19
views
views
XIL-DHIBAANKA BEESHA OOG XIL-DHIBAAN FASHILMAY! (Qormadii 2aad)
WAXBA YAANUU XOOLANA ISIIN XEERKAYNA IMARINE XAASHAAYE’ NIN LIBIN KAA XISDIYAY XUMIHII WAA YAAB!!
Kulanti barqadeed akhristayaasha qiimaha iyo sharafta badan waa markale iyo Qormadeenii Garnaqsi iyo qaybtii labaad ee Xil-dhibaanka beesha Oog Xil-dhibaan fashilmay, marka hore’se aynu dib uyara milicsano dulucdii qormadii hore, qormadii 1aad waxaynu islla garoowsanay ninkii aan codd iyo cuudba ugu ciidaminay oo carcartii horaba inagu caasiyay cudurdaar la’aan casuumadii mahadnaqa oo ahayd martiqaad Afuro iyo Casho ay fidiyeen foolaadkii iyo qabanqaabiyayaashii codkii iyo cuudkii is xambaarka ahaa, kelmada keliya ee uu ku lahaa kulankana waxay ahayd mahadnaq iyo inay isbartaan dadkii soo doortay, dhamaan Xil-dhibaanadii kale ee Beesha Muuse Aboker ee ku soo baxay doorashadii way yimaadeen marka laga reebo Xil-dhibaan Ducaale isagoo wax cudurdaar ah aan soo qadimin habayaraatee, maxaa kaga haboon inaan cuskano Murtida maguuraanka ah ee tidhaahda “Waxba yaanuu Xoolana isiin Xeerkayna Imarinee Xaashaaye’ nin Libin kaa Xisdiyay Xumihii waa Yaab”
Qormadii hore waxaynu isku ogayn inaan wax ka xusno dhacdooyinkii laf-jabka ahaa ee aan ka dhaxalay codkii iyo cuudkii iska keen raacay, afeefse waxay iga tahay dunida oo dhami waxay ka simantahay in hawl-gal kasta oo ina Bibi-aadmi ka howl galo uu leeyahay himilooyin iyo faa’iidooyin laga rajaynayo hawl-galka faa’iido guud iyo faa’iido gaar ah “Common and/or Spacific Interest” suurta galna ma’aha hawgal aan ujeedo lahayn marka laga reebo howl-galada Majaaniinta, Xabaadh ayaa Xeer ka maarmi waayay (Xabaadhku waa howl-galadii Geela lagu soo qaadi jiray casri Jaahiligii) hadii aad akhrido Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxaad arkaysaa ujeedooyin iyo himilooyin laga leeyahay doorashada Golaha Wakiilada iyo Shuruudo loo dhigay oo hadii ay buraan shuruudahaasi ay burayso xubin-nimada xubinta Golaha Wakiilada.
Hadii aan sii iftiimiyo xubinta aan udiranay inay nooga wakiil noqoto Golaha Wakiilada waxaan huwinay xasaanad lama xidhi karo, lama maxkamadaynkaro, lagamana horjoogsankaro Xafiiskasta oo Dalka ah ilaa ka ugu sareeya ee Madaxwaynaha waayo wuxuu wakiil ka yahay dadwaynaha, wuxuu galaan-gal u leeyahay wax badan oo muwaadinka caadiga ah aanu galaan-gal u lahayn, dabcan Mushahar iyo Guno ku filan ayuu ku helayaa xilkan, waqtigan xaadirka ahna waxa lagu sheegaa Mushahaarkooda $800 iyo ugu yaraan $800 oo kale oo guno ah oo mar mar ka badan karta waayo waxaa gunada lagu saleeyaa fadhiyada Golaha uu yeesho, xaq uma laha xubinta Golaha Wakiilada loo soo igmaday inay xillka uga faa’iidaysato dan gaar ah Dastuurka ayaa udiidaya waayo awood ayuu u leeyahay inuu dan gaar ah ku fushaddo xilka Qaran ee loo igmaday, waana qodobkaas ka laysku haysto ama keenaya in lala xisaabtami karo Xil-dhibaankasta oo dad ay soo doortaan, hadii Xil-dhibaanka aanay ceeb ku ahayn Hufnaan la’aan kuna sifoobo Musuqmaasuq hadana aan lala xisaabtami karin, Dee markaa wax baahi ah looma qabo in dadweynaha intii isku dan ama Deegaan ahi ay ku midoobaan xubin wakiil uga noqota Golaha Wakiilada.
Xigmad ayaa tidhaahda “Lafahana Gur Xaragana Haka Tegin” waxaan wax yar oo tusaale ahaan ah “as a sample” ka xusi doonaa cabashada Beesha si guud iyo si gaar gaar ah, inagoo ugunna yeedhnay Garab -cadadda uu ina baday Xil-dhibaankeenu, waana sidan:
- Wuxuu Dayacay ama uu ku gabood falay baadidoonkii Degmo-nimada Oog, isaga oo marmansiinyo ka dhiganaya Madaxweyne Riyaalle siyaasada ayaan isku eednay oo Xil-dhibaan mucaarid ah ayaan ahay, Xil-dhibaan Raygal oo u olalaynayay Degmo kale ayuu Madaxweyne Riyaale raaciyay Degmo-nimadii Oog isku Xeerna uu ku sexeexay, isagoo Madaxweynuhu ka xishooday saxeexa Degmo-nimadda Dhanaano kana tago Degmada Oog oo ka horaysay, sidaas ayaana Xeerkii lagu magacaabay Degmado-nimada Oog ay gacanta Xil-dhibaan Raygal ugu gashay, ugu danbayntiina waxaa arintan lagu ogaaday Hadhimo Qado ahayd oo uu fidiyay Wasiir Xaashi oo lagu waydiiyay halka ay marayso Degmo-nimadii Oog, halkaana uu ka iftiimiyay xubin Beesha ah oo aan wax xill ah haynin xogta ah in Degmo-nimda Oog ay sharci tahay uuna hayo Xeerkeedii Xil-dhibaan Raygal, waxa yaabka yaabkiis noqotay in markii shirkii damcay in loo xilsaaro Xil-dhibaanku inuu Xil-dhibaanka ay isku Golaha iyo Xisbiga yihiin ka baadi doono Xeerkii lagu magacaabay Degmada Ood, wuxuu Xil-dhibaan A.Ducaalle soo qadimay cudurdaar odhanaya Xil-dhibaan Rraygal waxaan isku seegnay Siyaasada “Kala Haab” Muuse Buur-dhaab ayaana loo xil-saaray inuu Xil-dhibaan Raygal kadoono Xeerkii Degmada Oog, Xaalku miyaanuu u’ekayrn “Nina Dhuunuu kuu dhexjoogaa Nina Dhaqashuu kuugu dhabar jabay”Garabcad dheh uu codkeenii inoo gooyay.
- Wuxuu Xil-dhibaanka Beesha Oog ka codeeyay Xeerkii Isgaadhsiinta eeSom-Cable lagu siiyay Internet Fiber Obtical ka, wuxuuna u codeeyay in lasiiyo Intenet Fiber Obtical ka Dalcom, Dalcom waa’ayo? waa Shirkad Koonfur laga leeyahay,oo maxaa kala galay Xil-dhibaanka Oog iyo Shirkada Reer Koonfureedka ah? Dalcom waxaa Waqooyiga Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigaane uga Abaan ah Shirkadda Wadaniga ah eeAl-Xarbi Company, danta uu maalintaas codkii Qaranka ku bedeshayna waxay ahayd dan gaar ah iyo dhadhamo uu ku difaacayo danta Shirkaddii Abaanka ahayd, Beeshuna waxay ku kasbatay arintaas Godob Qaran, dhinaca kale arintani waxay hoos u dhigaysay maqaamka Qaranka aynu ka midka nahay ee Somaliland hadiiba lasiin lahaa Dalcom sida uu u codeeyay Xil-dhibaankeenu laakiin’se may noqon sidaas oo Rag baa ku guntaday, tana Garab-cadd kalle dheh oo uu baday Qaranka iyo Beeshaba.
- Wuxuu Xil-dhibaanka Beesha Oog ka codeeyay Xill ka Qaadistii Gudooyihii hore ee Maxkamadda Sare, wuxuu si badheedh oo aanuu ku matelaynin danta Beesha/Deegaanka iyo danta Qaranka uu uga hor yimid siyaasadii xukuumadda Kulmiye ee dib uhabaynta cadaaladda Qaranka, dhinaca kale wuxuu ku xumaynayay hoosna ugu dhigayay meeqaamka Wasiirka Beesha uu ku leeyahay Golaha Xukuumadda uu ka tirsan yahay oo dadka naqdiyaa Wasiirka ay ku duraan inuu ka mid yahay dadka ay wax ka go’aan, soow ma muddna inaan dhahno “Legg Ninkii Siiya Bay Dishaa Liidda Doqaneed’e” waa ninkii siiyay Gaadhiga cadd, ugu danbayna waxaan soo ogaaday in Wasiir Xaashi lagu leeyahay dayntii uu Raashimadda ugu qaadi jiray Xil-dhibaanku xiligii uu waraaqaha iibin jiray, waxa xusid mudan sababta uu Xil-dhibaanku uga dhanka noqday danta Qaranka iyo tan Beesha/Deegaanka soo wakiishay? jawaabta oo koobani waxay tahay difaaca danta Shirkadda Al-Xarbi oo Gudoomiyuha Maxkamadda Sare uu gacanta ku hayay Dacwad ay dhinac ka ahayd Shirkadda, soow tana kuma darnno Garab-cadda uu ina baday Xil-dhibaanku Cali Aroos ingu guntaddana mahaysano maanta Tuenty Centry.
Lasoco Qormadda danbe iyo tusaalooyin ina tusaya oo daliil uah sida uu ugu danaystay kursiga Qaranka dantiisa gaar ah.
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
8
views
views
Somali Midnimo ─ NEWS:- There is a conflict between IGAD and Jubbaland, both are release statement about future of Jubbaland. READ PDF REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013 READ PDF Statement from Jubbaland State of Somalia Mohamed Hamud Somalimidnimo.com
6
views
views
Somali Midnimo ─ KISMAAYO:- Maalintii Shalay ahayd ayaa gaalo madowda IGAD waxay Shirkoodii Adis-Ababa ka soo saareen Bayaan ay ku cadaynayaan in Shir lagu qabto Magaalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo xaaladda Jubbaland. Bayaankaas ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Axmed Qalbi Madoobe oo Bayaan ugu jawaabay IGAD. Wakhtigaan Magaalada Adis-Ababa waxaa ka socda dabaal dig ay IGAD u dabaal digayso, goortii la yigleelay, sidoo kale saakay ayey ahayd markii aan daabacnay Waraysi uu ...
3
views
views
Raxanreeb ─ Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland ayaa Furay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Sanadwalba dhamaadkiisa ka dhaca Iskuulada Puntland siiba Galaaska 8daad iyo 12naad ayna ka qayb galayaan 8,515 Arday oo Gobolada oo dhan ah iyadoo ay jiraan Kormeerayaal iyo Ilaaliye yaal loogu talagalay ka warqabka Imtixaanka,waxaana uu fagaaraha Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Gambool uu Madaxweynuhu ka sheegay in si Rasmi ah ay Imtixaanaadku u Furanyihiin. Wasiirka Waxbarashada Puntland ...
7
views
views
Raxanreeb ─ Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa Mar uu ka hadlayay Arimaha Dastuurka dalka iyo Dhismaha Jubbaland wuxuu sheegay in Dad Lacag lasoosiiyay lana soo marin-habaabiyay ay Sheegeen in Dastuurka lagu Xadgudbay wuxuuse taa bedelkeed cadeeyey in aysan jirin cid ku xadgudubtay Dastuurka oo Jubbaland dhismeheeda uu yahay mid sharci ah, Hadalka Xildhibaan Xoosh uu ku hadlayna uu yahay mid sharci Darro ku dhisan sidaana waxaa ...
3
views
views
Puntlandi ─ JUBBALAND STATE OF SOMALI PRESS RELEASE Statement from Jubbaland State of Somalia Despite the IGAD Summit communique of the 22nd Extra-ordinary session on the situation in Somalia, Mogadishu is still provoking the Jubbaland Administration to catalyze insecurity, hostility and animosity among the clans, which will eventually result in the Jubbaland community give up in shielding Al-Shabaab from Jubbaland regions. This gives the impression that Mogadishu is willingly departing out its ...
4
views
views
Oodweyne News ─ https://petitions.whitehouse.gov/petition/support-22nd-years-peace-democracy-progress-somaliland-lacking-any-international-help/7PTHGJjt http://www.somalilandpatriots.com/news-13421-0 Cige: Waarya Caraale waar bal iska waran Caraale: Alla waa Cige waar waa nabade halkeed ka dhacday baryahan. Cige : dabaal dagii 18 May ayaan mashquul ku ahaa. Caraale: Anba dhinacayga ayaan u guclaynaye, Cige Mashaa Allah Caalamka oo dhan si fiican ayaa looga dhigay. Caraale: Malaha Afrtan wadan laga dhig Cige : Dee wacay ahyd afti qaran oo sideeda ah. oo Cadowgu aad uga naxay. Caraale: ...
6
views
views
Oodweyne News ─ Waxaan saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Websiteska ee laga leeyahay Somaliland ku arkayay inanka TVga Qaranka Maareeyaha ka ah iyo Maayorka Caasimada Hargaysa oo la kulmay saraakiil Ethiopian iyo reer Camaroon kala ah kuwaasoo ay weriyaha TV Qaranka u fadhida Ethiopia Dr Muha Dahir Jire isugu duba-riday. Dr Muha muddo ayay hadda ku sugnayd dalkaasi Ethiopia iyadoo shahaadada sare ee Doctorate ka ku qaadatay cilmi aan weli la xaqiijin ...
4
views
views
Oodweyne News ─ SHANTA SOMALIA. IYO ADAN CABDALLAH CISMAN. IYO ASASKI URURKA AYANKA DARAN EE LOO YAQAN AFRICAN UNION (OAU) EE 1963 IYO ADDIS ABABA. QUDBAADII UU HALKA KA JEEDSHAY. MARXUUMKU ALLAH HA UU NAXARISTE OO UU KU DOODAYO IN SOMALI ANAY QABIIL AHEYN AY QARAN TAHAY. XUDUDAHA IYO KALA QO-QOBKA SOMALIDUNA UU DHIB KU YAHAY DADKA SOMALIDA AH. NABADNA ANAY JIRI KARIN HADAN SADEXDA GOBOL EE MAQAN AYAHOODA FASAX LOO SIIN SII ...
3
views
views
Oodweyne News ─ Soomaaliland Maalintay Siigo Koru Duushay Markii Uu Cigaal Suuf Alool Saanada U Dhiibey Habar Habar Markii Loo Saftee Sumucu Qiiqaabay Sekedaha Madfacu Maalintuu Saqafka Goynaayey Saqiir Iyo Kabiir Maalintii Aan Lakala Soocin Khayraadka Siman Maalintii Saaxil Laga Dhoofshey Maxaad Maanta Gabaygaad Sejeli Ugu Sifayn Weydey, GUULEED SAWAABOOW MURTIDA WAAD SILCINAYSAAYE SIDII CIID FIJAAS BAY KU DHIGI SAYMO OODANAHE, MAGACA GABAYGANI WAA ( LIBAAX ) Suugaanta Gabay Maalintaan Sananiyee Maago Sadriga ...
3
views
views
Oodweyne News ─ Jamhuuriyada Somaliland oo ah qaran curdin ah islamarkaana dadkiisu raabaan in qarankani hanaqaado ayaa waxaa dhibaato ku haystaaa shaqsiyaad gaar ah oo u heshiiyey cashuurtii dadka iyo dawladaba wax u qaban lahayd in la leexsaday islamarkaana loo soo samaystay juwano foojari ah oo lagu lunsado lacagtii qaranka qasnadiisa ku dhicilahayd iyada oo la ogaaday in aysamaysantay shabakad balaadhan oo foojariistayaal ah taasina ay diciifinayso habsami usocodkii cashuuraha wasaarada maaliyada waxaan ...