11
views

Shirka Todobaadlaha Ee Golaha Wasiirrada Oo Todobaadkan Qodobbo Xasaasi Ah Looga Hadlay

Muqdisho (RBC Radio) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii todobaadlaha ah ee ay khamiis walba yeeshaan ayadoo shirka Todobaadkanna looga hadlay qodobbo xasaasi ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana ugu horeyn shirka warbixin ku aadan guullaha ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada iyo heshiiskii dhanka Gaashaandhigga ee Turkiga iyo Soomaaliya looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu labadaasi qodob Golaha Wasiirrada faah faahin ka siiyey.

Golaha Wasiirrada ayaa waxa ay markaasi kadib meel mariyeen oo ay ansixiyeen heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo heshiisyadaasina uu horey usoo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadana waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka maadaama ay Golaha Wasiirrada maanta meel mariyeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka hadleen in hantidii Qaranka lagasoo celiyo dadkii xilalka soo qabtay waxaana loo qabtay mudo ku eg inta ka harsan sanadka cusub ayadoo sidoo kalena ay Golaha Wasiirradu ka hadleen sidii loosoo celin lahaa hantida Dowladdii dhexe ee Dibadda taasi oo iyana loo saaray gudi uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay ka hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed taasi oo Golaha Wasiirradu ay isku raaceen in la qaado talaab walbo oo lagu hormarin karo waxbarashada Dalkeenna.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

5
views
WidhWidh ─ Muqdisho, Maajo 23, 2013….. Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Kadib ...
9 hours, 52 minutes ago
11
views
Waajid ─ Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi Ethiopia. Waftiga Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inay ka qayb gali doonaan 50 guurada Aasaaskii Midowga Africa, oo maalinta bari ah ka dhici doonta Caasimada midowga Africa ee Addis Ababa. Taliyaha Madaxwaynaha ee dhinaca Saxaafadda Eng Yariisoow oo Garonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kula hadlay Saxaafadda ayaa faah ...
9 hours, 52 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─ Hooyo waan wada garankarnaa qiimaha ay u leedahay qof walba iyo qiimaha ay uleeyihiin ummadeena soomaaliyeed, hadii aan kubilaabo diinteena macaan aynu wada ognahay xaqa hooyadu leedahay , waatii nabigeenu CSWS uu yiri janadu waxay taalaa hooyo lugaheeda hoostooda. Dhaqan ahaan sabab weyn ayaa kadanbaysa marka la leeyahay dhulka hooyo, afka hooyo waxaa arintaas kujirta xigmad weyn oo looga danleeyahay inay hooyooyinku yihiin tiirka ugu weyn bulshada. Dhanka kale hadaan ...
9 hours, 53 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─ waxaa 18-05-2013 ka dhacay magaalada umea xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada reer sundsvall. xafladaas oo lagu xusayay sanad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay markii somaliland xornimadeeda kala soo laabatay koonfur. waxaa ka soo qayb galay madax iyo dad wayne aad u tiro badan. waxaa halkaa hadalo kooban ka yidhi gudoomiyaha jaaliyada umea jaamac xuseen xandule iyo xaaskiisa marwo shugri ibraahim cilmi waxaa sidoo ...
9 hours, 53 minutes ago
5
views
11
views
Horufadhi ─ Caawa & Radiokhaatumo. Golaha wasiirada ee X-Shaikh oo isku raacay in J.Land la dumiyo, Ragii diley Sh. Farey oo dhawaan la Laynayo, Hub la siiyey dawladda Xamar, Banaanbaxyo_TEBBIN+Waraysiyo.   HALKAN KA DHAGAYSO WARKII OO XIISO BADAN. Waa isku soo dubaridkii iyo Tebbin Weriye Faadumo C/risaaq Cawed. Xarunta labaad ee Nairobi.
9 hours, 53 minutes ago
8
views
Awdal Press ─ Warkan nala daawo. Awdalpress.com
9 hours, 54 minutes ago
5
views
Oodweyne News
10 hours, 50 minutes ago
3
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu diiwan galiyey ajaanibta dalka ku sugan taliyaha hogaanka iyo Socdaalka dowladda Soomaaliye Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diiwaan galiyey ajaanibta dalka ku sugan. Gen. Gaafow ayaa tilmaamay in la diiwaan galiyey 1345 oo ajaanib ah kuwaas oo sida uu sheegay iskugu jiray Diblamaasiyiin,Shaqaalaha hay’adaha Samafalka ...
11 hours, 52 minutes ago
6
views
Raxanreeb ─ _________________________ Cismaan Turaabi Use Facebook to Comment on this Post
11 hours, 52 minutes ago