18
views

Ciidamada Axmed Madoobe iyo xooggaga Alshabaab oo maanta ku dagaalamay duleedka Kismaayo

Kismaayo(PV):-Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta jidka u galeen oo weerar ku ekeeyeen ciidamo  ka tirsan jabhada raskanbooni kuwaasoo ka baxay kismaayo.

Degaano ku dhow Goobweyn oo illaa 15-km woqooyi kaga toosan magaalada Kismaayo ayaa la isku helay waxaana la is weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan inkastoo warar madax banaan aan laga helin.

Wararka laga dhanka kismaayo ayaa sheegaya in dagaalkaasi socday mudo saacad ah lagana maqlayay meelo badan marka la eego hugunka madaafiicda la is dhaafsanayay iyo rasaasta.

Wararka sidoo kale la helay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo labada dhibac kala gaaray iyadoo xoogaga alshabaab la sheegay inay si xeeladeysan weerar gaadmo ah ugu qaadeen kuwa Axmed Madoobe ee ka taliya magaalada Kismaayo  lamana oga waxa soo gaaray labada dhinac.

Xaalada ayaa deganeyd wixii ka dambeeyey duhurnimadii maanta inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, mana jiraan warar ay dagaaladaas ka soo saareen saraakiisha labada dhinac ee fooda is daray.

Xafiiska Muqdisho
Puntlandvoice.com

Read full story >>

13
views
WidhWidh ─ Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin Arts ayaa soo saaray Sawir uu ku muujinayo Qaabka Ay Dowlada hada Jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh wax u wado. Amin ayaa ku cabiran Fikirkiisa in dib loogu laabtay Colaadii iyo dagaalkii sokeeye ee 22 Sano dalku ku jiray dib inay ugu celinayso dowladda uu hogaanka u yahay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
7 hours, 31 minutes ago
3
views
WidhWidh ─ Shahrukh Khan oo ah jilaa caan ah uu dhashay wadanka Hindiay kana tirsan shirkada filimada ee Bollywood ayaa lagu soo kireystay aduun lacageed oo aad u fara badan si uu uga qayb galo ugan ciyaaro xaflad aroos oo ka dhaceysay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Sharukh Khan oo lagu naanesyo boqorka Bollywood ee dalka Hindia oo caan ka ah dalalka Carabta iyo qaybo badan oo aduunka ah ayaa la sheegay ...
7 hours, 31 minutes ago
3
views
WidhWidh ─ Michael Adebolajo and second suspect remain too badly injured to be interviewed over death of Drummer Lee Rigby. Detectives are still waiting to question two men arrested over the murder of Drummer Lee Rigby, the young soldier who was hacked to death in London on Wednesday. It emerged on Thursday that both of the men alleged to have killed Rigby had been known to the domestic security service MI5 and ...
7 hours, 31 minutes ago
16
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 24 May 2013: Afar kamid ah ragga isu magcaabay inay yihiin Madaxda loo soo doortay inay ka arrimiyaan Deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxay galabta heshiis ay ku midoobeen ay ku gaareyn Magaalada Kismaayo. Xubnahaan ayaa waxay kulan ballaaran ku yeesheen Hotel Gaari ee Magaalada Kismaayo, waxaana ka soo qeyb galay Odayaal, wax garad, dhalinyaro iyo weliba haween, ka soo kala jeeda Beelaha ay ka kala dhasheen. ...
7 hours, 31 minutes ago
5
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 24 May 2013: Kulankaan oo ahaa mid uu ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaarey iyo Xildhibaanda Koonfurta Soomalaiya Kasoo jeeda ayaa waxaa loogu hadlayey Arintii horey u fashilantay ee aheyd Maamul usameyntii Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dood dheer kadib waxaa meesha si cad loogu dhaleeceeyey Gudigii mamaul usameynta 6-da gobol loo xilsaarey oo ku kacay Falal aan munaasab aheyn oo dib udhigey Qowmiyada DM xiligaan dhanka mamaul ...
7 hours, 31 minutes ago
12
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 24 May 2013: Arimaha Xiis badan ee Laga sameeyay Xurgufta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo Qaybiyey Dhowr Arimood
7 hours, 31 minutes ago
3
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta Madaarka Magaalada Berbera ku soo dhaweeyay Wefti ka socda Hay’ado iyo Ururo Caalami ah oo Taageera Saxaafada. Agaasimaha Guud oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Warfaafinta waxay Mas’uuliyiintan ku qaabileen Madaarka Magaalada Berbera. Masuul u hadlayay Xubnaha Weftigan ayaa Sheegay in Mudada ay Somaliland Socdaalka ku joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan ...
7 hours, 31 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ London May 24,2013(SDN)-Waxa cirka isku shareeray weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ku nool Britain intii ka danbeysay weerarkii laba nin oo Muslim ahi ay si fool xun ugu dileen magaalada London nin ka mid ahaa ciidamada qalabka sida ee dalka Britain. Waxa labadii maal mood ee danbeeyay la qabtay dhawr ruux oo damacsanaa in rabshado ka dhex sameeyaan masaajido ku yaal UK. Halaka illa dhawr sodon qof oo Dumar iyo ...
7 hours, 32 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─ Waa qaybtii labaad ee aynnu ku eegaynnay Waayaha Nololeed ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxaana socda qayb ka mid ah halgankii SNM iyo goob-jooggiisii shakhsi ahaaneed   Wasiir Xirsi oo ka hadlaya qaar ka mid ah hawl-galladii ugu muhiimsanaa ee dhacay muddadii uu SNM ka tirsanaa ayaa yidhi “Runtii hawl-galladu dhammaan muhiim ayay, mid kastaana ka kale kama dhacayn. Laakiin haddiiba aan xuso waxa aan is-leeyahay waxa ugu waxtar badnaa duullaannadii ...
7 hours, 32 minutes ago
6
views
Oodweyne News ─ Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir uu uga soconayey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa mid aan sharciga waafaqsaneyn ku tilmaamay maamulkii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.   Kulankaa ayaa waxa kasoo baxay qodobo dhowr ah oo ay wasiirada arimaha dibada ee IGAD ay isla falan qeeyeen iyadoona qodobada kasoo baxa la hor geyn doono kulan caawa ay ku yeelayaan magaalada ...
7 hours, 32 minutes ago