35
views

Puntland ma ka badbaadi kartaa duufanka siyaasadeed ee kacsan? W/Q Said Adam

Puntland ma ka badbaadi kartaa duufanka siyaasadeed ee kacsan?
Said Adam
Said.adams@gmail.com
Janaayo 04 2012

Said Adam

Waxaan aamisanahay in bulsha weynta Puntland in ay aqoontii iyo kartideedii leeyihin in ay badbaadiyaan wadajirkooda.Ma aha markii igu horeysey ee khilaaf siyaadeed oo noocan ahi uu ka dhex aloosmo Madaxweynaha iyo xubnaha la loolamaya, waxaanse rajeynayaa inuu noqdo kii ugu danbeyeey, haddii la helo dad ka mideysan aragti siyaasadeed oo xambaarsan siyaasad qoto dheer, si wax looga barto khaladaadkii hore.Waxaan wada og nahay inuu jiro Dastuur maamulka Puntland oo sameysan, kaas oo aad moodo in dadka badankoodu aanay ka dheregsaneyn. Sababta oo ah , haddii la isla fahmsan yahay dastuurka , khilaafku ma gaareen meesha uu gaaray. Waxaa inta badan garab ordi jirey dastuurka xeer beegti hoose oo muddoyino kale duwan lagu soo badbaadey oo ay hogaaminayeen madax dhaqameedka degaankaas, kuwaas oo gaaray guulo la taaban karo . Waxa taas soo raaci lahaa , oo aad muhiim u ah , haday ay jirto Maxkamad sare. Taaso oo kale saari laheyd khilaafka kooxaha ku muransan siyaasada.

Kaaliintii madax dhaqameedka , waxaad moodaa in awoodoodii la wiiqay si kaste ha ahaatee, lakkin waxaan la fududeysan karin , doorka ay ka ciyaari karaan marka marxaladaha noocaan oo kale ay aloosan yihiin. Su`aasha meesha talaa waxay tahay, kalsoonidii shacabka iyo garabyada siyaasadeed ee hardamaya sidee u mideyn karaan maxaanse la gudboon.

Waxaan lama huraan ah, in aan meesha laga saarin in beelaha deegaanada degaa, aanay iska hor imaad dhexdooda ahi dhicin, si loo ilaaliyee in mumaalka dadka ku dhex noolaa uusan meesha uga bixin. Sidee xubnaha mucraadka ku arkayaan hayadaha dowliga ah sideeda janaayo ka dib.Waxaa sidoo kale muhuum ah, in la mideeyo garabyada siyaasadeed ee degaanka ka jiro,haddii ay suurgal tahay, si ay u fududaato hardanka loolan ee meesha jiraa.

Maamulka hada jira ee hogaamiye u yahay Madaxweyne Abdiraxmaan Faroole , diyaar ma u yihiin , in ay wada xaajood siyaasadeed galaan.Si loo soo dhaweeyo in wadahadal maamulka iyo mucaardka ah inuu bilowdo. Waxaad moodaa fursadaasi in aanay muuqaan, waa maxay waxa hortaagan, ma waxa jira qorshe qarsoon oo aan la goyn.

Madaxweyne Cadbirahman Faroole, wuxuu dagaal la galay Madaxweynayaashii isaga ka horeeyey, isagoo diidan wakhti lagu darsadaa ay xaaran tahay, maxaa hadda xalaalayeey.

Waxaan qabaa in uu meesha ka baxay iskaashigii madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka ah, mudadii ugu danbeesey, sababta oo ah codkoodu waxaad moodaa inuu xabeeb ku xirtay oo aan meel fog laga maqli karin sidii caadadu hayed. Badbaadada deegaanku waxaad moodaa in ay iyaga gacantooda soo gashay, waa fursad qaali ah oo loo baahan yahay in ay masuuliyadoodii qaadaan.

Haddii dib ubaabulka hadda jira ee qeybo ka mid ah madax dhaqameedku ay ku guuleystaan, in ay kulan deg deg yeeshaan , maamulka jiraana u debecsanado kulanka ururada bulshadu rayidka, waxaa soo dhawaan kara xalku. Waana suuragal taasi, inkastoo aragti kala duwan laga yeelan karo. Waxaase fura u noqon kara in aan shuruuduhu madasha wadahadalka ka baxaan. Haddii la rabo in helo xal waara.Loona gudbo nidaamkii khilaafka noocan ah lagu soo afjari lahaa, taas oo furuheedu yahay, in la dhiso Maxkamad sare oo dhexdhexaad ah , u adeegta garooska cadaalad huwan. Xaalada Puntland ayaa u eg, hashii sadkeedu go`day ee looga cabsady in ay fool baxsato, haddii aan gaar adag laga qaban.

Waxaa bulshada Somaliyeed ee Puntland ka mid tahay in inteeda kale haboon in la barto labo erey oo muhiim in la hirgeliyo hadii la rabo in maamul ama maamulo loo furo wadahadal , kuwaas oo ah waxa afkaqalaad lagu yiraahdo Compromise and sacrifice.

====================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

3
views
Raxanreeb ─   Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda,kulanka Todobaadlaha ee golaha wasiirada oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayey kusoo dhaweeyeen tallaabadii ay baarlamaanku ku joojiyeen Mooshinkii xukuumadda ay ka keeneen. R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo gabagabeeyey ayaa xildhibaanada ku ammaanay go’aankii ay kaga laabteen Mooshinkii Xukuumadda ...
4 hours, 42 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ London 23May13(SDN) Halkan ka daawao Xafladii 18May ee Jaaliyada Somaliland ee Turkiga ku dhaqan ku soo bandhigeen wacadaraha.Daawasho Wacan
4 hours, 42 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ London 23May13Halkan ka Daawo SAWIRO xafladii 18-MAY ee SYDNEY-AUSTRALIA iyo sida sharafta badan ee ay uga soo qayb galeen madaxda xisbiga UCID oo kala ah Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Xusen,iyo Xoog hayaha guud ee xisbiga Axmed Aadan Ismaaciil waa “Kayse Guray” iyo Marwo NUURA CIISE OOMAAR oo ah madaxda UCID-UK.
4 hours, 42 minutes ago
1
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 23.May (SDN) Drs, Edna Aadan Ismaaciil oo ah Maamulaha Cisbitaalka Edna Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa oo ayaa si Xeel dheer uga Warantay Dhibaatada uu haweenka ku hayo xanuunka isu furanku Gaar ahaan Xiliyada ay Hooyadu ku Jirto Foosha ,iyadoo Cadaysay in Cisbitaal ahaan ay Kharash la’aan wax ugu qabanayaan Haweenka Xaaladahaasi la soo Dersan . Marwo Edna Aadan Waxay Hadalkan ka Jeedisay Xuska Caalamiga ah ee Cidhib tirka ...
4 hours, 42 minutes ago
1
views
Puntlandi ─ Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Kadib markuu soo dhaweeyay go,aankii ...
4 hours, 43 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─   Waxa la ogaysiinayaa jaaliyadda reer somaliland ee degan Magaaladda Manchester (UK) iyo Nawaaxi-geedda, in maalinta Axadda ah ee bishan May tahay 26ka ay inoo iman doonaan haddii alle yidhaaho, Weftiggi uu hogaaminaayey Madax-Weyne-Ku-Xigeenkii Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici, oo ay weheliyaan:- (1) Wasiirk Difaaca ee Somaliland, (2) Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland, (3) Wasiirka Maaliyadda ee somaliland, (4) Mujaahid Mohamed Kaahin, (5) Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Uk. * Waxa laga ...
4 hours, 43 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Dhamaan waxaan salaamayaa halwadeenada oodweynenews iyo akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan, Hadaba hadii aad u baahantahay guri kiro ah, Wadanka Sweden magalada Göteborg fadlan ku soodir codsigaaga emailkan: amustafe@hotmail.com Mahadsanidin A. Ali
4 hours, 43 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─   Garoowe(OWN)- Jaamacada Bariga Afrika ayaa ah Jaamacada ugu da’da weyn uguna balaaran deeganaada Puntland. Sidoo kale JBA waa jaamacada kaliya eel eh kukliyada Caafimaaadka iyo Cisbitaal u gaar ah (teaching hospital). Dhawaan ayaa magaalada Garoowe ee caasumada Puntland waxaa heshiis is afgarad ku kala saxiixday Wasaarada Caafimaadka ee Puntland iyo Jaamacaddda Bariga AfriKa. Heshiiskaas oo labada dhinac ay isku raaceen qodobo dhawr ahaa oo ay ka mid ahaayeeen 1) ...
4 hours, 43 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─     WAXAA HAMABLYO DHALASHO FARXADLEH DIRAYA Aabo Iid Sallan Kariye, Mama Casha Xaaji Cabdilaahi Cismaan Habo Nimco Xaaji Cabdilaahi Cismaan Cabdiqadir Eid Sallan & Xaaskii Raxma Xuseen Cabdiraxmaan Iid Salaan & Xaaska Ifraax Xassan Axmed Iid Sallan & Xaaskiisa Fadxiya Nimco Iid Salaan & Odaygeega C/laahi Ismaciil Fadxiya Iid Sallan & Odageega Xasan Axmed Ayaan Iid Sallan & Odaygeega Xabiib Axmed Barwaaqo Iid Sallan & Odaygeega Abshir Jirde Maxamuud ...
4 hours, 43 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─   Waxa jira arimo isa soo taraya oo dhamaantood si wayn u dhiiri gelinaya tahriibka waxaana ka mid ah: 1) Kooxo qawlaysato ah oo ka shaqeysta tahriibinta dadka, kuna bixiya lacag iyo wakhti badan siday da’yarta u duufsan lahaayeen, waa shabakado isku xidhan oo xafiisyo ku leh Somaliland, Ethiopia, Erateria, Sudan iyo Libya, warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in kooxanahi ay dhalinyarada ku qaadaan bilaasha ilaa laga gaadhayo dalka Suudaan ...
4 hours, 43 minutes ago