26
views
views
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland oo la kulmay Wasiirka Dawladda Britain ugu qaybsan arrimaha Africa.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabbilsan Africa Mr Mark Simmonds ayaa maanta xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda Britian ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Somaliland Dr Mohamed Abdillahi Omar oo booqasho ku jooga waddanka Britain.
Wasiir Mohamed Abdillahi ayaa wasiirka reer Britain uga warramay xaaladda guud ee dalka Somaliland oo ah mid wanaagsan, iyadoo Dimuqraadiyadda Somalilandna ay si xawli ah u kobcayso, dalkuna hadda ka soo baxay doorashadii deegaanka oo u dhacday si wanaagsan. Labada wasiir waxa kale oo ay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay ka mid yihiin xidhiidka soo jireenka ah ee labada dal, sii ambaqaadka wada hadalladii u furmay Somaliland iyo Somalia, xoojinta iskaashiga ganacsi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha budhcad badeedda.
Wasiir Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Mohamed A Omar ayaa mar kale u xaqiijiyey Wasiirka Britiain inay Somaliland diyaar u tahay wejiga labaad ee wada-hadallada dhex mari doona Somalia, iyadoo qaranka Somaliland-na muddo dheer sugeyey fursaddan si ay u kala baxaan Somalia oo u noqdaan laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhaxayso.
Waxa labada wasiir kulankan ku weheliyey dhinaca Somaliland Safiirka Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Adan Cawaale, dhinaca Britain-na waxa goob joog ahayd agaasimaha waaxda Somaliland iyo Somalia ee wasaaradda Arrimaha Dibedda Marwo Sally Axworthy.
Wa billaahi tawfiiq,
Somaliland Mission UK
Up coming
8
views
views
VOA Somali ─ Labo qof ayaa la aaminsan yahay in ay middiyo iyo baangad ku dileen askari u dhashay Britain oo ka soo baxay xero ciidan oo ku taallay halka lagu dilay agteeda
5
views
views
Puntland News 24 ─ Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu dilay shalay gelinkii [...]
1
views
views
Laacib Net ─ Ciyaaryahanka boosaska badan u buuxiya Barcelona Adriano ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda reer Catalan isagoo baaqi ku sii ahaan doono ilaa 2017. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u dhaqaaqay Camp Nou 2010kii isagoo ku soo wareegay kaliya 9.5 milyan euro, waxaana uu markaas ka dib boosas badan u ciyaaray Barcelona oo inta badan boosaska daafaca [...]
2
views
views
Laacib Net ─ Arsenal ayaan wax xiriir ah la sameynin weli Fiorentina oo ku aadan saxiixa Stevan Jovetic, sida uu sheegay agaasimaha kooxda Viola Daniele Prade. 23 jirkaan gooldhaliyaha ah ayaa muddo dheer diirada u saarnaa tababare Arsene Wenger, waxaana Gunners ay wadahadalo hordhac ah la gashay isbuucyo ka hor ka hor inta aysan xiisaheeda dib u soo [...]
4
views
views
Laacib Net ─ Xilligan oo kale sannadkii hore Florent Malouda waxa uu weli u dabaaldagayay koobkii Champions League ee Chelsea ay hanatay ka dib markii bedel uu ku soo galay ciyaartii Bayern Munich. Shalayto ciyaaryahanka laga tirtiray taariikhda Chelsea ee ay Allianz Arena ay ku gaareen ayaa kaligiis ku ahaa garoonka tababarka ee Cobham. Qandaraaska Malouda ayaa waxaa [...]
3
views
views
Lughaya ─ London (LUGHAYA.COM) Madaxweyne ku xigeenka somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa kulan soo dhaweyn ah ay u sameeyeen Jahliyadaha Reer Somaliland e ku dhaqan magaalada Bristol ee dalka ingiriiska, Kulan ayaa qayb ka ah kulamo uu madaxweyne ku xigeenka somaliland la yeeshay jahliyadaha ku dhaqan guud ahaan dalkan Ingiriiska.
34
views
views
Galgala News ─ Daawo warbixinta Telefishanka KTN ee maamulka Jubbooyinka (English)
12
views
views
Oodweyne News ─ Waxaa galabta Xaafada Woolwich ee koonfur bari ee Magaalada London ka dhacday weerar u dhaxeeyey labo Nin iyo Ciidamada Booliiska Magaaladaasi kadib markii ragani Midi ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo Lagu Sheegay in uu ahaa Ciidan ka Tirsan Ciidamada Dalka Ingriiska da’diisana lagu qiyaasay 20-Sano jir. WARKII OO DHAN
16
views
views
Oodweyne News ─ Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews, waa sawir ku saabsan Nin jeclaaday inuu Computerkiisa Laptop-ka ahi noqdo nooca lo yaqaan Apple, isagoo islamaarkaasna xagga kaga dhajiyey Tufaax(Apple) dhab ah kaasoo uu weliba dhinaca kasii goostay, ee daawasho wacan. SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS
8
views
views
Oodweyne News ─ Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu sheegay guddoomiyaha barlamaanku, dib u gurtay. Sidaa darteed, waxaa la laalay mooshinka markii uu buuxin waayay shuruudaha tirada soo gudbin karta. Hubaal Madaxweynahuna ma sii riiqeen haddii xukuumaddu dhacdo. Xildhibaanada weli ku sii taamaya meelmarinta Mooshinka ...
