28
views
views
Qabiilkeenu Hanoqdo Qaran-nimada Somaliland Qoraal Kooban Oo Ku Socda Da’yarta Somaliland :-By Weriye Khadar Shaani
Tan Iyo Markii Somaliland Ay Dib ulasoo Noqotay Xornimadeedii 1991-Kii Somaliland Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Waxay Hiigsanaysay Horumar Lataaban Karo Nabad Gelyo Iyo Dhaqaaleba Leh, Walow Dhaqaalaha Aanu Ahayn Mid Ka Faynkara Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland Balse Xusuusnow In Ay Jirtay Wakhti Aan Lagu Xisaabtimi Jirin Dhaqaale Balse Dadka Somaliland Ay Unaa-loonjireen Nabadgelyo Inay Mar Uun Kuseexdaan,
Waaxaa Marag Madoon Ah In Da’yarta Dhalatay 1983-dii Ee Maanta 29 Jirka ah Isla Markaana U Hanqal-taagaya Inay Hogaaminyaan Wadanka Somaliland Inaanay Wax Sidaa Ubuuran Kala Socon Nabadgelyo Daradda Waxa Laga Dhaxlo Iyo Weliba Halgankii Qadhahaadhaa Ee aabayaashood Usoo Mareen Wadanka Iminka Somaliland Ladhoho. Oo Ilaahay Mahadi Haka Gaadhee suurta Geliyey In Aaaba-yaasheen Ka Guulaystaan Cadowgii Xasuuqay Ubadkooda Iyo Xaasaskooda.
Waxaa Sidookale Hubaal ah In Maanta Hooyo Walba Oo Somalilander Ahi Wax Wayn Ka Garanayso Mahlakada.Kufsiga Jidhdilka Iyo Weliba Dhimashada Dhulkan Ay UsooMartay Iyadoo Aynu Ognahay In Kufsi Iyo Dilba Lagula Kici Jiray Wixii Haween ah.
Aan Usoo Noqdo Dulucda Qoraalkayga Oo Aan Maanta Ugu Talo Galay Da’yarta Aan Kamid Ka Ahay Oo Aad Moodo Inay Ka Leexatay Tubtii Aqoonta Iyo Qalinkii Ay Mudada dheer Daba Hayeen Oo Ka Door Biday Wax Aanay Horumar Ku Gaadhayn ,Marka Aan Leeyahay Da’yartu Wax Sidaas U Weyn Kalama Socdaan Dagaalkii Qadhahaadhaa Ee Wadanka Loosoo Maray Iyo Nabadgelyo Darada Wax Laga Dhaxlo Waxaan Uga Jeedaa Dhalinyarada Dhalatay 1983 Iyo Intii Kadanbaysaba Waa Dadka Ugu Badan Ee Iminka Somaliland Haysato 1991-kii Oo Ah Markii Somaliland Lagu Dhawaaqayna Wuxuu Jiray 8 Sano, Ninkaasi Muxuu Ka Ogyahay Somaliland Iyo Calankan Towxiidka Leh Sida Lagu Keenay ? Waxba )
Iyadoo Ay Saas Tahay Hadana Da’yarteena Maanta Ee Somaliland Waxaa La Odhan Karaa Iyaga Ayaa Toosh Isla Daba Taagan oo Leh Maanta Ayuu Hebel Maqaal soo Qoray Ee Waan ka Jawaabayaa,Ilaa Heer Reer-nimo Ay Ka Gaadhay, Balse Waxaynu Odhan Karnaa Waa Ayaan Darro Haysata Da’yarteena Maanta Taagan Oo Weliba ah Aqoon Yaahanadii Ugu Tirada Badnaa Ee Intay Somaliland Jirtay Yeelato.
Hadana Aynu Garan La,nahay In Danta Qaranka Iyo Ictiraaf Raadinta Wadankeena Curdinka Ah Aynu Ugontano Oo Xil Wayni Inaga Saaran Yahay.
Runtii Waxaan Hubaa Aniga Khadar Ahaan In Xataa Cadowga Somaliland Ay Aad Ugu Faraxsanyihiin Is Qab-qabsiga Iyo Reer-nimada Inaga Dhexdeena Ka Taagan Dhalinyaro Ahaan,
Tusaale Qoraalada Aan Inoo Fiicnayn Ee Kusalaysan Aragtideena Reeraysan Ama Qofjeclaysiga ah Ee Lagu Soo Daabaco Wargays-yada Iyo Websate-yada, Waxaynu Moodnaa Inay Somaliland Keliya Ay Akhristo, Balse Marna Ismaynaan Waydiin inagu Sidaynu Websate-yada Kale ubooqano Ee Aan Ukhrisano In Kuweenana Loogu Xidhan Yahay Oo Loo Akhristo.Markaa Su’aasha Taalaa Waxay Tahay Qoraaladeena Aan Wanaagsanayni Ma Inooyihiin Sumacad-Wanaag,?Maku Faani Karnaa Oo Aduunka Wax Makula Qaybsn Karnaa ? Horumar Iyo Ictiraaf-ka Aynu Ka Rabno Beesha Caalamka Makaga Heli Karnaa ? Jawaabtu Waa Maya…
Gabo Gabo +Talo Kooban
Dhalinyaradeena Somaliland Ee Maanta Waxaa Hubaal ah Inaynu Jecelnahay Qaranimadeena Somaliland Lakin Aynu Kasii Jecelnahay Reer-nimo, Taas Aynu Ogaano Inaynaan Meelna Ku Gaadhayn.
Dalkeenan Somaliland Ee Laynoo Xoreeyey Ee Maanta Gacanteena Kujirana Qalbigeena Aynu Usheegno Oo Ka Dhaacino Sidaynu Reer-nimoba Uga Dhaadhicinay Inaynu Dalkan Inagu Leenahay, Oo Cidkale Aanu Sugayn Cidina Inoo Bedeli Doonin Cid Inaga Bur Burisa Mooyaane,
Danteena Somaliland Ee Qaranimo Aynu Isku Talaalno Oo Aynu Iska Talaalno Cudurka Reer-nimo Ayaan Odhan Lahaa Oo Aynu Ka Faa?iidaysano Caqligeena Saliimka Ah Ee RABBI (SWT) Inoosiiyey In aynu Waxii Wanaagsan Ku Cabirno Wixii Xunna Kaga Baydhno,
Waxaan Kusoo Koobayaa Qoraalkaygan Aan Ugu Talo Galay Da’yarteena Maanta (Qabiilkeenu Hanoqdo Qarinimada Somaliland ###
Weriye Khadar Shaani
Khadarshaani@Hotmail.com
Cairo/Egypt
Up coming
6
views
views
Somaliland Org ─ Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo garnaqsi ugu filan Somaliland. Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay ...
2
views
views
Qurbe Joog ─ Spain-May-18-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu manta ku iclaamineynaa ciyaartii xalay dhexmartey Real Madrid iyo Atletico Madrid. Ciyaartan oo ahayd final ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne iyo taageerayaasha labada dhinac oo kor u dhaafey 70,000. Haddaba koobkan oo aad qiimo uga leh dalka Spain ayaa lagu magacaabaa Copa Del Ray,Akhyaartay ciyaartan oo runtii aad loo wada sugayey ayaa wakhtigeedii bilaabantey ,waxaana daqiiqadii 14-aad goal aad u qurux badan Real Madrid madaxa ...
6
views
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii ...
4
views
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka Soomaaliya [...]
4
views
views
Marka Cadey Net ─ Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay goor dhaw oo caawa ah, ay Magaalada Muqdisho ku qaarajiyeen nin dhalinyaro ah, oo aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay inay dilaan. Xilli ninkaan dhalinyarada ah uu ka soo kacay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala agagaaraha Shirkadda Nation Link ee Degmada Warta Nabadda, ayaa waxaa soo weeraray [...]
5
views
views
Mareeg ─ 18/05/2013
13
views
views
Horufadhi ─ Siyaasiga weyn ee Hilowlle Aadan oo kasoojeeda Gedo, kana mid ah dadkii u tartamayey madaxtinimada dawladda Jubbaland , wuxuuna sheegay in afka Xasan CUlusow uusan ahayn mid qaranimo ee uu yahay mid qabiilnimo. HALKAN KA DHAGAYSO. Horufadhi.com@gmail.com
13
views
views
Horufadhi ─ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb galay Munaasibad balaaran oo lagu furayay Mashaariic ay dowladda Turkigu ka fulisay Magaalada Muqdisho, Ayaa intaa kadib ka hadlay arimo kala duwan waxa uuna ugu horayn madaxweynuhu ka hadalay arimha Jubbooyinka Sidoo Kale Waxaa uu kahadlay arimaha gobolada waqooyi Galbeed ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la [...]
6
views
views
Horufadhi ─ Waxaa tvga SNM ee ku hadla afka jabhada Siilaanyo madaxda ka yahay toos looga daawanaya hadalada caadifadaysan ee Soomaalidiinimada, midnimo diidnimada iyo kala Irdheynta shacabka Soomaaliyeed xanbaarsan ee ka soconaya daafaha dunida, taasoo ay ku xusayaan maalintii ay Soomaali ka diideen qabiilka Isaaq. Waxaa wax si toos ah hoos ugaga qoran waxaa Live kan fududeeyey [...]
8
views
views
Horufadhi ─ Magaalada Muqdisho waxaa shir jaraa’id goor dhawayd ku qabtay in ka badan 110 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliyee,kuwaasoo maanta laga hor istaagay inay ku shiraan hotel ka mid ah kuwa magaalada MUqdisho ayadoo qadadiina laga joojiyey. Qaar ka mid ah xildhibaanada oow arbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xaaladan keenayso isdii barlamaankii hore [...]
