhamaan gobalada dalka, in doorashadii si nabadgalya ah ku dhacday layslama diidanayn, marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhacay intaas goob-joogayaashu way sheegeen, laakiin in fool-xumo aad u weyni ay dhacday cidna kamay qarsoonayn isku soo wada duubo doorashadan dil-dilaac weyn ayay dhex-dhigtay shacabka Somaliland, mustaqbalka doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana si culus ayay u dhawacaysaa,

Mawqifka Ururka Rays: Iyada Oo Ay Adagtahay In Lagu Qanco Natiijada Hadana:

Markaanu Eegnay Baahida Nabdgalyo Uu Mudan yahay Shacabkayagu Sida Xalaasha Ah u Codeeyay Laakiin La dulmiyay.

Markaanu La Tashanay Tageerayaashayadii Aragnayna Inay Ku Weyntahay Wadaniyada, Midnimada Iyo Ilaalinta Qaranimadoodu Waxaaanu go’aansanay Inaanu Aqbalno Natiijada ay Ku dhawaaqdo Maxkamadu Ee Ah Doorashdii La galay 28-11-2012.

Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashda Gacanta Ku Haysaa Shuruud La’aan Isku Casisho haday taa garan Waydana Xasaanadda laga qaado.

 

Lughayanews:Hergeisa.

Read full story >>

3
views
Qurbe Joog ─ Karachi May 19 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in Rag Hubeysan ay Toogteen Zahra Shahid Hussain oo aheyd Siyaasi ka tirsanaa Xisibiga Dhaq-dhaqaaqa Cadaalada ee uu hogaamiyo Xidigii Kirikitka ee Imran Khan. Dilka Haweyneydan ayaa ka dhacay Magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan waxaana lasheegay in xilliga la dilayay ay ku sugneed banaanka hore ee gurigeeda iyadoo la tilmaamay in Raga dilka geystay ay Mooto wateen. ...
3 hours, 24 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Duekoue May 19 2013 (SDN)— Ciidamada Milatariga dowladda Ivory Coast ayaa xiray hogaamiye Maleeshiyo, kaasi oo lagu tuhunsanyahay in uu dowr ka qaatay xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii. Ninkan laxiray ayaa lagu Magacaabaa Amade Oueremi waxaana la sheegay in uu Amar ku bixiyay in maleeshiyaadiisa ay dilaan dad badan intii lagu gudaha jiray Rabshadii ka dhashay doorashadii ka dhacay dalkaasi sanadkii 2011kii. Hay’addaha Xuquuqul Insaanka ayaa ...
3 hours, 24 minutes ago
11
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Daawo Sawirrada Xarun Waxbarasho oo dowlada Turkigu ka hirgalisay Magaalada Muqdisho.   Xarun Waxbarasho Oo Turkiga Uu Ka Hirgeliyay Magaalada Muqdisho Awr Lagu Soo Bandhigay Xafladii Furintaanka Ee Xarunta Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Fadhiya Afaafka Hore Xarunta Cusub Ee Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Ciyaaraya Madaxweynaha Oo Lagu Soo Dhaweynayo Xarunta Cusub Ee Waxbarasho Turkiga Uu Ka Hirgeliyay Muqdisho Axmed Daaci Gudoomiyaha Degmada Wada Jir Oo ...
3 hours, 24 minutes ago
3
views
Laacib Net ─ Gael Clichy ayaa heshiis cusub oo afar sanno ah u saxiixay Manchester City. Daafaca bidix oo ka soo dhaqaaqay Arsenal ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay City ilaa 2017. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ogolaaday heshiis cusub, waxaana indhaha ku haayaa xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Clichy u sheegay website-ka kooxda. “Sidii aan wax u dooneynay inooma [...]
3 hours, 24 minutes ago
2
views
Laacib Net ─ Beppe Marotta ayaa xaqiijiyay in wakiilka Carlos Tevez inuu u soo dhawaaday Juventus islamarkaana ay heshiis la gaari karaan. Agaasimaha guud ee kooxda Juventus ayaa la hadlayay Sky Sport Italia ka hor kulankoodii xalay ee guuldarada ay ka soo gaartay Sampdoria. “Tevez? marka laga hadlaayo tayadiisa iyo qibradiisa, ma nihin kuwii ugu horeeyay ee ogaada.” [...]
3 hours, 24 minutes ago
4
views
Laacib Net ─ Iyadoo xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska uu soo xirmayo maanta, waxa kaliya ee miiska saaran ayaa ah booska Champions League, madaama xilli hore la xaqiijiyay cida hanatay horyaalka iyo kooxaha u laabanaya heerka labaad. Manchester United oo hanatay horyaalka Ingariiska markii 20aad xilli ciyaareedkan ayaa maanta u safri doonta kooxda West Brom kulankaasoo ah kulankii ugu [...]
3 hours, 24 minutes ago
5
views
Somalitalk ─ Booliiska dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu magcaabo Magne Andreas Meier, waxana ninkaas maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed. Sida ay qortay Jariidada wax ka qorta arrimaha Ganacsiga Norway oo magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv oo kusoo baxda Afka Noorwijiyaanka [Dagens Næringsliv], ninkan lagu magcaabo Meier waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid tahay ...
4 hours, 24 minutes ago
9
views
Somalitalk ─ Talo bixin muhiim u ah jiritaanka Qaranimada iyo ilaalinta xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya By: Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka MIDNIMO Somali United party (SUP) Eng: Ali Hersi Karshe (Ali Kabayare) KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA MUDANE XASSAN SH. MAXAMUUD
4 hours, 24 minutes ago
2
views
Somalitalk ─ Waxaa Xarunta Midowga Daladaha Waxbarashada Dalka lagu qabtey Munaasbad si heer sare loo soo Agaasimey taasoo ku beegneyd Sannad Guuradii 3aad oo ah markii ay Midoobeen Daladaha Waxbarashada Dalka , waxaana Munaasbadaas ka qaybgaley Masuuliyiin ka socotey Wasaaradda Adeega Guud ee Dowladda Federaalka Qaybeteda Waxbarashada, Madaxda Daladaha Waxbarashada , Hayadaha Samafalka , Jaamacadaha, Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.
4 hours, 24 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Dareenka Dadweynaha Magaalada Hargeysa Xuska 18 May iyo siday u dabaal-degeen , Iyo Dareenka Majaajilayste Boon Xirsi oo ugu horayn ka waramaya siduu u arko maalintan qiimaha badan, ee dhagaysi wacan.  
4 hours, 25 minutes ago