22
views
views
Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland o waraysi lala yeeshay uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed uu dalku marayo.
Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, , oo ku sugan magaalada Hargeysa, wuxuu ka hadlay doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanada Somaliland oo uu tilmaamay inay soo toosisay qabyaaladii.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu bogaadiyay wasiirka maaliyadda iyo wasaaradiisa oo uu sheegay inay miisaaniyadda golaha wakiilada geeyeen ka hor wakhtiga uu sharcigu jideeyay. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:–
Waad ku mahadsantahay waraysiga gaarka ah ee aad noo ogalaatay, haddaynu gudo galno waraysigeena doorashadii shanaad ayaa dalka ka qabsoontay afar doorashooyinkaas kamid ah xisbigii aad hoggaamin jirteen ee UDUB ayaa qabtay, doorashadan u danbaysayna xisbiga KULMIYE, haddaba sidaad u aragtaa doorashadan hadda laga soo baxay?
Marka hore waxaan salaamayaa shacbi weynaha Somaliland, baryahan siyaasada waan ka seexday oo xoogaa waan ka nastay, laakiin maanta waxaan doonayaa inaan gudbiyo talooyin aan umadda isugu soo jiidaayo, maadaama oo aan hoggaanka dalka muddo dheer ku soo dhex jiray oo aan muddo yar uun ka sii maqnaa, ugu horayntii doorashooyin hore waanu soo qabanay tan maanta dhacday iyo kuwii hore farqi weyn ayay kala leeyahiin, markii aanu ahayn UDUB waxaanu ahayn rag ka soo horjeeda in ururdaba la furo, sababtuna waxay ahayd inaanu arkaynay waxa iman doona, waxaanu arkaynay in dalku uu ku noqon doono qabiilooyin,gobalaysi iyo in ay labada ilmaadeerka ah ay is naci doonaan, inaga oo aan wali ictiraaf helin in aynu ku kala tagi karno ayaan u arkaynay, oo furitaankaasu rabash iyo badweyn uu inala gali doono, sidaas ayaanu ugu adkayn in aan la furin oo aanu ku dagaalamaynay ilaa daqiiqadii u danbaysay.
Waa la furay, haddaba aan is barbar dhigo 2002-dii iyo 2012-kii oo ah laba wakhti oo la dooranaayay deegaano iyo ururo, faraq ayay kala leeyahiin waayo barigaas xeerka doorashada deegaanku waa uu koobnaa waxaanu ahaa xeer loogu talo galay in ay ka soo baxaan saddex xisbi oo aan dib loo furin oo saddexdaas uun ay noqdaan xisbiyo qaran oo dalku leeyahay oo cid walba u furan oo ay iska dhex sharaxi karto, halka kale ee ay ku kala duwanaayeen waxa weeye liisbay ahayd oo waxa uu daboolayay in aanay qabyaaladu noqon mid fida, liiskuna meel buu ka qaldanaa oo dadku ay ka yara cararayeen oo waxa uu ahaa kii lahaa cod ka ayaa laga yaaba inuu 20 ama 16 galo oo mid aan lahayn codku uu xaga hore soo galo , laakiin waxay daboolaysay in aan wadanku ku dhacin qabyaalad oo aan lays jiidan, tana qofkaa la dooranaayay oo dhawr kun ayaa isa soo sharaxaayay oo Alle inaga badbaadiyay wax yar oo saddex boqol ahna waa ay ka soo baxayeen, toban ilmaadeer ah ayaa isa soo sharaxay oo maanta laga yaabo in aanay is eegin, waxaana laga yaaba inay dadkii ilmaadeerka ahaa doorashadan ku kala tageen ama reerkiiba uu nin kaliyaata qaatay kuwii kalana ka tagay taasina ay keento calool xumo.
Anigu waxaan soo jeedinayaa Somaliland maanta uma baahna is qabqabsi waa nuxurka aan doonayo inaan sii bud dhigo, marka layna ictiraafo aynu is qabqabsano, wax kastana maanta waa in loo liqaa danta Somaliland, sababta oo ah haddii aan loo liqin waxa aynu maraynaa jid adag, cadaw badan ayaynu leenahay oo inagu xeeran oo ina banjarinaaya, waxa maanta is garab yaala in aynu wadada ku banjarno iyo in aynu hore ugu socono, qofku xaqdaro waa uu tirsan karaa mid kalena waxa uu tirsan kara inuu xaq leeyahay, laakiin marka labadoodu ay isku dhacaan waxa imanaysa in mustaqbalkeenii uu baaba’o, halgankeenii dheera ee tobanka sano ahaa iyo 21-ka sano ee aynu dawlada ahayn ma yara ee wax ay ku dhawdahay afartan sano waxii intaa aynu soo wadnayna ee maal iyo adduun aynu u baabi’nay ma wanaagsan in aynu dhib gacmaheena ugu baaba’ino, markaas waxaan leeyahay nin kasta oo tirsanaaya in aan xaqiisii la siin maanta haliqo.
Bal isku kaaya barbar dhig doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay iyo tan maanta qabsoontay, adiga oo eegaya in dhib badan ay ka dhacday gobalo badan oo Somaliland ah xataa iyada oo doorashadii wakhti laga joogo?
Meel walba oo tartan uu yimaado khaladna waa uu yimaadaa saxna waa uu yimaadaa, runtii halkaan ka xumaaday ee ka naxay waxay ahayd maalintii komishanku yidhaahdeen degmaa laba jeer lagu celiyay runtiina arintaasu mid dalka khatar badan ku keeni gaadhay ayay ahayd, laakiin anigu waxaan leeyahay waar wax kasta oo dhacay, wax kasta oo yimi, wax kasta oo la tirsanaayo waxaynu maraynaa jid aan fududayne halagu dhaafo.
Murano badan ayaa ka dhacay doorashadii maayaradii dalka, waxaanay dad badani xukuumada ku dhaliilayaan inay muranadaas aanay damin ee ay doonasay uun inay awooda ugu badan iyadu qaadato, taas oo dhimasho iyo dhaawac badan dadka shacabka ah ku keenatay, arrimahaasu siday kuula muuqdaan?
Xukumada waxa laga rabaa waa dulqaad iyo dajin ee hadalo taag taagan marnaba lagama rabo, isku dhacyona waa ay imanayaan marka laba qof oo hirdamaayay ay kala badiyaan ee midna xaqdaro tirsado, kolayba waxaan leeyahy waa inay xukuumadu dulqaad badan samayso oo ay falawgeed gasho sidii ay u dajin lahayd rabshadaa oo aan arinku noqon midi mindi ku taag.
Waxa jira sadex xisbi oo doorashada ku soo baxay si kasta oo ay doorashadu ahaydba siday kuwaasu kuula muuqdaan?
Saddexda xisbi ee soo baxay waa kuwii hore u jiray uun, waayo Wadanina waxa uu ka baxay UCID uun, waxaanan u arkaa in xisbigii UDUB uuni uu u qaybsamay saddexdan maanta oo matalan 30% waxay galeen KULMIYE, boqolkiiba soddan kalena waxay galeen WADANI, halka UCID-na ay ka galeen iyadana boqolkiiba sadan kale, booskiisiina waa la soo buuxiyay.
Qolyahan tartamaayay oo ku dhawaa labaataneeyo urur haddii markii horeba ay is urursan lahaayeen waxay booska ka riixan lahaayeen ugu yaraan laba xisbiyadii jiray kamid ah, laakiin markay ururadii bataanba waxay faa’ido u ahayd xisbiyadii hore u jiray, waxa ururadan tartamaayay jabiyay markay isku tiro bateen,haddii ay isku ururi lahaayeena waxa shaki la’aan ah in ay ugu yaraan laba xisbi qaran la degi lahaayeen.
Waxaynu ku dhawnahay gabogabadii waraysigan, ururadii la fur, doorashadiina dhamaatay, maxa laga faa’iday ayaynu odhan karnaa, se maxaad mucaarad iyo muxaafidba waxkhtigan aad talooyin u soo jeedin lahayd?
Haddaan dib u noqdo waxa laga faa’iday ninkii ugu horeeyay ee ugu dagaalka badnaa ee lahaa hala furo waxa uu ahaa Dr.Gaboose sanad guuradii koowaad ee xaflad waanagii isku haleelnay hotel Anbasador oo isagu uu ku dagaalamaayay in la furo ururada, maalintaas dood badan ayaa naga dhex dhacday wakhtigaana waxa ag fadhiyay rag badan oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda talada hayaa, abwaan Hadraawi, Muuse Biixi rag badan ayaana maalintaas garab joogay oo lahaa Gaboose xaq buu ku taagan yahay, hala furee maxa laga faa’iday, anagu waxaanu taagnayn markaanu lahayn yaan la furin waar saddexdan xisbi qaran ee jira hala geeyo goleyaasha qaranka oo sharci haloo sameeyo, sharcigaas oo ka dhigi lahaa xisbi aanu qofna yeelan karin oo xadhig lagu xidhay furana oo ninkii doonaaya uu iska soo sharaxi karo, waataanu ku doodaynay, markaas maanta waxa timi inaan qabyaaladii ka qaadnay daboolka, waxaana taas ka daran in toban sano kadiban la furaayo iyada oo tii hore taagan, haddii talo layga dhagaysanaayana waxaan odha lahaa laba xisbi oo kaliyaata ha lagu soo ururiyo, waayo waxaynu nahay dad qabyaaladu ay madax martay, waxaan filayaa diinta gaadh ayuun baynu ka haynaa, lakiin qabyaalada waxa ku dhimanaaya boqolaal, rasuulkuna ( NNKH) waxa uu yidhi ninka ku dhinta tolaayeey waa eh-lu naar.
Waxaynu markaas nahay umad qabyaaladu ay madax martay, oo haddana markaan ka hadlaayo beelaha dhaxe oday baa wada dhalay, mana garanaayo caqligeenu halkuu ku halaabay, iyada oo oday kaliyaati wada dhalay ayay hadana gam iska siinayaan, waxaan u arkaa in qabyaaladii ay inagu yeelatay muruqyo danbe, taladayduna waxay tahay Somaliland wax yar ayaa inoo hadhay waanaynu samirnay oo dariiqiibaynu haynaa ee aynu ku gaadhaynay guusha ictiraafka oo inoo ah yoolka ugu weyn, waxaan ku celinayaa nin kii cadhoonaaya ama tirsanaaya xaqdaro ama leh waa layga hiiliyay wax walba haku liqo Somaliland oo yoolkii aynu hiigsanaynay yaanu inaga halaabin.
Sidee loo yarayn karaa muranka doorashada loona hor istaagi karaa in ku celcelin badan ay doorashooyinka danbe ka dhacdo?
Arinka ugu weyn ee waxa weeye horta in la sameeyo dhalasho oo la yidhaahdo yaa Somaliland u dhashay intaan wax kale la galin, oo laga soo bilaabo dawladaa hoose oo qof aan keenin cuqaashiisii iyo markhaatiyo ku filan aan la siin wax dhalasho ah, marka qof walba oo Somaliland ah uu helo dhalashadiisa, hadhaw toole kaadhka lagu codaynayaa waa maalin kaliyaata oo waxa la siinayaa qofkii haysta dhalasho, dad badan ayaa maanta is waydiinaaya yaa codeeyay, xabashi,oramo iyo cid kastaaba way codaysay, taban jeer ayaa lagu cel celiyay, wax kasta oo yimaada waa in aynu cashar ka baranaa, doorashadan waxaynu ka baranaynaa in qofku uu codeeyay toban jeer, marka aynu gaadhayno doorasho xor ah oo xalaal ahna waa marka qofku uu baxiyo halka cod ee uu xaqa u leeyahay, marka la garto yaa meeshan u dhashay ma noqon doonto jaantaa rogan.
Ugu danbayntii miisaaniyada sanadkan goor horeba golaha wakiilada waa la horkeenay madaxweynuuna waa uu saxeexay, koradh fiicana waa uu ka muuqdaa, siduu kuula muuqdaa koradhkaas ku yimi miisaaniyadii dalka xukuumadiinii dabadeed?
Haddii aan dib ugu noqdo miisaaniyadii 1997 barigaas oo aan ku jiray golaha wakiilada, madaxweyne Siilaanyona uu ahaa wasiirka maaliyada way ku adkaatay miisaaniyadu oo barigaas waxa uu yidhi waa adhi gaba, dabadeeto golaha wakiiladana way is qabsadeen oo waxa uu ku yidhi hala keeno, waxaana la keenay miisaaniyad lix bilood ah,miisaaniyadahu waxay soo bilaabmeen 1995-kii, laakiin tii rasmiga ahayd ee u horaysay waxa la keenay 1997 oo madaxweynaha hadda ayaa markaas wasiirka maaliyada ahaa, balse barigaas waa ay ku adkaatay oo waxa uu yidhi waa adhi gaba, golahaana ku diiday oo dalbaday in la keeno, anigu waxaan kamid ahaa raggii golaha ku jiray ee yidhi jeeg madhan la saxeexi maayo’ee golaha hala keeno, sidan sheegayna lix bilood ayaa dirqi lagu keenay.
Tan maanta maaha in qofka wax keenay la xaasido ee waxaan qabaa inay kor u kac samaysay oo ay sare u socoto, wasiirkana waxaan ku amaanayaa iyo wasaarada maaliyadaba inay markii ugu horaysay ay keeneen miisaniyad golaha wakiilada hortooda wakhtigii loogu talo galay marka sharciga laga eego, waxaanan leeyahay ta danbana keena bisha tobnaadba si labada bilood ee sanadka ka hadhay laysula eego oo looga doodo.
Marka aad leedahay miisaniyadii ugu horaysay ee uu madaxweynaha hadda oo markaas wasiirka maaliyada haa uu golaha wakiilada horkeenay waxa uu yidhi waa adhi gaba, maxuu ula jeeday?
Wakhtigaasu waxay ahayd markii Sucuudigu uu adhigeena joojiyay, ee u horaysay dagaalku bana inagu bilaabmay ee layidhi adhigeenu cudur ayuu qabaa.
Up coming
2
views
views
Raxanreeb ─ Mogadishu, 23 May 2013 – The President of the Federal Republic os Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud attended a ceremony in Mogadishu to celebrate the 50th Anniversary of the Organization of the African Union (OAU). Dignitaries present in the event included the Special Representative of the AU to Somalia, Djiboutian Ambassador to Somalia who is also the Dean of Diplomatic corps in Mogadishu, the EU and UK Ambassadors to Somalia ...
5
views
views
Qurbe Joog ─ Borama 23.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta Kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Waxaa Deegaanka Goraya Cawl kaga hortagay Madaxda Heer Gobol iyo Mid Degmo isla markaana u Galbiyay Dhinaca Magaalada Boorama halkaas oo uu Warbaahinta ugu Sheegay Ujeedada Socdaalkiisa . Boorama SDN. Qurbejoog.com
3
views
views
Qurbe Joog ─ London 23May13 (SDN)Habeenkii xaleey ee bishu aheed 21/5/13 kuna beegned Salaasa ayaa waxaa lagu qabtey Badhtamaha Magaalada Bristol xaflad aan nooceeda hore loogu arag Bristol oo si heer sare loo soo agaasimey ,taasi oo ay ujeedadeedu aheed Xuska Sanad Guuradii 22 ee ka soo wareegtey Gooni isku taiga Somaliland Waxaa madasha soo buux dhaafiyey dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magalada Bristol iyo nawaaxigeega kaasi oo ay dhoolatus weyn ku ...
4
views
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 23 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed,_Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. ...
2
views
views
Puntland Voice ─ Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ee ku dhaqan Magaalada London ee caasimada Dalka Britain waxaa la ogeysiinayaa magaalada uu ku soo wajahan yahay Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan. 31:05/2013 ayuu ku soo aadan yahay haddaba dhamaan jaaliyada Puntland waxaa lagu wargelinayaa inay sidaa ula socdaan. Dadka qaban qaabinaya soo dhaweynta Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan ayaa ku howlan sidii wada jir loogu soo dhaweyn lahaa mas’uulkaani oo qiimo badan ku ...
4
views
views
Puntland Voice ─
2
views
views
Puntland News 24 ─ Wasaaradaha waxbasrahada ee dowladda Puntland ayaa maanta iclaamisay maalinta Sabtida ah ee taariiqdu ku beegantahay 25-ka bishaan inay deegaanada Puntland ay ka bilaabanayaan imtixaanka guud ee kama dambaysta fasalaada sideedaad ee dugsiga dhexe ilaa iyo dugsiga sare (Form Four).Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa maanta shirsaxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu ku sheegay maanta inay direen 70- kormeerreyaal ah oo watta boorsooyinkii iyo imtixaanaadkii dugsiga sare, ...
2
views
views
Oodweyne News ─ Anaga oo ka kooban Salaadiinta,Cuqaasha,Aqoonyahanka,Culimo awdiinka,Siyaasiyiinta,Ganacsatada,Xildhibanada,Waxgaradka,Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha waxaanu Taageeraynaa isla markaana soo dhawayneynaa SHIRKA AW BARKHADLE iyo GUDIGA QABAN QAABADA SHIRKA AW BARKHADLE oo SULDAN MAXAMED SULDAN C/QAADIR maanta si rasmiya ugu dhawaaqey Waxaanan Beesha Cod dheer iyo cod gaabanba ugu sheegaynaa iney DEBED iyo GUDABA taageeraan SHIRKAA AW BARKHADLE ee suldaanku ku Baaqey MAGACYADDA 1. Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle ) 2. Caaqil Xuseen 3. Caaqil Biite 4. ...
2
views
views
Mareeg ─ Mogadishu, 23 May 2013
2
views
views
Mareeg ─ 23/05/2013