views
Dowlada Turkey oo balan qaaday iney dhiseyso Isbitaalada Baydhabo & Kismaayo [Sawirro]
Kulan ay maanta wada yeesheen Wasiiradda Arimaha Bulshada & Horumarinta Haweenka , Safiirka soomaaliya ufadhiya wadanka Turkey & Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkey ayaa waxaay balanqaadeen mas’uuliyiinta Turkey iney si dhaqsi ah udhisi doonaan Isbitaalada Magaalooyinka Baydhabo & Kismaayo.
Kulankaan ay yeesheen Madxdaan ayaa waxaa diirda lagu saarey sida ugu macquulsan oo looga xaqab tiri lahaa Dhinaca arimaha Bulshada Gobolada Baay & Jubbada Hoose gaar ahaan adeegyada caafimaadka & Waxbarashada.

Waan la socnaa in shabaab laga saarey magaalooyinkaasi aadna ay u baa’ba san yihiin isbitaaladooda horeyna waxa arimahaasi nagala hadley Safiirka Soomaaliya ufadhiya Waddankeena ayuu mri Mr. Bekir Bozdag oo ah Ra’iisul wasaare kuxigeenka Wadankaan Turkey.
Safaarda Soomaaliya ee wadanka Turkey ayaa waxay ku guuleysatay mashruucii ayadu in mudo ahba ka codsaneysey madaxda dowlada Turkey kaas oo ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qalabeeyo isbitaalada iyo goobaha kale ee arimaha bulshada goboladee laga xureeyey kooxda Al-shabaab.
Dadaalka ay sameeyeen madaxda safaarda ayaa waxaa soo dhowaadey xiligii laga faa’iideysan lahaa mashruucyadaasi ayadoo xiligaana isbitaaladaasi ay aad uliidato.

Dagdaalka ay safaarda sameysey ayaa ah mid aysan weligeed ilooweynin Dr. Maryan Qaasim Abuukar oo ah Wasiiradda Arimaha Bulshada & Horumarinta Haweenka , waxaana maanta keliya ay shaqaalaha safaaradu u suura geliyeen in lala kulan siiyo oo dhowr mashaariicna ay ka dhameysato ilaa iyo dhowr xafiis sida Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Turkey, Wasiirka Caafimaadka, Midowga Jaamacadaha Turkiga ururka ay ku mideysan yihiin iyo madaxa Xafiiska hay’ada TIKA oo ah hay’ad dhowr mashaariic kasoo fuleysey gudaha Muqdisho.
Amb. Mursal oo aan la kulaney ayaa Warbaahinta asaguna usheegey in hadalkaan wanaagsan ee kasoo yeerey madaxda Turkey ee ah in la dhisayo Isbitaalda Baay & Kismaayo ay in mudo ah jawaabtiisa sugayeen laakiin xiligaan ay munaasab noqotey in la aqbalo walow ay weli noo harsan yihiin ayuu yiri arimo kale oo tiro badan.




Warar kale oo la xariira
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views