23
views

Wasiirradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain oo ku kulmay London

) — Wasiirradda arrimaha dibadda ee  Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain, William Hague ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada London ee xarunta dalka Britain, waxayna kulankooda kaga hadleen xoojin xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Kulanka wasiirrada oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain aya wuxuu qaaday muddo saacado ah, iyadoo markii uu kulank soo xirmay ay labada wasiir arrima dibadeed ay si wadarjir ah ula hadleen saxaafadda.

“Waxaan bogaadinayaa horumarka ay dowladda Soomaaliya gaartay, anigu Muqdisho ayaan tagay sannadkii hore waxaana ku arkay horumar baaxad leh. Britain waxay ballanqaadaysaa inay kordhiso kaalmada ay siinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya sannadkan 2013,” ayuu yiri Hague.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ammaanay howlgalka ay ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo xusay in dagaalkii lala galay Al-shabaab laga gaaray guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin in dhul badan laga qabsado.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka wuxuu ahaa mid aan uga hadalnay arrimo badn oo ay ka mid yihiin: nabadgalyada, adkeynta xiriirka labada iyo sidii dib loogu furi lahaa safaaradihii labada dal,” tiri wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf.

Wasiiraddu waxay hadalkeeda ku dartay in qodobbada ay isla soo qaadeen iyada iyo Hague ay ka mid ahaayeen sidii Safaarad Soomaaliyeed looga furi-lahaa dalka Britain.

Socdaalkan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa wuxuu gogol-xaar u yahay shir la qorsheynayo in uu bisha May ka dhaco magaalada London uuna ka soo qayb-galidoona Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Marwa Fowzia ayaa la filayaa in bishan 7deeda kula kulanto magaalada Rome wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga mudane Giulio Terzi

Read full story >>

2
views
Wehel Media ─ (WMC) Kooxda Kubada Cagta ee Almere oo ka dhisan Gobolka Flevoland ee dalka Holland ayaa ka qeyb galeysa Cayaaraha Jaaliyadaha kala gedisan ee ku dhaqan dalka Holland, kaasi oo lagu Marti gelinayo Maalinta Barrito ah Magaalada Almere ee Gobolka Flevoland. Kooxdaan oo dhawaan Cayaarihii Xagaaga ee HIRDA AFT soo gaartay Semefinalka ayaa Maalinta Barrito ku cayaari doonta Magaca Soomaaliya, iyadoona la tartami doonta in ka badan 40-kooxood oo kasoo kala ...
3 hours, 33 minutes ago
10
views
Wehel Media ─ (WMC) Waxaa maanta kulana hordhac ah ku yeeshay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya Wasiirada Arimaha Dibadda Uruur Gobaleedka IGAD kuwaa oo wlaac ka muujiyay xaalada maagalada Kismaayo ee xarunta Gobalka jubada Hoose . Waxa ay sheegeen Wasiiradaa in loo baahan yahay in heshiis la dhax dhigo kooxaha isku khilaafsan maamulka Jubaland kaa oo garwadayn ka tahay Dowlada Soomaaliya Uruur Gobaleedka IGAD uu taageero . Wasiirada ayaa soo jeediyay ...
3 hours, 33 minutes ago
4
views
Somali Midnimo ─ ALFURQAAN:- Barnaamijka Diiradda Jamcaha waxaa looga hadlaa Qodobada ugu muhiimsan todobaadkii ama Wararkii ku dhaafay, Barnaamijku wuxuu ka baxaa Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan maalinkasta oo Jamcaa. Waxaa ka qaybgalay Aqoonyahanno Soomaaliyeed, Doodda Maantay ayaa ah “Goormaa La Assaasay Ururka Afrika Madowday?”. Dhagayso Barnaamjika MP3 Halkaan Riix Ama Guji Isha Barnaamijka Alfurqaan Maxamed Xaamud Somalimidnimo.com
3 hours, 33 minutes ago
3
views
Somali Memo ─ Mujaahidiinta Towxiid Waljihaad ee wadanka Maali ayaa weerar khasaara badan dhaliyay ku qaaday saldhig ay ciidanka xukuumadda dabadhilifka ku laheyd wadankaasi. Neyjar waa wadan Afrikaan faqri ah oo aan awoodin in dadkiisa uu ka daweeyo cudurka duumada malahan warshado iyo kaabayaal dhaqaale in kastoo wadanku kheyraad badan leeyahay hadane isticmaar iyo aqoon dari ayaa dilooday. Dowladda wadanka ka jirta waxaa maamula madaxweyne General ah oo inqilaab ku qabsaday talada,Nayjar kama ...
3 hours, 34 minutes ago
6
views
Raxanreeb ─ Kismaayo (RBC Radio) Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaland Janaraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag ayaa markii ugu horaysay waxaa uu si toos ah ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud waxa uuna ku tilmaamay in uu madaxweynaha uu jeclaan lahaa in kismaayo dagaalo la isku baaba’o ay ka dhacaan. Madaxweyne Xassan SH Jenaraal Fartaag waxa uu eedeeyey Maaxweynaha Fedraalka Soomaaliya isaga oo ku tilmaamay in fitno wade. Madaxweynaha waxaa fiicnaan laheyd in ...
3 hours, 34 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Kismaayo May 24 2013 (SDN)— Wararka laga helayo gobolka J/hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ka soconaya dalka Sierra Leone ayaa bilaabay in ay isku balaariyaan deegano gobolkaasi ka tirsan. Dad deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Sierra Leone ah kana socda AMISOM ay gaareen deegano hoostaga gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya. Ciidamada Sierra Leone deegaanada la geeyay waxaa ka mid ah deegaanka Taabta oo u dhaw degmada ...
3 hours, 34 minutes ago
5
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 24 2013 (SDN)– Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo la hadlayay warbaahinta ku hadsha afka dowlada ayaa sheegay in mooshinno Baarlamaanka la hor keeno mar weliba ay imanayaan balse ay ku dadaalayaan in mooshinnada la hor keenayo Baarlamaanka ay noqdaan kuwa wax dhisa hayeeshee aan wax dumin. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooaaaliya mar wax laga weydiiyay arimaha cakiran ee gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu ...
3 hours, 34 minutes ago
18
views
Puntlandi ─ Kidmaayo–24 may, 2013–Puntlandi.com–Warbaahinta Puntlandi ayaa goor dhaweyd gacanta kusoo dhigey Qoraalka ay IGAD kasoo diyaariyeen booqashadii Xaqiiqo raadiska Arimaha Jubooyinka kasoo beri si rasmi ah loo hordhigi doono Wadamada IGAD. Warmurtiyeedka wuxuu uqoran yahay si dublamaasiyadaysan, Dowlada federaalka ayaa muuqata iney ku guul dareysatay arimaha jubooyinka, waxaa la yiri ” Way ahayd in Dowlada Federaalka ay yeelato hogaanka shirkii Kismaayo, Qolyaha Kismaayo iyana ayaa la sheegey in shirkii jubooyinka loo ...
3 hours, 34 minutes ago
5
views
Marka Cadey Net ─ Cabdi Faarax Shirdoon, Ra`iisulwasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegey in dowladda ay heshey dhaqaale kasoo gaaray caalamka, shacabkana dhaqaalahaasi uu gaari doono 24 May 2013 : Shirkii London ee 7dii bishan dhacay ayaa Soomaaliya waxaa loogu yaboohay dhaqaale gaaraya 3 boqol oo malyan doolar, lacagtaasi qeyb ka mid ah ayaa gaartay dowladda Soomaaliya. Arrintani waxaa sheegey [...]
3 hours, 34 minutes ago
4
views
Marka Cadey Net ─ Maanta magaalada Addis Ababa waxaa isugu tagaya madaxweynayaasha wadamada la isku yiraahdo IGAD waxayna ka fariisanayaan qorshaha IGAD ee xasilinta Soomaaliya. Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah maamul goboleedka Jubbaland oo si weyn la isugu haayo, waxayna madaxda IGAD dhagaysan doonaaan warbixin uu diyaariyey gudiga xaqiiqo raadinta ee loo direy Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag [...]
3 hours, 34 minutes ago