12
views

NIN KHAAKHAAYIRAY AYAA LAGA SHEEGAY HADAAN REERKA LEEYAHAY ASAAN ANIGU GUBAAYO SIDEE LAY YEELAYAA!!!!!? By: Caaqil Saxardiid Geelle

Waxaan uga horyn salaamayaa bulshada nabada jecel ee reer soomaaliland iyo bahda saxaafada , waxaan marka labaad ka xumahay kana tacsiyadaynayaa dadkii wax ku noqday dhacdadii foosha xumayD ee ka dhacday xaafada axmed dhagax ee degaanka Hargaysa.


Caaqil iyo maahmaah soomaaliyeed ama hadal wax lagula baxo lama kala waayee hadii aan maantana kalmad dhaanwade ka idhaahdo waxii dhacay; waxaa jiray baa la yidhi nin aad u fiicnaa oo raganimo badnaan jiray ayaa sidan hada reer magaalku u yidhaahdaan wuu yara khaakhaayiray waa waashay odhan maynee , dhawr jeer ayaa la arkay kolba isagoo xeradii adhiga dab ku dhejinaya oo laga qabtay waar  reerka ha iska gubiin , dhacdadu cidii ay ka dhacday la iima magac dhebin ee sidaas iyadoo looga waramo ayuunbaan garanayaa  waxaanse filayaa inay tahay hadal wax lagula baxayay uun , ninkii waa midhkaynu u socanee waxa uu yidhi kalmad murti ah oo ilaa hada laga waramo ahna ta aynu halku-dhegga uga dhignay maqaalkeenan oo ah:(HADAAN ANIGU REERKA LEEYAHAY OO ANIGU GUBAYO MAXAA LA YEELAYAA ) Markuu sidaas ula hadlay ayay u muuqatay malaa in uu hadal gar ah yidhi waxay ku adkeeyeen uun waar caruurta uun ha iska gubin, waxa uu yidhi kuwaas anaa idiinka lexejeclo badan…………


Hadaan biyadhaca kelmadaydan u gudbo KULMIYE haduu xisbigii talada hayay ahaa oo uu ku sigtay inuu dhaco oo xisbinimadiisa waayo oo ay xaqiiq ahayd inuu dhici lahaa hadii uu doorashada si xor iyo xalaal ah u qabto,  adaan kuu dhiibee hadii aanu boobin maxuu yeeli lahaa !!? taasi waxaan filayaa jawaabteedu waa iska cadahay ee waxa uun meesha ka maqnayd oo seegtay inuu lexejeclo ku daro , ama go,a yara saaro oo dee waxaa fashilisay meel walba anaa ka koowaad ahaa , waxaynu leenahay lexejeclo kumaydaan darine idinku ilaa caruurtiibaad gubteen.

Ugu damabayn hadaan talo waayeel ku daro madaxweyne adiga iyo xukuumadaada shacabkii is macasalaamayse oo hadii wasiiradaadu muraayad madow kuu galiyeen oo dadku waa inaga kugu maaweeliyeen xaqiiqda kuumay sheegin oo dadkii  markii hore aqlabiyadda codkooda kugu siiyay maanta 10% kama hayside ee waxii dambe lexejeclo ku dara , wiil dambena yuu gacantiina ku bixin.

Shacabkana waxaan leeyahay doorashadii dambe ee rasmiga ahayd ee lagu kala baxayay way inoo hadhay codkaynu ku keenaybaynu ku ridaynaaye  ballanteenu waa ( Mar i dage Alla ha dago laba jeer i dagana anay isu dagay) waxaynu cod dheer ku leenahay:

 No Falsification the election result”لا تزوير في نتائج الانتخابات .


Caaqil Saxardiid Geelle

caaqilsaxardiid@hotmail.com

—————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

Read full story >>

4
views
Marka Cadey Net ─ Shirar kala gooni gooni ah ayaa waxay ka soconayaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xaalad kacsanaan leh. Waxaa xilligaan sii yaraanaaya cabsidii laga qabay inay dagaalo ka qarxaan Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii wefdiyo kala gaar gaar ah loo diraayay Magaalada Kismaayo. Dadka ku dhaqan [...]
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Ciidamada Dowladda Kenya ayaa waxaa maal mahaan ku soo badanaaya weerarada ay kala kulmayaan Ciidamada Ururka Al Shabaab. Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxay ka soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Dowladda Kenya ee dalka Somaliya, waxayna taasi keentay inay mar kasta la beegsadaan weeraro qorsheysan. Ciidamada Dowladda Kenya ee fariisimaha ku leh Deegaanka Faa-faaxdhuun ee duleedka [...]
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Lughaya ─               Ceergaabo(LUGHAYA.COM) Badhasaabka gobolka sanaag Prof: Axmed Muxumed Geelle(Dacar) ayaa dadweynaha ku dhaqan magalaada ceergaabo kala qayb qaatay dabaaldegyada xuska 18 may oo Gobolaakas si nabdoon ugu dhacay.
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Lughaya ─ LUGHAYA SPORT- Iyadoo xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska uu soo xirmayo maanta, waxa kaliya ee miiska saaran ayaa ah booska Champions League, madaama xilli hore la xaqiijiyay cida hanatay horyaalka iyo kooxaha u laabanaya heerka labaad. Manchester United oo hanatay horyaalka Ingariiska markii 20aad xilli ciyaareedkan ayaa maanta u safri doonta kooxda West Brom kulankaasoo ah kulankii ugu danbeeyay ee tababare Sir Alex Ferguson madaama uu ciyaaraha ka fariisanayo ka dib ...
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in kooxda Inter Milan ay ku soo biirtay kooxaha doonaya saxiixa weeraryahanka kooxda Aston Villa ee Christian Benteke . Laacibkaan 22-sano jirka ah ayaa soo jiitay indhaha kooxo kala duwan xilli ciyaareedkaan isaga oo dhaliyay 19-gool ka dib 34-kulan oo uu u saftay kooxdaan Aston Villa . Kooxaha sida weyn [...]
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Laacib Net ─ Ka dib markii uu soo dhawaaday dhaamadka hishiiskii uu ugu joogay kooxda Borussia Dortmund marka xilli ciyaareedkaan uu xirmo ayuu daafacii kooxdaas ee Felipe Santana waxa uu hishiis u saxiixay kooxda kale ee reer Jarmal ee Schalke . Daafacaan reer Brazil Felipe Santana ayaa hishiiskaas uu qalinka ku duugay uu gaarayaa illaa xagaaga 2016-ka iyadoo [...]
2 hours, 6 minutes ago
1
views
Horufadhi ─ Gudoomiyaha degmada Bardaale ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu beeniyay war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadanaa in uu isku dhiibay Al Shabaab oo uu ka goostay dowladda. “Suura gal ma aha in aan ku biiro kooxda Shabaab dadka ayey dhibaateysaa, awood ayey ka raadinayaan hadalkaani waa ay jabeen waa dacaayad ah” ayuu yiri [...]
2 hours, 6 minutes ago
6
views
Horufadhi ─ jaaliyada Maamulka Khaatumo State ee cariga Uk ayaa si wayn u xusay 18 May maalinta Nadaafada deegaamada SSC waxaana kasoo qayb galay xuskan Xubno kamida ah gudiga jaaaliyada Khaatumo State ee magaalada London iyo dadwayne kala duwan oo kayimid xaafadaha magaalada London ee magaalo madaxda boqortooyada ingriiska halkaan ka daawo sawirada.  
2 hours, 6 minutes ago
7
views
Horufadhi ─ Nabadoon Aadan Daahir Dhangad”Maxamed Amiin iyo Bare Hiraale Tariikhdooda ana Haya waxa ahaan Jireen Niman la Guumaysan Jiray RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO   Nabadoon Daahir Aadan oo Kamid ah Nabadoona gobalka Mudug aya si Kulul uga Hadlay Xaalada Haatan ay Marayso Kismaayo isagoo La hadlay Maxamed aamiin iyo Bare Hiraale shegayna inay Nimankaas [...]
2 hours, 6 minutes ago
3
views
Horufadhi ─ Waxaana Gudaha Magaalada Ceerigaabo shalay laga dareemayay Jawi kacsan kadib Markii Maleeshiyaadka SNM Ay isku Dayeen Inay ka hotgaraan dadkan shacabka Ee maalinta nadaafada Xusayay magalaada ceerigaabo,Waxaana Jidadka Magaalada Lagu arkayay Gawaadhida dagaalka Oo ay Soodhoobeen Maleeshiyaadkaas. Ugu dambayntii maamulka Siilaanyo ayaa u fashilmay Gudaha Galaada Ceerigaabo inuu ka hirgaliyo xaflada ay dhigan jireen sanad [...]
2 hours, 6 minutes ago