18
views

Allow yaa ku dooxoo hadana aan ku dilinoo waxaad damacsantoo idil dibadda ula soo baxa , Waar Mee Kuwii odeygan Shahaadada Siiyay?


Dadweynaha Awdal Iyo Salel Oo Iswaydiinaya Sobobta Uu Siilaanyo Uga Muquurtay In Uu Tacsiyeeyo Dadkii Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Mudaharaadkii Borama

Kadib isku daygii Siilaanyo ku fashilmay ee waxka badalka natiijadii doorashada Ee Saylac

ayaa wafti balaadhan Siilaanyo Soo diray oo socdaal ku yimiday Borama,isla markaana lagu

mudaharaaday oo dhimasho ka dhacday.

Waftiga waxaa soo diray Siilaanyo waxa ay u socdeen in waji kale loo sameeyo natiijadii

Saylac,balse bulshada oo badbaadinaysa Dimuqraadiyadii la sheegay in lagu doortay

xildhibaanada golaha deegaanka Somaliland ayaa ka horyimiday in meesha la soo

dhigo wax ka baxsan doorashadi lagu kala adkaaday,Balse Siilaanyo ciidan iyo xoog

ayuu shacab arday iyo ganacsato u badan rasaas hoos loogu dhigay,halkaasina waxaa

ku dhintay hal wiil waxaana ku dhaawacmay dad  badan oo la dhigay Cisbataalka.

Hadaba Madaxweyne Siilaanyo oo waftigii uu soo diray qirteen in ay ahayd fashil

safarkoogu ayaa dadweynuhu iswaydiinayaan waxa u diiday in uu tacsiyeeyo

eheladii dadkii ku dhintay mudaharaadkii xaq u dirirka ahaa ee Borama ka dhacay.

Siilaanyo wuu ka gows adaygayaa in uu muujiyo dhibaatada ay taladiisu u gaysatay

dad shicib ah oo danahooga haysta oo rasaas loola tagay.

Ilaa maanta Siilaanyo lagama hayo tacsi uu u diray dakaasi ku dhintay ama ku

dhaawacmay rasaastii ciidankiisa,dadweynuhu waxa ay iswaydiinayaan miyuuna

masuul ka ahayn askarigiisa iyo shacabkaba,maxaa u diiday in uu tacsiyeeyo?

Dad badan ayaa ku doodaya in Siilaanyo muujiyay coltooyo iyo Cuqdad uu qarsanayay

oo hore shiki laga qabay,sida hab dhismeedka xukuumadiisa oo uu ka dhigay mid ka

kooban beeshiisa dhexe oo kaliya,beelaha kalena uu dhigay kuraas cidla ah oo

waliba uu dhexdooda iskaga horkeeno oo uu ku sii kala fogeeyo sidii talaabadii

Xagla-toosiye.

Dadweynaha Goboladaasi galbeedku waxa ay iswaydiinayaan in Siilaanyo yahay

Suldaan beeleed aargoosi ku jira ama madaxweyne shacab doorteen oo ku dhaartay

in uu cadaalad sameeyo isagoo taasi u dheer tahay cimri ritay oo jooga xiligii xabaasha

laga fikirayay.

Hadaba isku soo wada duuboo dadku waxa ay quus ka joogaan xukuumada Siilaanyo,

oo maamulxumo,eex iyo qabyaaladi ridatay oo labo sano oo xukunka fadhido abuurto

Maamulo ka madaxbanaan Somaliland sida Awdalstate iyo Khaatumostate.

Cabdiraxman Xaaji

Xigasho; Boramanews

 

Read full story >>

5
views
Laacib Net ─ Manchester City ayaa seddex gool oo looga hormaray waxa ay afar gool ugu bedeshay Chelsea oo ciyaar saaxiibtinimo ay ku dhexmartay dalka Mareykanka. Kooxda City oo dhawaan iska ceyrisay tababare Roberto Mancini ayaana soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta saaxiibtinimo ciyaar qatar ah, iyagoo abuuray fursado aad u badan. Laakiin waxa ay is arkeen [...]
4 hours, 8 minutes ago
5
views
VOA Somali ─ Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Khudbad uu shalay jeediyay si weyn uga hadlay weerarada ay gesytaan dayuuradaha Droneska ee Mareykanka iyo xabsiga Guantanamo Bay
5 hours, 8 minutes ago
4
views
Raxanreeb ─ MURUGADA KA MUUQATA MARWOOYINKA SOOMAALIYEED ( QAADKA ) Abukar Awale (qad diid) abukar_aw@yahoo.co.uk Maajo 23 2013 Hooyo waan wada garankarnaa qiimaha ay u leedahay qof walba iyo qiimaha ay uleeyihiin ummadeena soomaaliyeed, hadii aan kubilaabo diinteena macaan aynu wada ognahay xaqa hooyadu leedahay , waatii nabigeenu CSWS uu yiri janadu waxay taalaa hooyo lugaheeda hoostooda. Dhaqan ahaan sabab weyn ayaa kadanbaysa marka la leeyahay dhulka hooyo, afka hooyo waxaa arintaas ...
5 hours, 8 minutes ago
5
views
Raxanreeb ─ Use Facebook to Comment on this Post
5 hours, 8 minutes ago
2
views
Laacib Net ─ Wargeyska El Mundo ee ka soo baxa Spain ayaa tilmaamaya in kooxda Liverpool ay u soo gudbiyeen kooxda schalke ee dalka Jarmalka aduun dhan 16-milyan oo gini iyaga oo ka doonaya daafaca Kyriakos Papadopoulos si uu ugu noqdo badelka Jamie Carragher kaasi oo ka fariistay ciyaaraha . Sida wargeyskaan uu qorayo Liverpool ayaa xariir la [...]
5 hours, 9 minutes ago
4
views
Harowo ─ Liibiya (Harowo)- Sida lawada ogsoon yahay muddooyinkii u dambeeyay wax aka jiray guud ahaa magaalada Borama Qulqulka dhalinyara u tahriibaysa wadamada reer yurub,dhalinyartan oo dhibaato adag u maraya dariiqadii ay ku gaadhi lahaayeen yurub ayaa inta aynan gaadhin wadamadaas waxay dhib kala kulmaan saxaraha u dhaxeeya sudan iyo Libya,nolosha dhalinyartani waxay sii adkaataa inta ay joogaan Libya. Dhalinyarta tahriibtaysa ee joogta Libya kana soo jeedda Gobolka Awdal ayaa waxa tiradoodu ...
5 hours, 9 minutes ago
5
views
Harowo
5 hours, 9 minutes ago
23
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS -,24 May 2013: Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Kismaayo looga dhawaaqayay Madaxwaynayaal farabadan oo mid walba sheeganayo inuu yahay Madaxwaynaha rasmiga ah ee Jubbaland ayaa hadana waxaa maanta Kismaayo looga dhawaaqay madaxwayne kale oo horleh. Gaashaanle Xasan Xaaji Maxamed ayaa sheegay in ay Beeshiisu u dooratay Madaxwaynaha Jubbaland isla markaana kulan balaaran oo maanta ka dhacay degmada Kismayo loogu doortay Madaxwaynaha Maamul goboleedka Jubbaland. Wuxuu sheegay goobta doorashadiisu ay ...
7 hours, 8 minutes ago
8
views
Wehel Media ─ (WMC) Wararka ka imaanaya Magaalada Bahar dhaar ee Xarunta Kilinka Amxaarida Dalka itoobiya ayaa sheegaya in nin hubaysan oo qudha ka jaray 13 ruux kadibna uu isku tuuray Wabiga Abaay sida wararka sheegayan . Ciidamada Booliiska ayaa gaaray goobta uu shilka ka dhacay waxana ku jira dadka la dilay asgari ka tirsan ciidama Booliiska Magaalada Bahar dhaar hayeeshee ninkaa dilka gaystay ayaa lugu soo waramayaa in uu ahaa nin madaxa ...
8 hours, 8 minutes ago
6
views
Wehel Media ─ (WMC) Afayeen u hadlay Kooxda Al Shabab ayaa beeniyay wararka sheegaya Ciidama ka tirsan alshabaabin lugu dilay deegaano ku yaala Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu sheegay afayeenkaa in dagaalkaa uu dhacay laakiin waxa uu sheegay in Kooxahii dagaalka soo qaaday ay jab ugu gaysteen . Afayeenkaa oo lugu magacaabo Cabdi Casiis Abuu muscab waxa uu sheegay in Ciidamada Mujaahidiinta sida uu hadlka u dhigay ay kala wareegeen ...
8 hours, 8 minutes ago